Muhiimada Deegaanka No-50

Keydmedia Online - Deegaanka No-50 oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah Deegaan Istaraatiji ah marka loo eego cidda Gacanta ku heysa, waxaana uu 20KM u jiraa magaalada Afgooye ee isla gobbolkaasi taasoo 30KM u jirta magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Maqaallo Keydmedia Online
Muhiimada Deegaanka No-50

Ciidamada TFG-da iyo kuwa AMISOM oo wata taangiyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Daraad la wareegay gacan ku heynta deegaanka No-50 ayadoo uusan dagaal xooggan ka dhicin, waxaana ay Ciidamadu fariisimo ka sameysteen meelo ka baxsan deegaanka No-50.

No-50 waxaa ku yaalla Garoon Macmil ah oo, meshuu ku yaalanah waxey ahaan jirtay meel Xoolaha lagu naaxin jiray oo markiisi hore looguma talagelin in uu Garoon noqdo, hase ahaatee 1991-dii dabayaaqadeedi markii ee Xamar ka dhaceen Dagaaladii ee iskaga horimaadeen Manifesto iyo USC ayaa halkaas waxaa laga hirgaliyay waxaan hada lagu magacaabo Airportka No-50.

Airporta iyo Dekadda Muqdisho-ba labaduba waa xirnaan jireen intii eysan Maxaakiimtu Dib u furin Airportka iyo Dekadda.

Sidaan horey usoo sheegnay No-50 wuxuu ku yaalaa meel Istaraatijik ah, dhinaca midig waxaa laga gali karaa Badda Marka ku geesa, hadii hore loo socdanah waxaa ku tageysaa Shalaanbood oo Marka u jirta 20 KM kayar.

No-50 waa marin muhiim ah oo isku xira deegaanada kale ee Shabellaha Hoose iyo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

No-50 Waxey aheyd Mesha Hubku ka imaanayaa Eriteriya ama Iiraan uga soo dagi jiray Shabaabka, waxey kaloo aheyd mesha ey ku shiri jireen oo Ragooda waaweeyn ey ku kulmi jireen. Waxaa kaloo ku yiilay Labo barood oo Ciidanka lagu tababaro iyo Xarunta ugu weyn ee Ajaanibta Shabaab ee Soomaaliya - "Muhaarijiin".

Wakhtiga Dowladda KMG ah ayaa waxaa hadda ka harsan wax ka yar 16-maalmood ah, saraakiisha Ciidamada ayaa marar badan waxay sheegeen in ay shabaab ka qabsan doonaan magaalooyin ay kamid yihiin Kismaayo, Marka iyo Baraawe, inta aan la gaarin 20-ka bishaan August.

Xog ogaalka Warbixinta na siiyay ayaa Wariyaha Keydmedia Online weydiiyay "Halkaan waxey aheyd (Garoonka No. 50) meel ey ku Shiraan Madaxda Shabaabka, waxaana ey waayahaan dambe Rug iyo Hooyba u aheyd Xasan Daahir Aweys, Cabdullahi Cali Xaashi iyo Rag kale oo waaweyn ee Abayaaloow hada Xageebee ku suganyihiin?"

Inkastoo deegaanka ay intoodii badneyd ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa, hadana waxaa uu No-50 wajahay isbadal ku dhacay muddo hadda laga joogo 3 Sano oo ay Shabaab heysteen.

Marba hadii Gacanta Shabaab ay ka baxday Deegaanka No-50 waxey ka dhigantahay in Shabaab ay gacantooda ka baxday magaalada Marka oo iyduna muhiim u ah Kooxdaas.

Magaalada Marka xalay ilaa shalay ayay Shabaabka isugu geeyeen Gurmad ballaaran iyo gaadiid badan oo Tikniko ah oo ka soo baxay deegaanada kale ee Shabeellaha Hoose.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa TFG-da ayaa hadda ku sii siqaya magaalada Marka ayagoo rajeynaya in ay Kooxda Shaaabka ka qabsadaan Shalaanbood, Qoryooley iyo Marka.

Xaalada magaalada Marka iyo deegano kale oo gobbolka Shabeellaha Hoose ka tirsan ayaa kacsan, waxaana la wareegida Ciidamad DKMG ah iyo AMISOM ay ku soo aadeysaa xili kooxda Shabaab ay wajaheen weeraro dhulka iyo cirka ah oo ay kala kulmayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah.

Sikastaba tani waa guushii ugu weyneyd ee ay soo hoyiyaan Ciidamada DKMG ah iyo AMISOM, waana markii ugu horaysay oo ay Ciidamadu gaaran meel Muqdisho u jirta masaafo dhan 50KM.

Wakiilka KON ee Gobbolada Koonfurta Somaliya

Keydmedia Online (KON) - Xafiiska Muqdisho




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.