Madax Qalaad mase Madax Qaran?!

Bashir M. Hersi - Dadka dunidan dulsaaran waxaa lagu kala soocaa af iyo addin, micnaha waxaa lagu kala saaraa dhawaq iyo dhudhun, haddaan si kale u dhaho, waxaa lagu kala duwaa dibna hadal iyo duud heeryo, dabcan, deegaan dayran iyo dabeecad duummanna ha daleel marin, xeer beegti, xukun dhigan, xeyndaab xiran iyo xuduud xeeranna xaf ha uga gudbin.
Maqaallo Keydmedia Online
Madax Qalaad mase Madax Qaran?!

Soomaalida waxaa lagu tiriyaa, umudaha dunida korkeeda ku nool kuwooda ugu afka hodonsan, dabcan, Anigu isuma marqaati kicine, waxaa marag furay afleyda umadaha kale,qiimayn badan, qotomin fog iyo qiyaas dheer ka dib, illeenusha saarisha mari iyo afka ka sheeg kuma imaane, malahayga Carabiga ayaa naga horreeya ma ahane, afafka kale, waa hore ayaan luxudka ku soo ogaannay.

Midawgii labada gobal ee Waqooyi iyo Koofur ka dib, iyo curashadii Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliya, waxaa maamulkii dalka hoggaanka u qabtay laba af gumaysi, waa Ingiriis iyo Talyaaniye, dabcan, Carabigana ha dhaafin, oo marti aan la moogayn ahaa. Sidaa waxaa ugu wacnaa Af Soomaaliga oon qornayn! Ku hadlid iyo hawraar isku dhihid waa lahaa, haba jiraan dhawaq guridhihid degmo iyodhaajin tuulee.

Waxaase la isla keeni waayey afka la adeegsanayo, illeen aqoonyahan kasta ama maamule kasta af gaara ayuu soo bartaye, Intii Waqooyiga ka timid nin walba wuxuu adeegsan jiray Ingriiska, halka inta Koorfurtajoogtayna ay adeegsan jireen Talyaaniga, oo ah dabcan, labadii dawladeed oo kala gumaysatay labada gobal, Carabigu wuxuu u ahaa dhextaal, laga yaabee qofku inuu yaqaanno iyo inuusan aqoon, sidaa ayuu ku ahaa “Barbarre” micnaha aan dhanna hayn.

La yaabka dhacay ayaa ah, in marka xafiis dhambaal u diro xafiis kale, jawaabta u imanaysa Xafiiska dhambaalka diray ay ku Qoran tahay afkii uu ku diray ma ahan af kale, maxaa yeelay, labada masuul ee is weydaarsanaya dhambaalka, ayaa midba af gaara soo baartay, mana jirin af u dhexeeya oo qoran, oo ay ku kala haqab beelaan.

Sidaa ayaa xaalku ku socday sanadihii dawladdii loo baxshay “Musuqmaasuqa” kollay magacyo kale waa jiri karaan, ma ahan muddo yar, waa ku dhawaad toban sano, intaa waxaa sii dheeraa, inay jirtay aragtiyo qalloocan, oo ahayd qofkii aan af qalaad aqoon inuusan waxba ahayn, maya, inuusanba u qalmin inuu dal maamulo danna maareeyo, layaab, qofkii aan Bujuuq bujuuq dhihi karin, waxaaba laga dhigay gun aan gobta la garrami karin!

Hadduu curtay Kacaankii Ciidanka sanaddii 1969-kii, ayna dhalatay “Dawladdii Hantiwadaagga” ayaa loo hawlgalay qorista afka, laba sano ka dib waxaa la hirgaliyey af soomaaliga, 21-kii Octobber sanaddii 1972-dii, hubaal in loo qabay laxawjeclo aad u weyn iyo hamuun  badan, si fududna ku dhaqangalay barnaanmijkii “Ololaha Barashada af Soomaaliga”.

Maalintaa, waa maalintii afka la qoree iyo maalintii ay jirtay af la’aanta, micnaha xafiisyadu ay wada adeegsanayeen afaf qalaad, ayaa Abwaan Cali Sugulle “Dun Carbeed” curiyey heestan hirgashay ee heegada sare gaartay, waa heesma? Ma filayo inay maankiina hees kale ku soo dhacayso, waa heestii “Af qalaad aqoontu miyaa?” xareedintii iyo luuqdii Xaliimo Qaliif “Magool” iyo Xasan Diiriye Faarax, Allaha u wada naxariisto. Aamiin.

