MARXUUMAD BANAAZIR BU’UUTU MAXAY KA TIRI JIHAADKA IYO ARGAGIXISKA?

Dr. Ismail Malaas Aad iyo aad ayeey ii xanuunjisay murug iyo carana iigu ridday argagixisada ka dhalatay Soomaaliya iyo gaangiska sheeganaya in ay khubaro ku yihiin diinta Islaamka , dunida oo dhanna ay jihad ku qaadayaan si ay u faafiyaan diinta xaniifka ah ee Islaamka dunida oo dhan, ayna dunida oo dhan ka dhigi doonaan “Khilaafad Islaami ah”, fikradaasu waxay la mid tahay fikradii hooga iyo halaaga wadatay ee Adlof Hitler-kii Jarmalka, qoreyna buug uu ugu magac daray “Halgankeygii” isagoo sheegay in dunida siiba qaaradda Yurub aanay jiri doonin isirka Jarmalka mooyaane .
Maqaallo Keydmedia Online
MARXUUMAD BANAAZIR BU’UUTU MAXAY KA TIRI JIHAADKA IYO ARGAGIXISKA?

Labadan aragtiyadood oo midi tahay diintii Islaamkii oo si qaldan oo qallafsan dunida looga dhaadhicinayo, tii Hitler ee baaba’day iyo tan ganacsatada daroogada ee Afgaanistaan wadato iyadoo diin Islaam ahaan u faafinaya Usaama Bin laadin.

Waan adkeysan waayay mudda dheerna  waan cabursanaa, markii caburka iga batayna waan qarxay qoraalna waan bilaabay illeyn mabda argagixin ku saleysan oo shabaab oo Axmed Aw-gudane hogaaminayo iyo Xasan  Daahir Aweys oo Xisbiga hogaaminaya ayaa Soomaaliya gubaya.

Waxaan soo xasuustay in aan heystay oo aan meel dhigtay Wargeyska Albayaan ee Afka carabiga ku soo baxa kana soo baxa Dalka Imaaraadka Carabta soona baxay 31 Marso 2008 maadaama uu ku qornaa maqaal kii u danbeeyay ahaa oo Afcarabi ahaa uuna soo turjumay Mustafa C/risaaq oo ah Qoraa weyn, Musatafa maqaalkiisa qeyba ka mid ah wuxuu ka soo turjumay Buug ay qortay Marxuumad Banaaziir Buh’uutu  halku dhigiisana uu ahaa “Benazir Bhuto Reconciliation Islam Democracy and the West” .

Banaazir Bhutu anoo meelo ka dooranaya maqaalka uu qoraa Mustafa C/risaaq afka carabiga u soo badalay waxay leedahay “ waxaa ka mid ah Mushkiladda meesha muhiimka ah martabadda hore kaga jirta fikiradeeda oo ah qalafsanaan wax ka dhaadhicin (Violence) iyadoo indhaha si wanaagsan ula raaceysa waxa ka socda Dalkeeda oo meel weyn ka gashay dunida oo dhan, mushkiladaasoo heysata maadaama Afgaanistaan deris ay yihiin, iyo iyada oo maqleysa in ay dalkeeda ku faafeen ururo xag jir ah, gaar ahaan mandiqada xuduuda ee labada dal, Marxuumad Banaazir waxay tilmaameysaa in kooxahan argagixisada ah iyo mabaadii’da qalafsane ay wataan sal, baar iyo xidido diinta islaamka oo ay ka badashaan marka qalabka warfaafintooda uu ka hadlo arinkaas.

Marxuumad Banaaziir Bhutu waxay sheegtay iyadoo wali arintaasi ka hadleysa in dunida meelo badanoo ka mid ah ay u maleynayaan in Ereyga jihaad macnahiisa uu yahay dagaal, sidaasna xaqiiqo ma ahan, waxayna marxuumaddu sheegtay in iyadoo dugsiga dhigata oo caruur ah la baray in macnaha Ereyga Jihaad uu yahay halgan (Straggle)  loo halgamayo sidii wadada toosan loo qaadi lahaa waxa toosan ee Insaaniyadu dani ugu jirtana loo raaci lahaa .

