Marka sharciga la baal-maro ee shanto shaqeyso

Maqaallo Keydmedia Online

Sooyaalka taariikhda hoggaamiyayaasha adduunka soo maray, buug kasta iyo bog walba aad soo rogto, waxaad ku arkaysaa arrin ay ka siman yihiin, taas oo ah hirgallinta taariikh togan oo maalmaha danbe isaga loo nisbeeyo, dhab ha ahaato ama dhalanteed haka dhignaatee, run ha ahaato ama been la dhoodhoobay ha noqotee, hayeeshee, waxaa Soomaaliya majaraha u hayay afartii sano ee tagay hoggaamiye aan hal baal oo cad wax ku qoran burburin mooyee aan barbaarin umadeed maalin barkeed u bira-tuman.

Marka sharciga la baal-maro ee shanto shaqeyso

Qoraalkaan, waxaan ku dul istaagi doonnaa, bidhaaminta in kibirka iyo gardarradu dhamaad leeyihiin, wuxaan ku iftiimin doonnaa, natiijada, marka sharcigu shaqeyn waayo ee shanta farood iyo calaacashu shaqeeyaan, waxaan ku eegi doonna, hab-dhaqanka habcane hoggaamiye is mooda oo na hor boodayay afartii go’ ee na-weydaartay.

Qof kale ma ahane waa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo astaan u noqday sharci darrada, ku tagrifalka awoodda, caburinta iyo u caga-jugleynta muwaadiniinta, kursi boobka iyo doorasho diidminada, qabyaaladda iyo Soomaali kala qeybinta, kibirka iyo isla weynida, aqoon la’aanta hoggaamineed iyo aqool xumo siyaasadeed, af-garoocnimada, beenta iyo barabagaandada.

Farmaajo, waxaa talada dalka lagu wareejiyay 8- dii Febaraayo 2017,  waxaaana Dowladdiisa looga fadhiyay hirgalinta shan arrimood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah;

  • Dhameystirka dastuurka Dowladda
  • Amniga oo lagala warego AMISOM
  • Hirgalinta doorasho qof iyo cod ah
  • Daadajinta nidaamka Fadaraalka
  • Dib u heshiisiin Siyaasadeed oo dhab ah

Nasiib-xumo, intii uu xaafiiska joogay maalin galinkeed waajibaadka saarnaa ma wajihin, oo dhameystirka dastuurka qabyada ah ee Dowladda Fadaraalka, wax shaqo ah kama qaban, bal waa sii burburiyay oo Golohii Sharci dajinta ee dalka ayuu hoos geeyay Golihii ay la xisaabtami lahaayeen ee Fulinta.

Amniga dalka kalama uusan wareegin AMISOM, oo ma jiro wax howl-gal ah oo ka dhana  Al-Shabaab oo la qaaday intii uu talada hayay, doorasho qof iyo cod ah iska dhaafe, tii dadbaneyd ee uu isagu ku yimid ayuu ku fashilmay hirgalinteeda, Fadaraal ma daadajin ee intii dhisneyn ayuu dumiyay, dib u heshiisiin iska daaye, dagaallo lagu hoobtay ayuu dalka galiyay.

Farmaajo, markii uu sal dhigtay xaafiiska Madaxtoyada, wuuu is mahadiyay, wuxuu is mooday Malagga nafta qaada, wuxuu billaabay damqinta daqarro hore u bogsaday, dadku waa is yaqaane, siyaasiyiin ku sheeggii takoornaa ee dullinimada ku suntanaa ayuu isku hareereeyay dagaal aan dhamaan iyo dirir uusan darafkeeda danbe u jeedin ayuuna u tafa-xeytay.

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayuu u gacan galiyay, dalka cadaawadda ugu weyn kala dhaxeyso Soomaaliya, shacab beeraley ah ayuu ku dalbaday ciidamo ajaanib ah, si loo xasuuqo, Siyaasiyaga ugu saameynta badan degaanka Dowladdu ku shaqeyso ayuu ku duulay, Xildhibaan xasaanad leh, ayuu xaaskiisi musqusha ugu galay.

Golihii sharci dajinta, ayuu dumiyay, doorashooyinkii HirShabeelle, Galmudug iyo Koofur galbeed ayuu boobay, xasuuq ayuu ka gaystay Dhuusamareeb iyo Baydhabo, shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kismaayo ayuu cunaqabateeyay, Madaxdii ka horreysay ayuu u diiday in ay safraan, wuxuuna ku qaaday weeraro naftooda halis galiyay.

Muwaadiniinta oo dhan ayuu u diiday xuquuqaadka dastuurku u oggolyahay, wuxuuna shacab iyo Siyaasiyiin indhaha bulshada ah la dhacay rasaas nool nool, si uu u laayo, Xildhibaannada ka aragtida duwan ayuu ka hor istaagay xaadiridda golaha Shacabka.

Xirnaanta waddooyinka, canshuurta la laba jibaaray ee aan waxba lagu qaban, la dagaalanka saxaafadda, dilalka dadka hoggaanka bulshada ah, dhisidda ciidan aan ka mid ahayn afarta ciidan ee dalku leeyahay, soo nooleynta qabyaaladda iyo qaar kaloo badan ayaa Farmaajo, wax qabadkiisii laga xusi karaaa.

Markii loogu dul-qaatay intaas iyo in ka badan, wuxuu aaminayay in aan cidi ka daba hadli kari, wuxuu muddada joojitaankiisa kursiga Madaxweynaha ku darsaday labo sano oo dheeraad ah, wixii markaa ka danbeeyay waxaa soo xirmay kala xishoodkii, waxaana laga baxay aamusnaantii, waxaana loo qalab qaatay iska qabashadiisa.

Dadaal ay hormuud u ahaayeen Golaha Midowga Musharixiinta, Ciidanka Xoogga Dalka, Odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan Ururada bulshada, ayaa lagu so af-jaray, gafafkaas iyo gardarooynka Farmaajo, maalmo kooban, kadib markii inta badan Caasimadda laga qabsaday, dhowr tallaabana loo jirsaday Xaafiiskiisa.

Sidaan kor ku soo xusnay, marka sharciga la baalmaro, ee lagu tagri falo awoodaha, waxaa ka dhasha gilgilasho sababta kifaax lagu diirsado, waxaana sharci ku tumashadii Farmaajo, so af-jaray Ciidanka Qaranka oo sharta ku qabta isaga iyo wixii la socday, taas oo qasab ka dhigtay in ay si qasab ah kaga laabtaan muddo kordhintii dastuurka baal marsaneyd.

Farmaajo, markii uu fashilmay, hada wuxuu usoo jeestay sidii uu u xakamayn lahaa fashilka uu galay, asigoo kumanaan oo dollar ku bixinaya PR iyo Is-Xayeesiin.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.