Muqdisho iyo Ballanta!!

Colaada iyo dhibaatada ka jirta Soomaaliya waxa ay shacabka ku yeelatay saameyn kala duwan, taasoo isugu jirto mid muuqata iyo mid aan muuqan intaba. Waa arin adag in aad la kulanto adiga oo jooga gudaha Muqdisho saaxib, ehel qaraabo ama waalid ku sugan dacal kale oo ka mid ah magaalada waqtigii saxda ahaa ee aad balanteen, sababtuna waxay tahay turunturooyinka ammaan oo aad u badan.
Maqaallo Keydmedia Online
Muqdisho iyo Ballanta!!

Qarax baa dhacay, wadada waa la xiray, wafdi baa baxaya ama kuwa kale ayaa soo dagaya, maqalka eraydaasi waxa ay ka dhigantahay in gabi ahaanba uu isbadal ku yimid balankii uu ruux la galay qof kale waayo arimahaasi waa kuwa caqabad ku noqda isu socodka dadka.

Mararka qaar waxa dhacda in meel 100 Mitir ka yar u jirta halkii aad balanka ku laheyd in aad gaari kari weyso sabab la xiriirta  qarax dhacay ama is rasaaseen dhex martay kooxo kala mabd’a ama isku mabd’a ah.

“Waxaan lahaa imtixaan, waxaan ka baxay gurigeyga seddex saacadood ka hor xiligii aan gali lahaa imtixaanka laakiin ayaan  darro iima suurta galin in aan gaaro goobto, waayo aniga waxaan ka soo socdaalay degmada Dharkeynley waxaana aan ku sii jeeday wadada warshadaha” sidaa waxaa yiri arday wax ka barta Machadka SIMAD qeybta Accounting-ka.

Ardayga isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “sababta ka danbeysay xirnaashaha wadada iyo baaqashada imtixaanka waxa ay aheyd buu yiri qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee taageera dowladda KMG ah.

“Waxaan ahay hooya leh 8 caruur ah oo aabahood uu ku dhintay duqeymaha ka socda Muqdisho, waxaan  ku noolahay deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaam KM13, Suuqa Bakaaraha ayaan ku iibiyaa dhar, laakiin waxaa jirta caqabad balaaran oo la xiriirta sidii suuqa lagu gaari lahaa, xiliyada qaar dad aad la balantay ayaad waqtigii balanta haleeli weyneysaa waxaana halkaasi kugu seegaya qarash” sidaa waxaa tiri Ardo cilmi oo ah hooyo ku ganacsatada Bakaaraha.

“Xaaskeyga oo kula nooleed deegaanka Suuqa xoolaha waalidka ayaa la ii sheegay in ay ku foolaneyso isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, isla markaan ay si deg deg ah ugu baahantahay dhiig, aniga iyo xaaskeyga isku dhiig ayaan aheyn, laakiin waxaa awoodi kari waayay in waqtigii ugu habooneed in aan gaaro goobta sabab la xiriirta wadada oo ay isku xanibeen gaadiid waa weyn oo  dekadda ka soo baxay, waxaan Isbitaalka gaaray seddex saacadood kadib xiligii leyga rabay goobta, taasina waxa ay sababtay in xaaskeyga foosha ay ku sii dheeraato” sidaa waxaa yiri Ismaaciil oo ah nin dhalinyara ah oo sanad ka hor guursaday.

Ismahaan Ciise waa hooyo leh afar caruur ah isla markaana 40 casho ka hor umul ka soo baxday, waxa ay ka ganacsataa suuqa bakaaraha gaar ahaan qeybta dahabka, Ismahaan iyada oo og in guriga uu ku sugayo cunug yar ayaa hadana 30 oktober waxa ay awoodi weysay in ay u soo hoyaado gurigeeda oo ku yaala degmada Wadajir ee gobalka Banaadir kadib markii Ciidamada Burundi ay xireen wadada kaliya ee xiriirisa Muqdisho iyo guud ahaan gobaladda Koonfureed ee Soomaaliya.

Isku keenka arimahan waxa ay muujinayaan in shacabka ay quus ka joogaan ku sii noolashaha Muqdisho sabab la xiriirta madaafiicda joogta ah ee marasta leyneysa iyo kooxaha hardamaya oo iska halmaamay daryeelka shacabka uu mudnaa, waxaana kooxahaasi ay diiradda saaraan danahooda iyo sidii ay ku gaari lahaayeen oo kaliya .

Cabashada dadkan waa maalinle mana jirto xagga iyo xagga dowlad, mucaarad iyo marti kalaba cid calaacalkooda dhageysaneysa waxaana la moodaa in waxa ay ka hadlayaan ay iska tahay madadaalo aan meelna heysan.

Hadaba akhriste wadadee baad is leedahay waa looga gudbi karaa caqabadahan jira? Yaadse adigu saari laheyd mas’uuliyadda dhibaatada? Fadlan araftidaada noogu soo dir Facebook.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent

_________________________________________________________________________________________




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.