Muqdisho: Ma hakan howlihii waxbarashada (DAAWO Exclusive Video)

Inkastoo Dalka uu mudo ku dhaw 20-sano dhex maquuranayo bur bur iyo dhibaato laga dhaxlay Dagaalada wajiyada kale duwan leh ayaa hadana waxaa xusid mudan in horumarka halkiisii uu ka sii socdo.
Maqaallo Keydmedia Online
Muqdisho: Ma hakan howlihii waxbarashada (DAAWO Exclusive Video)

Mudo hada laga joogo lix bilood iyo bar Muqdisho waxaa ka dhacay dhacdo murug iyo uur ku taalo dhaxalkeeda uu noqday, taa oo aheyd falkii lagu qarxiyay Ardaydii Jaamacada Banaadir ee isugu timid  ka qeyb galka tamashlaha iyo fantasiyaha loo dhigayay qalin jabinta.

 

Dad badan way wada xusuusanayaan waxa ay aheyd aroor khamiis ah 3-December 2009 xiligii ay  Arday, Macalimiin, Waalidiin, marti sharaf, Suxufiyiin  iyo wasiiro ka tirsanaa Xukuumada ay ku wada kulmeen Hotelka Shamow oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

DAAWO-VIDEO CUSUB:

Mar ay heer gabagaba ah mareyso munaasabada lagana war dhawrayo in shahaadooyinkii la bixiyo ayaa waxaa dhacay wax aan la fileyn, waxa  uu ahaa Qarax wallow  markii danbe fasiraado kale duwan ay ka soo kala baxeen.

 

Faraxadii iyo tamashlihii ayaa mar qura isu badalay badweyn dhiiga ah oo is dhex yaaceysa, Meydka, dhaawaca, salalalka iyo qeylada ay mar qura la waayay meel la kala geeyo, Muqdisho oo Magaala Dagaal iska aheyd ayaa mar qura daruur murugo isku huwisay waxayna ku dhawaatay Magaalada in ay Ciil la ooydo.

 

Taariikhdu waa ma hadho mar walbana iyada ayaa is qorta, waana la wada xusuusanyahay wixii dalka ka dhacay, laakiin dharaar ay noqotaba waa la kala dhuri doonaa wixii dhacay xaq iyo baadil.

 

Dhacdadii Shamow Soomaaliya waxa ay ku soo jeedisay indhaha Caalamka oo iyagu rumeysnaa in Soomaaliya waxa ka socdaa kaliya ay yihiin Dagaal isla markaana aanu jirin wax horumar ah, waxaana Sawirkaasi qaladan Dalka ka baahiyay Saaxafada ku Saleysan Xilkasnimo la’aanta ee dib dhigta wararka horurmarka la xiriira sida waxbarashada oo kale.

 

Ma ogtahay akhriste in lix bilood iyo bar kadib dhacdadii Shamow ay Shalay arday kale ay Shahaadada Bachelor-ka  ka qaateen Jaamacad ku taala gudaha Magaalada Muqdisho taa oo lagu Magacaabo Badweynta Hindiya (Indian ocean University).

 

Ardaydan shalay Qaadatay Shahaadada ayaa waxa ay ka koobnaayeen 69 Arday waxaana ay ka kala baxeen qeybaha kala ah Maamulka (Administration) Xisaabaadka (Accountant) iyo Suuq-geynta (Marketing).

 

“Aad baan u faraxsanahay, mana qiyaasi karo dareenkeyga ku aadan qalin jabinta Maanta, waxaan ka codsanayaa dhalinyarada kale in ay nagu daydaan isla markaana ay wax bartaan waayo waxbarashada waa muhiim” sidaa waxaa yiri Ibraahim oo ka mid ah Ardaydii Qalin jabisay ee shahaadooyinkooda la gudoonsiiyay.

Inkastoo Muqdisho horumarka ceynkan oo kale ah uu ka socdo isla markaana laga heli karo Arday Jaamacado iyo Macaahid ka baxday iyo kuwa wali qaba han waxbarasho, ayaa hadana waxaa ayaan dara ah in dadka Soomaaliyeed qaarkood ay wali rumeysan yihiin Dalku inaanu ka jirin wax horumar ah, waxaana taa sababteeda loo aaneynayaa Soomaalida oo uu wada qaaday hanka ku saleysan Siyaada Gurcan ee aan Salka laheyn.

 

Ma is weydiisay akhriste marna Sababta Saxaafada Soomaalida ay maamusha oo aad u fara badan ay ugu yartahay ka hadalka arimaha Horumarka, sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo Ganacsiga Saliimka ah.

 

Marna Niyadaada ma u sheegtay in Saxaafada Soomaalida gaar ahaan tan ka howl gasha Muqdisho marka loogu baaqo barnaamijyada horumarka la xiriira in ay ka soo qeyb galaan in durbaba ay la soo boodaan Waa imisa Dhaqaalaha nala siinayo? Waa Su’aale saxaafadu ma dhaqaale Doon baa?

 

“Barnaamijkan waa barnaamij muhiim ah, waana nooc ka mid ah Suuqgeynta marka waxa uu marayaa Maamulka Idaacada, waa inaad iyaga u sheegtaa Dhaqaalaha aad ugu tala gashay isla markaana aniga aad si gaar ah ii xaliso” sidaa waxaa yiri  wariye ka mid ah Wariyaasha Magaalada Muqdisho oo looga yeeray isla munaasabadan aynu ka hadleyno.

 

Kaba daran oo waa tii Soomaalidu ay laheyd ka dar oo dib dhal “ Waa tafaftiraha Idaacad Heblaayo, waxaa lagaa doonayaa adeegii Idaacada iyo kii wariyaha, hadii aadan heyn labadaasi Idaacadeena oo ah mid balaaran sida aad ogtahayba warkaasi waxa ay ka qaadan doontaa go’aankii ay doonto”.

 

Hadaba akhristow ma kula tahay in nidaam saxaafadeedka ceynkan oo kale ah uu dalka ka jiro ay heli karaan Macaamiisha Warbaahinta oo dal iyo dibadba jooga fursad ay ku ogaadaan horukaca uu dalka Sameynayo? Koleyba Jawaabta Keydmedia.net dhankiina ayeey ku tuhmeysaa.

 

Laakiin aan hal is weydiino, wararka ay warbaahinta ku baahiyaan Dhinacyada ku lugta leh dagaalada ma loola xisaabtamaa sidan oo kale oo ma laga qaadaa lacagaha ceynkan oo kale ah?.Su’aashaasi waxaan hordhignay Wariyaal ka tirsan kuwa Muqdisho.

 

“Warka haduu yahay Siyaasada Idaacada ayaa u baahan, marka qofka siyaasiga ah wixii laga helo ayaa laga qaadaa , waayo waa muhiim idaacada in ay hesho warar siyaasadeed oo badan. Yaabnaye idaacadu  Maxaa u diiday tabinta wararka bulshada? Maxaase loo hagrayaa bulshada?.

 

Hadaba akhriste soo hubanti ma ahan in dalka uu ka jiro Hormar balaaran balse Saxaafadda Soomaalida ay ka doorbiday baahinta horumarka ka shakeeynta Colaada iyo soo ifbixinta Siyaasi doonaya inuu dalka qaribo isla markaana uu xalaashado daadinta dhiiga umada.

 

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.