In jihaadku muhiim yahay qur’aankaa sheegay nana amray iyadoo lagu dayanayo sunnadii rasuulka NNK ha ahaatee  waxaana sidaa ku raacay asxaabadii sidaasoo ay tahay ayeey leedahay marxuumad Bhutu waxaa soo ifbaxaya kooxa Muslimiin ah oo wadada ka weecday oo qaba in xaalada maanta jirta ay tahay dagaal tahay dhiigna lagu daadsho, maxaa yeelay ayeey leeyihiin in ay u jeedaan xukuumado dadka xoog ku heysta iyo dad hodantooyadii kaligood ku nool oo barwaaqeysan, intii ay dadka ku horumarin lahaayeen isala markaana waxay qabaan in dunida uu reer galbeedku ku tumanayo, ayna heystaan dhar qurxoon, muusiko, Telfishan, Shaneemo Iwm waxay qabaanoo kale in dowladaha reer galbeedku ay jaqaan hantida dowladaha Islaamka ah ayna la baxaan kheyraadkooda sidoo kalana ay shucuubta muslimka ah dhaqan rogaan, sidaa daraadeed waa in lala dagaalaa reer galbeedka ayna helaan bulsho caadil ah , hase yeeshee waxa maanta jiraa jihaad ma ah, waana la cadeynayaa macnaha Jihaadka ayeey leedahay Marxuumad Bhutu, lana bartaa macanahiisa dhabta ah .

Jihaad waa eray uu ujeedkiisu yahay nafta oo shaqo waxtar ah oo adag loo maro, si nolal wanaagsan loo  gaaro oo laaluush, qof jecleysi, xatooyo xoolo dadweyne, qaraabo iyo ehel soo dhaweysi shacabka oo la ilaawaa ay xukuumadaha islaamka ay ka leexdaan.

Kani waa halgan u jeedadiisu tahay in la xadido siiba dabeecooyinka foosha xun sida damaca xun, markaas ayuu qofka jihaad weyn oo macna samenaya ku jiraa, nooc kale ee macnaha jihaadku waa jihaadka waqtiga dagaalka waxay ishaartay marxuumad Bhutu in Nabiga NNK ha ahaatee uu xadiis ku yiri mar uu dagaal ka soo noqday “ waxaan ka soo noqonaya jihaadkii yaraa waxaana u soo noqonay Jihaadkii weynaa “ sidaa maxay Banaazir Bhutu ku cadeyneysaa?.

Banaazir alle ha u naxariistee waxay cadeyneysaa in ereyga Jihaad uu macnahiisa uu yahay halgan aanu cunfi ku dheehneyn ee ma aha dal gubid, dhiig daadin, hanti baabi’in iwm.

Bhutu waxay ledahay in mushkilada boobida, maroorsiga xukunka iyo casabiyadda ay kooxaha shaarka diineed ee beenta ah qabaa ay u garan doonaan  wax gaar ah oo ay leeyihiin arintaasina Islaamka oo kaliya kuma koobna.

Marxuumadda iyada oo Islaamka difaaceysa waxay tiri “ in dadka qaarkii ay is weydiinayaan ku dhegsanaanta muslimka ku dhagan yahay nusuusta qur’aanka si uu u fasiro caalamka ku hareereysan, waa caalamka cusbee waxay weeye ayeey tiri waa wax diimaha oo dhan ay qabaan”.

Waayo hore iyo waayahan cusub qur’aanka waa nusuus ku haboon  waana arin haboon oo jidka toosan dadka u tilmaameysa  quruun kastoo la soo maray.

Bhutu si qota dheer ayeey uga hadleysaa macnaha jihaadka waxayna si gaar ah ugu fasireysaa akhristaha reer Galbeedka ah iyadoo tafaasiil Fiqi iyo isugu jirta cuskaneysa iyo kuwa kaloo ku saabsan tafsiirka qur’aanka kariimka ah waxayna taabaneysaa  sida uu u hormaro garashada jihaadka isagoo la socda horumarka Islaamka .

Marxuumadu waxay ku celcelineysaa in Buugeeda u muujiyo reer Galbeedka in jihaadka uu yahay qaab difaac, markii la aas-aasay bulshada Madiina lalana galay dagaalada gaalada qur’aanka wuxuu xooga saaray dagaal caadil ah  iyadoo intaasi ku dareysa in dagaalku xalaal yahay mar haddii ay is daaficid tahay .

