Mishkilad hor leh: Nidaamka Federaalism-ka

Cabdullahi Ibrahim Cumar — Burburkii Dowladdii Dhexe kadib, waxa uu Wadanku galay Dagaalo Sokeeye oo galaaftay Nolosha Kumaanan Kun isla markaana ka barakiciyey Guryahooda Malaayiin Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood ku rafaadsan Dunida dacaladeeda gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga.
Maqaallo Keydmedia Online
Mishkilad hor leh: Nidaamka Federaalism-ka

Iskudayo dhowr ah oo la isku dayey in mar kale la isku keeno Siyaasiyiintii horboodeysey Beelaha ayaanan waxba ka soo bixin ilaa la qabtay dhowr iyo Toban Shir oo mid kasta lagu sheegay Shir dib u heshiisiin, ilaa laga soo gaaray 2000 halkaas lagu qabtay Shir dib u heshiisiin Qaran oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay.
 
Ka dib burburkii ku dhacay Dowladdii Dhexe ee dalku lahaa iyo dagaaladii sokeeye ee xigay, waxa soo baxay dad Soomaali ah oo ku doodayo in Nidaamka kaliya ee isu keeeni kara dadka Soomaaliyeed ee is laayey uu yahay Nidaamka Federaalka oo kaliya, Waxa ayna dadkani ku doodayaan in ay dadka Soomaalidu kala aaminbaxeen ka dib dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
 
Kooxdan Federaal doonka ah ayaanan wax badan ka fikirin Mustaqblka Umadda Soomaaliyeed, Waxa ayna wax walba ku qiimeeyeen Waqtiga la jooga iyo danaha Beelahooda,Waxa ayna tusaale u soo qaataan dalal wax badan ka duwan Soomaaliya iyo mishkiladdeeda.Maangaaybo iga dheh Iyaga iyo Ookiyaalayasha ay sitaanba.
 
Laakiin dhinaca kale waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo ku doodayo in ay dadka Soomaalidu yihiin Qoys qura ah oo wadaago Diin,Af iyo Dhaqan Sidaa daraadeedna aan loo baahneyn  Nidaamka Federaalism-ka ah, Waxa ayna dadkani aaminsan yihiin maadaama dadka Soomaalidu ay cadaawadi kala dhaxeyso dalal ka haysta dhul iyo dad aan loo baahneyn Nidaam Federaal ah oo jilacsan.
 
Doodahan ayaa muddo ku dhex wareeganayey Mujtamaca Soomaaliyeed gudihiisa gaar ahaan dadka Siyaasiyiinta ah,Waxaana ugu danbeyn lagu kala baxay 2004,Halkaaso Siyaasiyintii burburiyey dalka ee ka qeyb galay Shirkii Embagati ay ku heshiiyeen in la dhiso Dowlad Federaal ah Iyadoo aan afti laga qaadan Shacabka Soomaaliyeed.
 
Kooxdan aaminsan Nidaamka Federaalism-ka aayaa waxaa daba ka riixayo dalal cadow ku ah dadka Soomaaliyeed,Waxa ayna dalalkaasi aaminsan yihiin in Nidaamka Federaalka uu daciifinayo awoodda Dowladd kasta oo uu dalku leeyahay maadaama ay awoodaha u kala qeybsan yihiin Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.
 
Calaa kulixaal waa la qaatay Nidaamkii Federaalka inkasta oo uusan dhameystirneyn Sidoo kalena aan la aqoon nooca Federaal ee la qaatay maadaama Federaalism-ku uu noocyo badan yahay.Hadaba marka aad fiiriso xaalka uu dalka marayo iyo Maamul Goboleedyada iska soo daba dhacayo ee aad moodda Tusbax go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.