Muxamad Rasulu Allah… | » Dhalashadii Nabi Muxamad (NNK) - (Q. 2aad)

Dr. Axmad Cabdulahi (KON) - Qeybta 1-aad | Hadaba Dhalashadii Nabi Muxamad waxay ahayd Raxmad iyo Khayr uu Ilaahay Adoomihiisa usoo saaray. Fadliga iyo mucjisooyinka uu Rabbi siiyayna tiro laguma soo koobi karo oo markuu gaaray 40 Sano ayuu Ilaahay udoortay Sharafta Nabi-nimada.
Muxamad Rasulu Allah… | » Dhalashadii Nabi Muxamad (NNK) - (Q. 2aad)

Isagoo kujira god layiraahdo Xiraa, oo kafikiraya aduunka iyo xikmada uu Rabi u abuuray, ayuu u yimid Jibril/ khayrwadihii u imaan jiray nabiyaasha oo dhan, wuxuuna ku yiri (iqra/ akhri, isna wuxuu yiri, anu wax ma akhrin aqaano, Jibriila amarkii buu kuceliyay mar labaad, Nabi Muxamadna jawaabtii hore ayuu kuceliyay, Jibriila intuu qabtay Nabi Muxamad ayuu cama-juujiyay/ xanuujiyay, kadibna wuxuu u akhriyay 5 aayadood ee u horaysa suurada iqra, (Iqra bismi Rabika…… )

Halkaana waxaa uga bilaabatay Nabi Muxamad shaqo adag: inuu dadka aduunka kunool oo dhan u iftiimiyo/ tusiyo jidka Xaqa, cadaalada, khayrka, samafalka, wada noolaanta iwm. Isla markaana uu kabixiyo dadka; mugdiga gaalimada, xumaanta nifaaqa, fool-xumada dulmiga, isdilka, is adoonsiga, xad-gudubka iwm.

Hawshaasina waxay ahayd mid aan sahlanayn, in labadalo dadka diintooda, fikirkooda, garashadooda, dhaqankooda iwm. Markuu u tagay marwadiisii Khadiija isagoo naxsana waxay kutiri; hacabsanin (Ilaahay kuma hoojinayo, maxayeelay waxaad tahay qof qaraabada xiriiriya, kuwa baahana wax siiya, martidana soora, kuwa dhibka qabana kurbada kafaydaa…) Taasina waxay ahayd culays iyo shaqo adag oo Rabbi u xilsaaray, Nabi Muxamad calayhi asalam, dhinaca kalana waxay ahayd bilad sharaf iyo daraja aad u saraysa oo Rabbi siiyay.

Wuxuuna kadhigay nabigii nabiyada lagu soo khatimay, diintiisana wuxuu kadhigay midii diimaha lagu soo afmeeray, uguna qaayo iyo qota dheerayd. Biladaha sharfta ee Rabbi siiyay Nabi Muxamadna aad bay u fara badan yihiin, waxaana katilmaamaynaa dhawr kamid ah:

Waa nabiga kaliya ee Rabbi uu Samada u dheel-miyay, siuu cilm-ghaybka (Janada, naaarta, Siratka iwm) indhihiisa ugu soo arko, waajibka Salaadana Rabbigii sitoos ah uga soo gudoomo. Sidoo kale Rabbi wuxuu Baytul-maqdis ugu soo kulmiyay nabiyadii kahoreeyay oo dhan siuu utukiyo- Imam ugu noqdo, isagoo ugu dayar, martina ugu ah, gurigii ay iyagu degenaan jireen.

Nabiyadii kale oo dhan waxaa lasiiyay mucjiso waqti kooban leh/ dhamaanaysa, isagana waxaa lasiiyay Quránka kariimka ah oo ah mucjiso aan dhamaanaynin inta uu aduunku taagan-yahay. Sikasta oo gaalo isugu dayday inay badalaan ama duleelo, qaladaadyo ka arkaana way ku guuldaraysteen, maalin walbana waxaa soo baxaysa dhacdooyin iyo fikrado uu Quránku sheegay waagaas, bani aadamkuna hada lay ku baraarugay, inta aan wali lafahmina kaba sii badan.

Maxayeelay Qur´anka Rabbi wuxuu usoo dejiyay inay aadamaha oo dhani kafaa´iidaystaan inta uu aduunku dhisan yahay, heerkasta oo caqligoodu gaaro.

Nabiyaashii hore oo dhan waxaa loo diri jiray dadkooda, ama gobalkooda oo kaliya, mana jirin nabi loo diray dadka oo dhan. Nabi Muxamadse waxaa loo diray dadka aduunyada kunool oo dhan, meelkasta iyo waqti kasta oo ay kunoolyihiin, taasina waa sharaf uusan nabi kale gaarin, oo diinta Nabi Muxamad way dhamaystiran tahay, mana u baahna badal, sixid iyo wax kudar midna.

Wuxuu Ilaahay ku sharfay nabi Muxamad in magiciisa lasheego markasta oo magaca Rabbi lasheego, oo markasta oo qof Muslim ahi adimayo wuxuu oranayaa (Ashhadu al laailaah ilaa Allah, wa ashahu anna Muxamad Rasul Allah) waana sharaf aad u saraysa in magiciisa lagu larao magaca Ilaahay; Adanka atixiyaadka iwm.

Waa nabgi kaliya ee Rabbi uu magiciisa ku dhaartay, waana nabiga kaliya ee umadiisa aan waligii habaarin sikastoo ay u dhibeen, markasta oo gaaladu dhibaana wuxuu oran jiray (Ilaahaw soo hanuuni waxba ma ogee). Maxayeelay Ilaahay baa u dhamaystiray wanaaga akhlaaqda siuuna ugu dhamaystirin bani aadam kale oo yiri (waxaad leedahay akhlaaq aad u saraysa/ u weyn).

Akhlaaqdiisana waxaa ugu sareeyay Sabar, dulqaad, fikir dheer, naxariis aad u badan, jacayl fara badan oo dadka oo dhan uu lajeclaa khayrka iyo wanaaga, farxad joogta ah iyo caro la´aan, niyad sare iyo quursi la´aan, dhibkasta oo kahoryimaada.

(Waana tilmaamo badankooda ay Umada Somaliyeed aad uga aradan-tahay nasiib daro, oo waxaa aad inoogu badan tilmaamaha sabar yarida, dulqaad xumida, carada iyo xanaaqo badan, fikir gaabnida, quursiga iyo niyad gaabnida. Waana dhaqamada nagaarsiiayay inaan qarankeenii dumino, burburino, kana boodno maslaxadeenii, garan weyno danteenu inay kujirto heshiiska walaalimada wadanoolaanta, ilaalinta danta guud iwm).

Hadaba haduu Ilaahay Nabi Muxamad siiyay darajada sidaa u qaayo dheer, inagana waxaa sharaf aad umudan inoo ah inuu Ilaahay naga dhigay umada Nabi Muxamad calayhi asalam. Taasina waa arin inooga baahan inaan lanimaadno dadaalkeedii iyo mahad celinteedii; inaan diintiisii, jidkiisii iyo sunadiisiina si dhab ah u fahano, uraacno, ugu dayano, ugu faano inagoo ku camal falayna.

Lasoco Qaybtii 3-aad Insha




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.