Maxaa hortaagan howlgalada Ciidanka TFG?

Haji Seeko (Keydmedia) - Waxaan la soconaa in Ciidamada dowlada KMG ah ay mudadii la soo dhaafay wadeen howl galo ujeedadooda ay tahay in lagu Wiiqo awooda Al-Shabaab, waxaana howl galadu ay ahaayeen kuwa meela kale duwan ka socda, laakiin kadib heshiiskii Kampala oo ay dad badan rumeysan yihiin inuu ahaa dabinkii maxbiyad galinta Soomaaliya waxaa aad u yaraaday Dhaqaaqa Ciidanka.
Maqaallo Keydmedia Online
Maxaa hortaagan howlgalada Ciidanka TFG?

Xoga badan oo kale duwan ayaa laga helayaa sababta keentay hakadka howlihii ciidanka, waxaana dadka qaarkood ay leeyihiin in la joojiyo howl galada waxaaba qeyb ay ka aheyd is fahamkii Kampala ku soo dhex maray Mahiga iyo shariifyada, wallow fakarkaasi dadka qaba ay yihiin kuwa tira yara.

GUUXA CIIDANKA

Marka aad la sheekeysato saraakiisha ciidamada iyo ciidanka qudhooda waxa  ay kuu sheegayaan in sababta loo hakiyay howl galada in ay tahay mushaar la’aan soo wajahday ciidanka iyadoona sidoo kale wararka la helayo ay ka mid tahay in ciidamada ay waayeen dhiiragalintii ay garab joogii.

Xogo ay heshay Keydmedia ayaa waxa  ay sheegayaan in saraakiil badan oo ku sugneed aaga dagaalka ay dib u soo laabteen kadib markii ay waayeen wixii ay filayeen waxaana arintaasi ay sababtay in uu laalmo hamigii laga qabay in Muqdisho uu amni iyo kala danbeyn ku soo laabto.

MAXAA KEENAY IN MUSHAARKA LA WAAYO

“Mushaarkeeni wuxuu raacay Farmaajo, dhiiragalinti sidoo kale, ma jirto wax niyad ah oo ay ciidanka xiligan hayaan” sidaa waxaa u sheegay Keydmedia mid ka mid ah saraakiisha ciidanka oo codsaday inaan magaciisa la adeegsan.

Xogaha qaar waxa ay sheegayaan in ciidamada mushaaraadkoodi ay yaalaan balse sababta loo bixin la’yahay in ay tahay khilaafka u dhaxeeya shariifyada iyo ina Cali Gaas, waxaana, arintanina waxa ay fursad siisay Alshabaab.



Tani waxay daboolka si cad uga qaadeysaa sida aanay shariifyada u dooneyn in la dabar jaro shabaab isla markaana dalka ay dowlad taya leh oo cagaheeda isku taagta ay ka dhalato.

KAALINTA MAHIGA EE HAKINTA HOWLAHA CIIDANKA

Baaritaan ay sameysay keydmedia ayaa lagu ogaaday in Mahiga uu kaalin ku leeyahay qorshaha lagu hakiyay howl galka ciidanka dowlada, waxaana la sheegay in heshiiskii kampala dabadii balamihii la galay ay qeyb ka aheyd in dagaalka la hakiyo si aanay xili hore u soo dabar jarmin la dagaalanka Shabaab.

Danta uu mahiga arintan ka leeyahay ayaa lagu sheegay isaga oo doonaya inuu dhaqaale ka sameeyo xilka uu hayo ee ah u qeybsanaha QM ee arimaha Soomaaliya, waxaana uu doonayaa in shirar badan la galo isla markaana natiijada la’aan ay noqoto Soomaaliya.

Mahiga ayaa qorshahan waxaa si hagar la’aan ah ula wada ninka lagu magacaabo Shariif sakiin kaasoo isaga sida laga war qabo ah shaqsi aan bulshada Dan habayaraatee aan u heyn.

HAMIGA SHABAAB

Shabaab xiligan waxa ay wadaan abaabul xoogan oo ku aadan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen kala dhantaalanka iyo niyad xumada heysatada ciidamada dowlada, waxaana meela badan oo ay shabaab ka taliyaan iminka ka socda abaabulo iyo qorshayaal Dagaal.

Qorshaha ay wadaan iminka Alshabaab ay ah mid ay ku doonayaan in ay gacantooda ugu soo celiyaan xaafado badan oo ka tirsan Muqdisho iyo degmooyin ka tirsan gobalada oo looga fara maroorsaday dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay xiligii Farmaajo.

SAADAASHA MUSTAQBALKA

Dadka wax saadaaliya ayaa ku waramaya in suurta gal ay tahay niyad jabka la soo darsay ciidamada dowlada ee dhinaca dhiirgalinta iyo mushaaradka la xiriira uu fursad siin  karo kooxda shabaab taasoo iminka dagaal adag kula jirta dowlada shariifyada.

Waxaana ole-ole ugu jira xiligan in shabaab ay Dalka la wareegaan xubno ka tirsan dowlad ku sheeg sida ninka lagu magacaabo shariif Xasan Shiikh Aadan.

Hadaba akhriste, maadaama Shariifyada ay niyad dileen ciidanka oo ay u muuqdaan kuwa fursad siinaya Alshabaab maxay kula tahay cawaaqibka arintaasi ay yeelan karto, Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook iyo qeybta aragtida dadweynaha ee Bogga keydmedia.

Abudlkarim Haji Seeko - abudlkarim.haji.seeko@keydmedia.net - Keydmedia.net Investigative Journalist


Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia lagu Daawacay Afar Bilood kahor!




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.