Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Muqdisho oo ah gobol ka mid ah gobolada Somaliyeed balse ilaah ka dhigay caasimadii umada Somalia ayaa noqotay mida ugu badeeyda xaga xasuuqa dadka Somali iyo burburaka xaga dhismaha markaad u fiiriso gobolada dalka intooda kale.waxaan jeclahay in aan qormadaan ku soo qaato xagee u socotaa Muqdisho 22 Sanno kadib ??
Waxaa aay ila tahay in aanan loo baahneeyn in laga sheekeeyo waxa Muqdisho ka dhacay xaga barakaca iyo burburkii ku yimid waxii ka danbeeyay 1991 balse waxaan jeclahay in aan ku soo koobo kuwii hormuudka ka ahaa burburkaa iyo barakacaa Muqdisho ku dhacay in maanta aay leeyihiin dowlad goboleed qabiil ku dhisan,inkastoo dalka xiligaan dastuurka qabyo qoraalka lagu heshiiyay uu sheegayo in laga guuray ka maamulida dalka hal meel ( centralize ) loona guuray habka federaalka oo aanan weli si cad u qeexneen habka federaalka ee loo gudbaayo ayaa weli waxaa mugdi ku jira mustaqbalka siyaasada G.Banaadir.
Waxaa dhab ah in Muqdisho aay u baahan tahay siyaasad salkeeda adag tahay sida manta muuqataana Muqdisho waxaa eey u baahan yahay hogaan xalaal ah oo umada ku hogaamiya cadaalad is-kaashi wada jir iyo in eey u dhaq-dhaqaaqaan maslaxada cida ay hogaaminaayaan una wadaan dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor istaagta Sharta iyo xumaha. (good leader) sabbabta oo ah hogaankii hore ee Muqdisho soo maray shacabka uma horseedin nabad iyo wadanoolaansho dhab ah ,sabbabta oo ah midna ma uusan odorisin siyaasad saldhigeeda yahay nabad & wadanoolaansho xaq ah balse colaada socotay ayeey qeeyb ka ahaayeen dhamaan sabbata oo ah dhaxal ama raad wanaagsan uguma eeyan tagain shacabkii eey ka dhasheen ee G.Banaadir balse gumaad iyo foolxumo.
Gudoomiyaha & Duqa Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” waxaa la magaacay July 2010 walow uu ahaa nin qurba joog ah hadana weli waxaa shacabka G.Banaadir aay sugayaan hogaan aay soo doortaan ayaga oo xor ah ,waxaad moodaa in mudane Tarzan aayan maskaxdiisa ku jirin in shacabka G.Banaadir uu gaarsiiyo in aanan loo doorin gudoomiye danbe balse aay xaq tahay in ay soo doortaan shacabka degen gobolka Banaadir.
Tarzan waxaa laga sugaayaa ?????
Haddii aanan la helin xaqa G.Banaadir shacabka degani aay ku leeyihiin dowlada dhexe ilama aha in nabada iyo wada-noolaansho dhab ah aay ka sii jiri doonto Muqdisho,waxaa hada socda oo uu shacabka G.Banaadir u dulqaatay in daqliga Madaarka & Dekeda ka soo galaa Gobolka Banaadir ay maamusho dowlada dhexe laguna marsuufo xildhibaano iyo wasiiro aanan u dhalan G.Banaadir ,waxaan leeyahay waxaa aad raadineeysaan 22 sanno ee aheeyd in dowlada walbaa Muqdisho lagu soo ururiyo xaqa Muqdisho la duudsiyo balse lagu marsuufo kuwa aanan raali ka aheeyn nabada & wadanoolaansha Somali waa xaqdaro,waxaa la joogaa xiligii shacabka G.Banaadir aqoon yahan,indheergarad,iyo ururda bulshada ee G.Banaadir aay cadeeyaan in la soo gaaray xiligii doorashada iyo ku dhaqanka siyaasada golaha G.Banaadir la fulin lahaa
Dalka sidii uu ahaa maaha maanta balse waa federaalka nin la soo magacaabay ha ugu danbeeyo Tarzan ninka xiliga waa in shacabka G.Banaadir uu soo doortaa uuna noqdaa nin aragti dheer leh og waxa la soo maray iyo meesha loo socdo,maaha in dowlada dhexe oo kaliya la dhageeystaa balse golaha G.Banaadir waa in la maqlaa codkooda,akhristow haddii kale G,Banaadir waxaa xeerer u sameeyn doona xildhibaano aanan u dhalan Muqdisho kuwaas oo leh hadaf ka duwan midka golaha G.Banaadir,dhulka oo la xaaqaa tabeelo tabeelo leeysku bartaa sidii kaadiriinta kacaankii 21 oo kale in loo hadlaa siyaasad adag oo wax ka tareeyso dhibka la soo maray iyo siyaasad la hiigsanaayo aad ayeey u kala fogyihiin.
Socon meeyso markale
Ha Arag…..Ha Maqlin……..Ha Hadlin ..
Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan
Siyaasadii xumeeyd ee umada lagu gumaaday waxaa aay na dhaxalsiisay sidaan
Waa Aragtida: Dr. Ali. A. HIrabe Hirabe_a@hotmail.com
Add comment
Comments