Ogaal wadaag - Qeybta 1aad

Mucjisaadka Qur’aanka

Maqaallo Keydmedia Online

Waxaa dhab ah in maanta oo dhan aad hadasho, balse, hadalkaagu uunan lehayn miisaan Xisabeed. Waxaa dhacdo in qof uu qoro buug, maqaal ama hal pragraph, balse, haddii dib loo fiiriyo Kalimadaha uu isticmaalay malaha miisaan xigmad leh, tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Mucjisaadka Qur’aanka

Qur’aanka kariimka ah oo 23-saano soo degayay waxa uu leeyahay; miisaan mucjisa ah oo dadka fikiraa ay la yaabayaan xigmaddaa dheeli tiraka leh.

Taas oo keentay in ay la yaabeen dad badan oo aan markii hore Muslim aheyn, kadibna ay islaameen markii ay qaab xisabeed ugu miisaameen Progaram khaas ah Computerrada lagu isticmaalo buug badan oo dad ay qoreen ayna arkeen farqiga mucjisada ah ee u dhexeeyo Kitaabka Qur’aanka iyo qoraallada kale ee beni aadanmku uu qoray. Qur’aanka Kariimka ah oo leh mucjisooyin badan oo macnawi ah, bal kuwa xisaabaadka ah aan qaar ka soo qaadano ee adiguna arag:

Lafdiga Kalimadda magaca Allaah (الله) waxa ay ka koobantahay: saddax xaraf oo kaliya kuwaas oo kala ah: A’ LA’ iyo HA’. Sidoo kale JumladAda Towxiidka ee ah: ( لا اله الا الل ) . Waxa ay ka koobantahay saddax xaraf oo kaliya ku waas oo kala ah: A’ LA’ iyo HA’. Waana isla saddaxda xaraf ee lafdiga Allaah uu ka koobanyahay. waa mucjiso yaab leh!. Cidna uma suura galeyso in xuruufta magaceedu ka kooban yahay oo kaliya laga dhigo Jumlo mufiida oo kaamil ah, waana arrin mucjisa Qur’aaniya ah.

Miisaanka mucjisaadka kale ee Qur’aanka:

Kalimadda (الأيام) oo jamac ah waxaa Qur’aanka lagu sheegay: 365 mar, waana tirada maalmaha sannadku uu ka koobmo.

Kalimadda kale ee ( اليوم ) oo aan jamac aheyn waxaa Qur’aanka kariimka ah lagu sheegay: 30-mar, waana tirada maalmaha bisha!

Magaca: ( القمر ) waxaa lagu sheegay Qur’aanka 12-mar, waana tirada bilaha qamadiga ah.

Kalimadda ( الشهر ) waxaa iyadana lagu sheegay Qur’aanka 12-mar, waana tirada bil sannadeedka ee aan tirsanno.

Kalimadda ( الإيمان ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay: 25-mar.

Kalmadda caksigeeda ah ee ( الكفر ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay iyadana 25 mar.

Kalimadda ( الدنيا ) waxaa Qur’aanka lagu sheegay: 115 mar.

Kalmadda caksigeeda ah ee ( الآخرة ) waxaa iyadana Qur’aanka lagu sheegay: 115 mar.

Kalmadda ( الملائكة ) oo ah magaca kuwa aan Alla ku caasinnin waxaa qur’aanka lagu sheegay: 88 mar.

Magaca caksiga u ah ee caa’iga weyn ( الشيطان ) waxaa isagana lagu sheegay qur’aanka: 88 mar.

Magaca beni aadamka ( الناس ) waxaa qur’aanka lagu sheegay: 50 mar.

Magaca ( الأنبياء ) waxaa qur’aanka isna lagu sheegay: 50 mar.

Magaca ( الرجال ) waxaa qur’aanka lagu sheegay: 24 mar.

Magaca caksigiisa ah ee ( النساء ) ee haweenka waxaa qur’aanka lagu sheegay isagana: 24 mar.

Kalimadda ( الحياة ) ee nolosha waxaa qur’aanka lagu sheegay: 145 mar.

Kalimadda caksigeeda ah ee (الموت ) waxaa iyadana qur’aanka lagu sheegay: 145 mar.

Kalimadda ( الحسنات ) waxaa qur’aanka lagu sheegay: 167 mar.

Kalimadda caksigeeda ah ee ( السيئات ) waxaa qur’aanka iyadana lagu sheegay: 167 mar.

Kalimadda (السموات ) waxaa qur’aanka lagu sheegay: 7 mar, taas oo ah caddadka samaawaadka.

Waxaa la yaab leh kalmadda ( العقاب) ciqaab waxaa qur’aanka lagu sheegay: 117, Allaah oo naxariis badane ah kalmadda kale ee caksigeeda ah ( المغفرة ), in lagaa cafiyo ciqaabta haddii aad toowbad keento waxaa qur’aanka lagu sheegay:234-mar, taas oo ah laba laabkeed waxa ayna muujinaysaa naxariista Alle (SWT).

Qur’aanku waxa uu leeyahay mucjisooyin badan oo xisaabeed oo marba qaar beni aadamku uu fahmayo, markasta oo culuumta Seynisku ay horuumarto waxa la ogaanayaa mucjisooyin ka yaabiyo kuwa cilmiga casriga ah bartay. Allaah ha naga dhigo kuwii barto kuna dhaqmo kitaabka Alle. Aamiin

Prof. Yaxye Sh. Caammir




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.