Miriihii xaq-darada

Haji Seeko (Keydmedia) - Gogashii kampala go’aanadii ka soo baxay guuladaradii laga dhaxlay waxa ay sababtay in mar kale ay madax isla galaan hogaamiyaashada habaabinta hamiga bulshada Soomaaliyeed, waxaana iminka soo bidhaabay dhadhanka mirihii xaq-darada laga dhaxalay.
Maqaallo Keydmedia Online
Miriihii xaq-darada

Soomaalidu waxay tiraahdaa “ hal xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma dhasho” oo loogala jeedo hadiiba hasha asalkeeda uu ahaa mid la soo dhacay ama tuugeysi kale lagu keenay lagama filanaya ubad fayow oo xalaal ah, oo natiijada laga sugayo waa kaliya Nirig xaaraan ah waayo asalka ayaaba sidaa ahaa.

Shariifyada ku mataanoobay koofiyadaha culimda ay qaateen balse lagu qaldo Shacabka Diinta jecel waxa ay si ka fiirsi la’aan ah Kampala ugu soo saxiixeen heshiis bud dhigiisu uu ahaa maxmiyad galinta Soomaaliya kaasoo uu qoray Musaveni uuna la qorsheeyay Mahiga, heshiiskaasi waxaa qodobadiisa ka mid ahaa in meesha laga saaro Farmaajo oo la arkay caaqil fahmi kara dhibta soo socota.

19-kii Bishan oo ku beegneed Axadii ina dhaaftay ayuu Farmaajo si cad daboolka uga qaaday inuu garawsaday ka dhex bixida hagarta iyo dulmiga Shariifyada isagoona xilkiisa ka istiqaalooday, waxaana Shariif Axmed oo isla goobta uga dhawaaqay C.wal Gaas oo ka soo jeeda gobalka Bari inuu yahay ku sime inta magacaabis rasmi ah ay ka soo shaac baxeyso.

Hogaamiye kooxeedka weyn Shariif Sakiin ma farax galin hadalkaasi, waxaana uu ka qaaday qandho iyo madax xanuun, waxaase carat ii ugu darneed uu dareemay kolkii 20-kii bisha uu shariif Axmed iclaamiyay munaasbad ku dhawaaqis shaqsigii badali lahaa Farmajo, waxaana uu casuumay Shariif Sakiin iyo dad kale.

Sakiin kolkii uu taga madaxtooyada waxa uu shir la galay Shariif Axmed oo uu sheegay in Gaas aanu aheyn qofkii ku haboonaa, waxaana uu ku andacooday in siyaasad ahaan uu Farmaajo ka daba dhaw yahay isla markaana uu saaxib la yahay Farmaajo, waxaana doonista Shariif sakiin ay tahay in gabi ahaanba liiska aan lagu soo darin ku tirsanayaasha xukuumadii Farmaajo uu horkacayay.

Shariif Axmed waxa uu ku adkeestay go’aankiisa, waxaana Sakiin si uu taageero u helo telfoon uu ka wacay Faroole oo uu sheegay waxa socda, waxaana Faroole si cad uu u sheegay in Beesha Bari magaceeda aanu mansab lagu siin Karin C.wali Gaas oo ka tiranaa xukuumadii Farmaajo isla markaana soo noqday wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.

“Aniga waxaan ku jiray qolka martida ee madaxtooyada, waxaana ka mid ahaa dadkii lagu casuumay xaflada caleema saarka, laakiinw waxay indhaheygu qabteen Shariif XASAN oo careysan kana soo baxaya halkii ay ku shirsanaayeen Shariif Axmed’  sidaa waxaa u sheegay warbaahinta Xildhibaan Gaarane oo ka mid ahaa xildhibaano xaflada lagu casuumay.

Shariifyada mid walba waxa uu wataa liis ujeedadiisu ay tahay inuu ku dhawaaqo ninka Farmaajo lagu badalo, waxaana wasiirada la doonaya shuruudaha laga rabo ka mid ah

  •     In ay yihiin kuwa aan fakareyn isla markaana Danta Dalka, dadka iyo maslaxada umada midna aan shaqa ku laheyn.
  • U daacad ah Siyaasada Gumeysiga Uganda iyo Mahiga
  • Hamigooda aanu gaarsiisneen heer wax qabad iyo umad ka fakarid.

Waa hubanti in shaqaalaha gumeysiga ee shariifyada dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan laga ilaalin doono, qof Dal iyo dad in ay ka danbeeyaan garan kara, waxaana ay isu keeni doonaan ma fakarayaal, daneesta yaal iyo dulaaliin.

Inkastoo labada shariif iminka ay madaxa iskula jiraan qilaaf xoogana uu u dhaxeeyo hadana waxaa muuqaneysa in ay ka mideysan yihiin ajandaha ah in Dalka iyo dadka horumarka iyo wanaaga laga dhawro.

Hadaba akhriste siday kuula muuqdaan Shariifyada, ma is leedahay isbadal bay keeni karaan, maxaadse filaneysaa maadaama Dalka Soomaaliya uu iminka maxmiyad hor leh oo gumeysi u gala Dalka Uganda fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

Abdulkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.