Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? Yaa yiri waxaa la gaaray bisayl siyaasadeed? Yaa yiri AL baa laga xoroobay? Yaa yiri … Yaa yiri… Yaa yiri….
Inaan weydiimahan dhigo inay dani ii sheegtay ka sokow, waxaan is leeyahay durbaankii la gaaracay Maalinnimadii Talaadada ee 28-ka bishii Agoosto, ee la doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Jawaari, 10kii bishii Sebtembre, ee la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo 06-dii bishan lagu jiro, ee la magaacabay Mudane Saacid, daxashii ka dhalatay iyo mirirkii uu maanka u gaystay kolleey kama goyn kartide, armaad ugu yaraan burush Timo yix ka jilic marisaa, Suujinadu inaysan qaadmayn ma moogi, balse, waxaan is leeyahay armaysan ka darayn “Cayri caymo ma diiddee!”
Si aan digasho loogu qaadan, bal aan soo reebo qayb aan is iri, marka laga soo tago daacadnimada ay u dhahaan waxaa u wehliya duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray, Kacaankii Luggooyo ee maalmahan la xusayeyna u gaystay, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan loo soo gurya noqon karin, illeen Duqii waxaa ka daba maray lama arag iyo lama maqale.
Marka aan afeeftaa dhiibto ka dib, haddaan maalin walba u joogno warin wax dhacay ama la sheegay, ee aannaan la imaan caqli aan ku miisaanno sida, qaabka iyo hannaanku wax u dheceen ama loo dhahay, waxaa hubaal ah in maalin walba ay nala soo gudboonaynso midda hadda taagan oo kale, maxaa yeelay hore ma aannaan eegin, haddana ma aannaan eegin, gadaalna ma aannaan eegin, hawtul hamag iyo hayaan aan hadaf lahayn.
Dunidaan isdaba mari
Majarahay ku socotaa
Milicsiyo hummaag iyo
Saadaalyo muuqaal
Inaan meehaannawnaa
Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!
Ayaandarrada jirta baa ah, qormadu inay ku soo aadayso iyada oo wali ay socdaan mashxaradaha loo dhigayo kuwan is khilaafsan, waaba iga weydiin, ma mudan yihiin in loo alalaaso? Hadday taa haa, waa DHILAALKA DHAQANKA wax noogu hagaagi la’yihiin, illeen waxaanba u sacbinnaa wixii dhibkeena ah oo kaliya, haddiise ay maya tahay, maxaana keenay in loo sacbiyo?
Muruqeenna kala maqan
Muuqeenna kala jaban
Madmadowga badaniyo
Mugdiguna ku kala jiro
Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo
Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!
Waxaa muran ugub ama curdun ah ka dhex taagan yahay Madaxeyane Xasan Sheekh iyo Wasiirka 1-aad Saacid, waxaa la isku mari la
Add comment
Comments