Maxaa looga aamusan yahay fawdada ka socota DG HirShabelle?

Madaxweynaha JFS Mudane Farmajo iyo Xukuumadda DF waxay ogaayeen ku dhowaad 4 sano ee la soo dhaafay in mudda xileedka Barlamaanka iyo Madaxweynaha  DG Hirshabelle uu ku ekaa 9 iyo 16 Oktoobar 2020 sida ay u kala horreeyaan, taaso fareysay in bil ka hor dhammaadka mudda xileedkaas loo baahan yahay doorashada barlamaan iyo Madaxweyne cusub. 

Maqaallo Keydmedia Online
Maxaa looga aamusan yahay fawdada ka socota DG HirShabelle?

Ilaalinta hannaanka Dowladnimada Soomaaliya waa mas'uuliyad saaran Madaxweynaha JFS la doortay inuu ka fekero, ku tala galo, faro raacidda dastuurka DG si loo ilaaliyo sharciyadda guud ee dowladnimada Soomaaliya waqtiga loogu tala galay.

Maanta waxaa la maraya in DG Hirshabelle aysan ka jirin dowlad sharci ah oo ka kooban Madaxtooyo, barlamaan, iyo gole wasiir. Lama yaqaan cidda mas'uulka ka ah hoggaaminta DG. Madaxweyne Waare, Madaxweyne ku Xigeen Cali Guudlaawe, guddoomiye barlamaan Sheikh Cosman Barre waa kala tageen, waxayna lumiyeen sharciyad ay ku matalaan DG Hirshabelle.

Sidaa darted, wararka aysan jirin cid beenisay waxay sheegayaan in Agaasimaha hay'adda Nabadsugidda Fahad Yaasin uu maamulayo DG Hirshabelle, halkaasoo loo diray ciidammo ka tirsan Nabadsugidda oo loo bixiyay Haram-Cas. Waxaa ilaa maanta la garan la'yahay sababta Ciidammada Haram-Cas loogu dirayo DG la musuqmaasuqayo doorashadooda.

Dowlad la'aanta ka jirta Hirshabelle waxay dhaawaceysa sharciyadda iyo  mataaladda dowladda federaalka. Habeen saq dhexe ayaa waxaa meel mugdi ah 3 qofood ka akhriyeen liis Xildhibaanno cusub. Warbaahinta waxay xaqiijin weysay sugnaanta liiska Xildhibaannada iyo habraaca lagu xulay.

Madaxweyne Waare wuxuu horey u soo saaray qoraal uu ku caddeeynayo in guddiga doorashada DG Hirshabelle aan awood loo siin inuu hawlgalo ilaa laga dhamneystirayo, laga siinayo tababar, lagana dhaarinayo.Waxaa kaloo ilaa hadda aan la aqoon Guddiga xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashada.

Warbaahinta Soomaaliya waxay maalin kasta soo tebineysa cabashooyin, dhalliilo, iyo eedeyn musuqmaasuq ay soo jeedinayaan beelo, madax dhaqameed, siyaasiin, aqoonyahanno, ganacsato, haween, culumo, dhallinyaro kuna socota Madaxweynaha JFS. Haseyeeshe sida caadada noqotay, Madaxweyne Farmajo marna kama hadlin cabashooyinka, dhalliilaha, iyo eedaha bulshada soomaaliyeed u soo jeedinayaan asaga iyo Madaxda dowladda federaalka. Waa dhaqan dhaawacay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana karaamada ka qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa soo baxaya cabashooyin iyo buuq ka taagan liiska Xildhibannada ka soo baxay guddi la sheegay inuusan sharci aheyn. Waxaa sheegay Madaxweynihii magacaabay.Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasime Fahad Yaasin ay rabaan in Madaxweyne ku Xigeenka DG Hirshabelle Cali Guudlaawe loo doorto Madaxweynaha DG, taaso ku kicisay cabasho la xiriirta ku xadgudubka awood qaybsiga beelaha.

Waxaase taas ka daran in Madaxweyne Farmajo iyo Agaasimaha hay'adda Nabadsugidda Fahad Yaasin go'aamiyaan qofka noqonaya Madaxweynaha cusub, taaso sabab u ah niyad jabka shacabka Soomaaliyeed ka qabo hana qaadka dowladnimada Soomaaliya.Waxa ka socda DG Hirshabelle waxay ka xun yihiin wixii horey uga dhacay DG kale, waxaase la yaab ah in Madaxdii iyo waxgaradkii ka soo jeeday DG Hirshabelle ay ka aamusan yihiin, kuwii ka hadlayna ay gadaal iska ka beddeleen, taasoo muujisay damiir  la'aanta dhiirrigelisay Madaxda dowladda federaalka inay ku tuntaan dastuurka iyo sharciga, dhaqanka wanaagsan ee dowladnimada, karaamada ka qaadan shacabka Soomaaliyeed, ku xadgudbaan xuquuqda siyaasaded iyo midda madani ee muwaadiniinta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa DG Hirshabelle.

Waxaa calool xumo ah in odayaasha dhaqanka gobollada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe lagu eedeynayo khiyaano oo danaha iyo karaamada dadkooda siisteen dhaqaale, darajo, iyo ballanqaadyo been ah.

Maxamuud M Culusow




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.