MAGACAABIS MAXAA XIGA ?

Haji Seeko (Keydmedia) - Cidna ma mooga in calooshood u shaqeestayaasha caalamka ay yihiin kuwa daneynaya in xaalada Soomaaliiya ay sii qasnaato isla markaana lagu jiro fowdo, qas, nidaam la’aan xasilooni dari iyo nabaad-guur.
Maqaallo Keydmedia Online
MAGACAABIS MAXAA XIGA ?

Waxaana si ay taasi u adkeeyaan mar walba isku dayaan khilaaf in ay abuuraan isla markaana ay dagaal Diplomaasiyadeed la galaan cida ay u arkaan in ay caaqil tahay, aqoon leedahay Dalka iyo dadkana u diir naxeyso.

Midowga Afrika, QM, IGAD, Dowladaha Dariska ah iyo ururada lagu magacaabo in ay yihiin daneeyayaasha arimaha Soomaaliya dhamaantood waxaa la oran karaa waa ka daneestayaasha arimaha Soomaaliya, waxaana ay dan u arkaan daganaan la’aanta iyo xasilooni darida ka taagan Dalka.

Dadka aqoonta leh ee mufakariinta ah waxa ay rumeysan yihiin in dhibaatada ka taagan Soomaaliya xaga iyo xaga ay mas’uul ka yihiin waxa loogu yeero Dalalka daneeya arimaha Soomaaliya iyo urur gobaleedyad, waayo mar walba oo la dareemo horukac iyo neecow isbadal waxaa muuqaneysa in laga shaqeeyo niyad jab iyo qasaaro.

Max’ed Farmaajo R.wasaarihii xilkiisa ku waayay ka daacad noqoshada xaalada Dalka iyo la dagaalanka kooxaha Alqaacida taageerada ka hela ee SHABAAB waxaa lagu sheegay nin aan lala shaqeyn Karin isla markaana aan la fahmi Karin, marka aynu halkaasi joogno sooma ahan sababta loola shaqeyn kari waayay Farmaajo inuu doonayo soo afjarida qandaraaska ma dhamaatada ah ee Shabaab?.

Muqdisho waxaa ka dhacay Munaasabad loogu magac daray magacaabis R.wasaare, dadka qaarkiina waxa ay munaasbadaasi ugu waqlaleen “ Munaasabada Murugada iyo musiibada Soomaaliya” waayo waa talaabadii ugu horeysay ee bud dhigeedu uu yahay fulinta heshiiskii Gumeysi ee Kampala lagu soo dhadhoobay ayna gar wadeenka ka ahaayeen Mahiga iyo Musaveni oo kala adeegsanaya Shariifyada.

C.wali Max’ed Cali Gaas ayaa loo magacaabay Xilkii uu Farmaajo ku waayay fakarka iyo dadaalka uu u galay la dagaalanka Shabaab, waxaase dad badan is weydiinayaan C.wali oo sida Muuqata ah aqoonyahan Darja wanaagsan ka gaaray cilmiga siduu ula jaan qaadi doonaa shaqsiyaadka dadaal necebka ah ee taageera Shabaab?.

Waa hubanti hadii uu la soo shir tago Siyaasad cilmi iyo caqli ku saleysan in ay si dhaqsa ah ku dagaalami doonaan Shariifyada iminka xilka u dhiibay, waase arin kale hadii uu ku raali noqdo doonistooda waayo qof walba oo ka bari noqda iyaga isla markaana hami horumar iyo Dal jacel laga dareema waxaa loo sameeyaa Iin dabadeedna tareenka siyaasada ayaa laga tuuraa.

XIRIIRKA MAHIGA, MUSAVENI IYO SHARIIFYADA

Dad badan waxay isku raacsan yihiin in xasilooni ka islaaxda Soomaaliya ay iminka caqabad ku yihiin afarta Shaqsi ee ku xusan sadarka Kore, waxaana ay isugu xiran yihiin qaab laba laba ah.

Shariif Sakiin VS Mahiga

Waa awooda kowaad ee maamusha siyaasada Soomaaliya, waxayna mar walba ka shaqeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen go’aano guracan oo aanay shacabka Soomaaliyeed Dan ugu jirin, waxaa la sheegay in 48-kii saac ugu yaraan mar ay  wada xiriiran kana wada tashadaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen xasilooni darida dalka.

Mahiga  tan iyo markii loo magacaabay u qeybsanaha QM ee Soomaaliya waxaa leysku raacsanyahay in ay xoogeestay Kooxda Shabaab, waxaana arimahaasi sababtooda lagu sheegay isaga oo inta badan kala hadla shariifyada in aan awood badan loo adeegsan shabaab si aanu u dhamaan qandaraaska Soomaaliya.

Shariif la mood VS Musafeni

Waa saaxibo isu dhaw, waxayna inta badan ka wada hadlaan arimaha ku saabsan howl galka iyo qaabka uu noqonayo, laakiin kulmadooda natiijooyinka ka soo baxa marka la fasiro waxa ay u muuqdaan kuwa loogu hiilinayo Shabab, waxaana taasi cadeyn ugu filan awooda Amisom ay u adeegsato burburinta Magaalada iyo tag darida Shabaab, waayo AMisom maalin walba waxa ay duqeysaa gooba rayid ay ku nool yihiin tiyoo Shabaabka ay hor fadhiyaan.

MUSTAQBALKA INA CALI GAAS

Ina Max’ed Cali Gaas waxaa hor yaala caqabada badan, waa mide waxaa laga sugayaa in magacaabista waxa loogu yeero golaha Wasiirada dadka qaarna ay ku magacaabayaan xiligan Liiska Madow xulidiisa uu ku raali galiyo Shariifyada oo sida  axzaab siyaasadeed u awood qeybsanaya.

Waa tan kale inuu raali galiyo Mahiga iyo Musaveni, waayo hadii kalsoonida labadaas midkood uu waayo waxaa ku dhici karta dharbaaxi kulul, laakiin hadii uu naftiisa u hibeeyo afartaas shaqsi waxa uu weynayaa kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Laba daraale mid dooro ayeey iminka xaajadu joogtaa, waa mide inuu raali galayo Shacabka Malaayiinta ah ee Soomaaliyeed ee Dunida daafaheeda ku nool, waa tan kale inuu raali galiyo horjoogayaasha Gumeysiga.

Taariikhdu waa ma hadho iyada ayaana is qorta misna is aqrisa hadaba waxaan u diyneynaa waqtiga iyo waayahay halka uu wadaanta ka darsado C.wali Max’ed Cali gaas Magacaabis kadib?

Hadaba akhriste is weydiin ma xumee maxay kula tahay adiga, oo halkeed is leedahay hankiisa wuu u badanyahay, fadlan arigtidaada noogu soo dir Facebook.

Abudlkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent


AQRISO COMMENT-KA OO UU SOO DIYAARIYAY DR HIRABE



Abudlkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.