Waxa ay cadeyneysaa in kale duwanaanta diimuhu uu qur’aanku qiray sidoo kale kala duwanaata aadanaha, ilaahay basharka wuxuu abuuray iyagoo kale duwan, kala noocnooc ah kale midab iyo qaabab leh, sidaasina waxay ku soconeysaa inta dhulka baaqi yahay nolalna jirto.

Ilaahey wuxuu ku yiri qur’aanka ayeey leedahay “ilaahey haduu  doono wuxuu idinka dhigi lahaa umad keliya” sidoo kale Ilaahay wuxuu qur’aaka ku leeyahay “hadii ilaah doono dadka dunida oo dhan nabad ayeey ku wada noolaan lahaayee” ee nabi Allow ma adaa dadka ku qasbi kara in ay muminiin wada noqdaan”.

Waxay kaloo Bhutu sheegaysaa xorriyadda caqiiqadada diiniga ah aysan faral aheyn in lagu qasbo dadka diin gaar ah wuxuun qur’aanka leeyahay “Diinta leyskuma khasbayo” isla markaas waxay tilmaameysaa waayo horoo dadka wada noolaa iyadoo diimahooda kale duwanaayeen .

Marxuumad Banaziir waxay cadeyneysaa in hadaan muslimiin nahay aan ka qaadan karno reer galbeedka wixii horumar leh ee caqliga aadanuhu gaaray, intaas ayaan ku joojinayaa xoogaagii aan ka soo qaatay Maqaalkii Mustaf C/risaaq ee ku saabsanaa soo bandhigida iyo ka doodida buugii ay qortay Marxuumad Banziir Bhutu ee ahaa “Benazir Bhuto Reconciliation Islam Democracy and the West” .

AMKAAG!!!

Qofkii xoogaa akriyaa ama akhriyay buugii Banaziir Bhutu, aad wuxuu u xusuusanayaa ama la amakaagayaa wixii ay Daalibaan ka dhigtay Magaalooyinka Agaanistaan ee burbur iyo halaag ah, daarihii dhaadheeraa ayeey ka soo tureen telfishinno, Radiyoyaal, qaboojiyaal iwm ee qalab electronig ah ee Gaalo farsameysay, waa fal jaahil oo ka hor imaanaya diinta Islaamka, culimada reer galbeedka ee takhasusyada kale duwan lahaa iyo culimadii Islaamka Buugaagtii ay qoreen ay kala boobeen, oo afafkoodi u turjumeen, Buugaagtaasu waxay isugu jireen Fisikis, Kimistiri, Aljebra, Cilmiga takhtarnimada, juquraafiga iyo waxyaabo kaloo fara badan.

Haatan sidii Daalibaan ay sameysay oo kale ayaa ka socota Soomaaliya waxay diideen in Carabi mooyee aan afaf kale wax lagu baran Karin. Macalimiintii Fisikiska, Kimistiriga iwm markii ay yiraahdeen af carabi ma naqaan yiraahdeen “Shabaabku” seddex todobaad gudahood ku barta Afcarabiga, Bal heerka Jahli ee jira is weydiiya.

Waagii kacaanka ayaa xamar wadooyinkeeda waxaa dhex mari jiray nin waa waalan yahay la oran jiray, ninkaasi wuxuu u badnaa Kafee Nazionale, Koroojo delsuud, Via Roma iyo Shangaani wuxuu mar walba oran jiray “Allow naga soo gaar, Allow naga soo gaar” waa dambe ayaa leys weydiiyay ninkani waxa uu leeyahay Allow naga soo gaar maxay yihiin? Nabad sugid “NSS” waxay isku raaceen in ninkani uu leeyahay Allow kacaanka naga soo gaar  ninkii waa la xiray.

Ninka xabsiga dhexe ayaan ugu tagay anoo maxbuus ah, waxaan arkay ninkii oo wali ku dhawaaqaya allow naga soo gaar , maanta Muqdisho dad aad u fara badan ayaa leh Allow naga soo gaar.

Dr Ismaaciil Malas
Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.
www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.