Madaxtooyadda oo la Weeraray!

Keydmedia Online — Kooxo Hubaysan ayaa Maanta Weeraray Madaxtooyadda Soomaaliya "Villa Somalia", halkaaso ay ka dhaceen Qaraxyo Culus iyo Is-rasaaseyn.
Maqaallo Keydmedia Online
Madaxtooyadda oo la Weeraray!

Keydmedia Online ayaa kala socon kartay Wararkii ugu horeeyay, waxaana Boggaan kala socon kartaa wixii kusoo kordha Weerarka iyo Warbixinno.


Weerar abaabulnaa, oo u muuqday mid si fiican looga soo shaqeeyay ayaa Maanta waxaa lagu qaaday Xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia.

Weerarka oo ku billowday Qarax Gaari oo lagu dhuftay Irida Madaxtooyadda, ayaa waxa daba socday Dagaal ka dhacay Gudaha, kadib markii Kooxda Al shabaab ah oo lagu qiyaasay 20 Qof ay u suura gashay in ay Gudaha u galaan Xarunta.

Dagaalyahanada iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa Dagaal socday ku dhowaad 1 Saac waxa uu ku dhexmaray Gudaha Madaxtooyadda, kaasi oo daba socday Qaraxyo ay samaynayeen Rag xirnaa Suumaha la isku qarxiyo.

Weerarka waxa uu ka billowday 12 P.M, xilli lagu jiray Salaadda Jimcaha/ Khudbada ee Maanta Albaabka laga galo Madaxtooyadda ee dhanka Bari, gaar ahaan Wadada 15-Maay.

Wasiirka Amaanka DFS C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa beeniyay in Al shabaab ay Gudaha u galeen Villa Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in ay fashiliyeen Weerarka.

Wararka Madaxa Banaan waxa ay sheegeen in ugu yaraan 14 Qof, oo ay isagu jiraan Ciidanka DFS, AMISOM Saraakiil ka tirsan Xafiisyada RW C/wali iyo Xasan Sheekh.

Maxamuud C/llaahi Indha Case, oo ahaa Agaasiimihii Xafiiska RW C/wali iyo ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka, Gen. Mohamed Nur Shirbow ayaa kamid ahaa Dadkii Maanta lagu dilay Weerarka.

In ka badan 20 Qof oo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ay ku jiraan ayaa lagu dhaawacay Weerarka. Xildhibaano lagu magacaabo Ahmed Hajji iyo Salman Mohamed iyo Wariye, ayaa kamid ah Dadka dhaawacmay.

Meydad Badan ayaa wali dhex yaalla Villa Somalia, waxaana laga cabsi qabaa in Gudaha ay ku jiraan Rag ka tirsan Al shabaab. Ciidanka AMISOM ayaa ku jira dadka ku dhintay Weerarka.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarka.


Wixii dhacay - Live Blogging

Qaraxyo weyn ayaa ka dhacay Dhabarka danbe ee Madaxtooyadda Villa Somalia, waxaana Qaraxyadda si weyn looga maqlay Dhawaqiisa qeybo badan oo kamid ah Muqdisho.

Qaraxyadda kadib waxaa laga maqlayay gudaha Madaxtooyadda Is-rasaaseyn xooggan, waxaana aad u adag in la helo Khasaaraha.

Keydmedia Online - Update 1

Labadii Qarax ee hore kadib, Qarax 3-aad ayaa dhacay, waxeyna Saraakiil u xaqiijiyeen Wariyaha Keydmedia Online in Kooxo Hubaysan ay gudaha u galeen Madaxtooyadda.

Keydmedia Online - Update 2

Wasiirka Amniga DFS C/kariin Xuseen Guulee ayaa xaqiijiyay in Weerarka uu bartilmaameedkiisu ahaa Madaxtooyadda. wuxuu sheegay in Ciidamada ay ka hortageen, oo aysan jirin Khasaaro soo gaaray Ciidanka.

Keydmedia Online - Update 3
Warkii Wasiirka Amniga waxaa beeniyay Sarkaal ka tirsan Booliska oo sheegay in Mayd iyo dhaawac dhulka yaalla uu arkay. 

Goobjooge ayaa u sheegay Keydmedia Online in Dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ay qaar isku qarxiyay qaarna gudaha u galay Madaxtooyadda.

Keydmedia Online - Update 4

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Teleefoonka kula hadlay Nickolas Kay, Ergayka UN-ka ayaa sheegay in uu badqabo oo uusan waxba kasoo gaarin Weerarka.

In ka badan 10 Qof oo isagu jira Al shabaab iyo AMISOM ayaa ku dhintay Weerarka, Goobata waxaa hadda gaaray Gaadiidka Deg Dega oo Dhaawacyada soo qaadaya.

Dadka ku dhintay Weerarka Madaxtooyadda waxaa ku jira Gen. Mohamed Nur Shirbow, ku xigeenkii hore ee Hay




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.