Madaxweyne-Socdaal, Muxuu ku danbeyn?

Waxaa ka soo wareegratay mudo sanad iyo sideed bilood ka badan xiligii Shariif Shiikh Axmed Shiikh Max’ud loo doortay Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, waxaana arinkaasi uu ku yimid shir Qm loogu soo gabaday balse abaabulkiisii hore ay laheyd dowlada Maraykanka.
Maqaallo Keydmedia Online
Madaxweyne-Socdaal, Muxuu ku danbeyn?

Xulashada Shariif loo xulay madaxtinimada Soomaaliya ayaa timid markii reer galbeed iyo maraykan ay u arkeen wadaad  qunyar socod ah oo si saani ah looga qaadan karo usha loo dhiiba, waxaana si aanu horumar la taaban karo lagu dabakabay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo siyaasada wajiya badanka ah si wanaagsan u yaqaan.

Tan iyo dharaartii loo dhaariyay Madaxweynaha Soomaaliya ma harsan mana hoyan waxaana waqtigiisa kan ugu badan uu ku qaatay sii socod iyo soo socod, waxaana la arkay in 72 saacadood gudahood oo laba duulimaad oo kale duwan sameeyay(Muqisho ka tagay kuna soo laabtay, hadana ka tagay).

Xili walba waxaa looga gacan haatiya Shir la sheego inuu calaami yahay hadii kalana xasaasi misna looga hadlayo xaalada cakarin ee ka taagan Soomaaliya, laakiin la yaabka ayaa ah in aan laga hadlin wax dhaafsiisan Dowlada hala taageero, Ciidamo hor leh hala keeno si loo wiiqo awooda kooxaha mucaaradka gaar ahaan kooxda……. Oo ammaanka gobalka Qatar ku ah.

Shirarkan oo aan tusaale ka dhiganeyno labadii ugu danbeysay ee ka kala dhacay Newyork iyo magaalada facaweyn ee Madrid, waxaa lagu canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay goobaha dowlada ee halis galiyay nolasha dad uu ka mid yahay Shariif iyo qolya kale oo Ajaaniib ah, balse marna lagama hadlin duqeymaha dharaar iyo habeen galaafanaya nolasha shacabka ee xagga iyo xaggaba ay is weedaarsadaan.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Dhado roob noqon weyday, Shirkii kooxda xiriirka Caalamiga loogu magac daray ee ku soo idlaaday Magaalada Madrid ee dalka Spain war mutiyeed laga soo saaray waxaa lagu xardhay qodob u muuqday amar kuwaasoo aan kala soo dhex baxnay “Dowladda xiligan jirta waa in ay ku diyaarisaa muddo 60 Casho ah qorshe looga gudbayo KMG” laakiin qodobkaasi Soomaalida qaar waxay ku fasirtay muddo 60-casha ah ayaan ku diyaarineynaa qorshihii lagu badli lahaa Madaxweyne Socdaal misna xariif kale oo aanay waxba u bilowneen loo keeni lahaa .

Sanadkii 2006-dii xiligii ay Maxkamadaha joogeen ayaan ka maqlay eraygan nin saaxibkey ah “Aan qoree Qalinka ii qabo”  waxaana uu iigu macneeyay saaxibkaas oo hadda ku sugan Kenya inuu ula jeeday erayga qof ku shaqeeya maskax aan tiisa aheyn isla markaana isu muujiya ruux madax banaan gaari karana go’aano ay mas’uuliyadi ka muuqto, waxaan iminka u xasuusta Ereygaas waxay ila noqotay in iminka marxaladiisii la joogo.

Wuxuu la kulmay urur hebel, Madaxweyne hebel, safiir hebel, ergey hebel, hebel hebel, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa  taageerada iyo dhaqaalaha ay helayaan ciidamada AMISOM ee dowladda taageera, waa dhif iyo qaliil in la maqlo kulan looga hadlay daryeelka shacabka barakacay ee masaakiinta ah.

“Us Madaxweynahaan socod lee maas wadaa wax kale ma kasaaye miyaa, was baxay waa imaaday  leen maqloynaa see ahaan waaye” sidaa waxaa yiri oday reer Muqdisho ah oo ku noolaa tan iyo  waagii xorriyada guri ku yaala isku raranta xamar jajab.

Is weydiinta la xiriirta Socdaalada tirada badan ee Madaxweyne Shariif ma yara, laakiin dowlada oo idil ayaaba iska ah dowladii socdaalka, oo Xildhibaan, Agaasime guud, wasiir iyo cid kalaba waa kuwa marna safar soo ah marna safar sii ah.

Dadka sii xooraamiya Arimaha Siyaasada ee falanqeeyana waxa ay ku sheekeeyaan in Shariif aanu laheyn mustaqabal Siyaasadeed oo sii nolaan kara, waxaana la sii saadaalinayaa in muda gaaban kadib uu noqon doono qurbaawi waxaana la hadal hayaa in Yurub ama Maraykanka uu ku noolaan doono.

Soomaalida badankeed waxay ku alle tuugayaan in isbadal kan dhaama uu alle keeno si ummadda ay uga baxdo dhibaatada raagtay ee 20-ka sano lagu soo dhex jiray.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.