Maalintaa maanta waxaa laga joogaa afartan gu’, waxaa biya kama dhibcaan ah, in xiisihii shalay loo qabay aan maanta loo qabin, maya, waxaaba marag ma doonta ah, in dad badan kugu qashimaysanayaan marka aad af soomaali ku hadasho, haddaanba lagu oran: “Yaa, maxaad tiri?” dabcan, mar walbana lagugu dhahayo afkaa markaa la adeegsanayo, kuu doono ha ahaadee.

Dadka qaar, marka aad erayo uusan garanayn adeegsato, wuxuu isla markii la soo boodayaa, war ma af soomaali baad ku hadlaysaa, mise af Jinni? Xukunka koowaad waa kaa, balse, kuma weydiinayo, eragaa maxaa looga jeedaa? Maxaa laga wadaa, iyo macnihiisu waa maxay? Midna.

Haddaba, aan u daadego dulucda qormada, marka adoo wax tabanaya wax kale laguugu daro ayaa la yiraa: “Luq/Lur horaa laqanyo kicisa” ama “Anoo oyn rabaa Sacu Seynta igu dhuftay” si kale, waxaa loo yiraa: “Anoo hore u socda ayaan taraanturrooday

Ujeedku waa, Anoo la yaabanaa Carabiga Madaxweyne Shariif shaaric walba la taagan yahay, ayaa waxaa noogu darsoomay Ra’isul wasaare Gaas, Madaxweynaha kuma dhibsan, kumana qabsan, illeen isagu umadda uguma qudbeeyee, dabcan,  markuu Wadaadaynayo kuma darin, ee uu jilayo Khadiibe, iyo marka uu ducada guud dirayo, balse, inta kale dadweyaha wuxuu wax ugu tabiyaa Soomaali, haba u badnaado Carabiye, illeen waa tii la yiri: “Weel walba wixii ku jiraa ka fiixa!”.

Qosolku wuxuu ahaa markii Amiin Camir, waa farshaxanaystaha weyne, uu ka sameeyey sawir gacmeed. Waxaa ku sawrinaa laba askari midi Gambar ku fadhiyo, midka kalana taagan yahay, dabcan qorina garraarsan yihiin. Waxay daawanaayeen shaashad/dhalo [Muuqtuse] hortooda taallay, oo madaxweyne Shariif ka dhex muuqday, isagoo ka qeybgalay shirkii London, waxaana  gadaashooda taagneyd qof dumar ah. Midkood ayaa dhahaya: “Aamiin, Aamiin” midkii kale ayaa wuxuu ugu jawaabayaa: “Ilaah ha ka aqbalo ducada, Aamiin” qofka dumarka ahayd ayaa ku tiri: “War doco ma ahan ee waa khudbaddii ayuu afka Carabuga ku aqrinayaa!”.

Dhibka jira ayaa se ah, in marka aad dhagaysato muxaadaro wadaad, aadan kala garanyn wadaadkani ma Soomaali ayuu wax u sheegayaa? Mise Carab la Soomaaliyeeyey? Eraga ah Carab la Soomaaliyeeyeyula kac iyo ujeed ayaan u adeegsaday, inaan muujiyo qabweyniada Qawmiyadda Soomaaliyeed, oo aan sheedda dhigo sheeko khiyaaleedka meelaha lala shuushuu leeyahay, ee ah Soomaali ayaa Carab ah, ama Carabowday!

Wadaadadu marka ay dadka Wacdinayaan waxaan afkooda ka faaruqin erayada Carabiga ah, Carabi ahaan inaan halkan ku qoro wax qiimo ah ma lahan, balse, erayo ayaan Soomaaligooda qorayaa ee bal ila dhuuxa: “Eebbe sarreeyeeUdgoone MaxamedWadaaygii ….. –magaca Saxaabiga-IWM” wadaadaduse mar walba waxaad maqlaysaa iyagoo Carabigu afkooda ka fanfaniinayo.

Anoo meeragaha dhex dabaalanaya, wardoon iyo waariddoon ah, ayaan duljoogsaday qormo uu qoray Ra’isul wasaare Abdiwali Maxamed Ali “Gaas”, aqriste, adba malee afkee ku qorneyd? Inta aanan dareenkayga ku maanin waxa ii soo bixi doona, waxaan ku dadaalay inaan si fiican isaga hubiyo magaca, dhawr kol ayaan ku celiceliyey aqriskiisa, haddana, aamini waayey, dabadeedna isha ku kuuray, anood mooddo inaan dalbanayo aragti iga baxsan inay magaca ii ifiso.

Qormada magaceeda waxaa la yiraa: “




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.