Muqdisho “ Ma ooyaa”??? + (Daawo Video)

Taariikhdu waa ma hadho diiwaan galisa Dhacdooyinka, waana mid mar walba soo bandhigto silsilado dhacdooyin ah. Muqdisho bari waxay aheyd Magaalo Nabadeed, Magaalo Dalxiis, Magaalo horumar misna ku dayasho mudan balse maanta waa intaas lidigood .
Maqaallo Keydmedia Online
Muqdisho “ Ma ooyaa”??? + (Daawo Video)

Marka aad dhex marto Muqdisho maanta hadii aad tahay qof  wax uun ka xasuustaa maalmihii hore u soo maray waxa aad dareemeysaa isbadalka jira inta uu la egyahay iyo sida arinka hada uu yahay.

“Aaway Dadkeygii?, aaway duunyadeydii?, Su’aalahaasi iyo kuwa kale oo badan waxaa is weydiisa Magaalada Muqdisho oo hada u muuqata cidla ciirsi la’ oo dad iyo duunyaba ka hayaameen.

 

“ Waxaan tabayaa  dad badan oo ku dhashay gudaheyga, ku soo bar baaray kuna noolaa mudo, qaarkood xaabalaha ayeey ka hoos mareen, kuwa kale meel ii muuqata ayeey ku dhibaatoonayaan, qaarbaa xuduuda ka talaabay oo dhibaato dalal caalamka ah ay ku heysataa, kuwa ayaa maalin walba ducadooda u soo gaadhaa oo I leh allow sidan u dhaan Magaaladeenii intaa oo dhan marka aan xusuusto waxaa I qabatay oohin waaba tiyoo xinjira dhiiga ah isu rogtay

Mootar iyo BM, Madfac iyo hoobiyo dhaxalkooda uu noqdo meydka miskiin aan waxba galabsan marka uu dusheyda ku dhibaatoodo ayaan murugoonayaa alle maxaa ciilkan ii baday? Maxaa caloolyagan I dhigay? Mar kale Muqdishaa sidaa tiri.

 

Muqdisho waxa ay marti u aheyd  20-sano oo calood ah, waxaana mudadaasi saacad walba gudaheeda lagu dhibaateeyaa  dadkeedii kuwaa oo dhiigooda dusheeda lagu qubo.

Inkastoo dhacdooyinka ay ahaayeen silsilado isdaba yaal oo uur ku taalo iyo murugo wada xanbaarsan ayaa hadana waxaa magaaladan soo maray dhacdooyin dhaxalkood uu noqday meyd wadareedyo.

Qarixii Haweekii Nadaafada loogu geestay wadad Maka-almukarama Degmada Waabari ee Gobalka Banaadir 3 Augusto 2008 subax Axad ah 8:00 Subaxanimo ayaa ka mid ah Dhacdooyinka la wada xusuusto ee meydadka badan  laga dhaxlay.

 

24 Janaayo 2009 Qarax ka dhacay meel aan ka fogeen goobta Haweenkaasi lagu qarxiyay  ayaa laga fuliyay qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay waxaana halkaasi fariisin ku leh ciidamada AMISOM  kadib rasaas la furay waxaa ka dhalatay geerida in ka badan 20 ruux oo shacab Soomaali ah.

3 Dec 2009 Xaflad Qalin jabin ah oo ardayda Jaamacada Banaadir loo qabtay qarax lala beegsaday   waxaa ku geeriyooday dad ku dhaw 30 ruux oo isugu jira qeybaha kale duwan ee bulshada  gaar ahaan  dad u badnaaa aqoonyahano,arday iyo suxufiyiin.

1 May 2010 Qarax ka dhacay Masaajid ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha, waxa uu sababay in ay geeriyoodaan in ka badan 40 ruux oo ka mid ah dadkii masaajidkaasi ku suganaa iyadoona dhaawac uu intaasi ka badanaa.

 

Dhacdooyinkaasi iyo kuwa kale oo dhigmo  oo aad u badan ayeey muqdisho iminka ka cabaneysaa, hadaba soo xaq ah muqdishada intaas oo dhan marqaatisay in caloolyow ay la oydo maadaama dadkeedi ay garan la yihiin dhibaatada in ay ka dul qaadaan.

Hadaba Muqdisho maanta qaabkee Magaceedii dib loogu soo celin karaa akhriste? Su’aashii waxa ay keydmedia.net hordhigeysaa akhristayaasheeda

 

www.keydmedia.net

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.