Muxuu Ku Salaysnaa Dagaalkii Dhexmaray Soomaaliya Iyo Ethiopia?

Maqaallo Keydmedia Online

Cabdullahi B. Ibrahim - Taariikhda waxaa loo darsaa in aad wax badan ka ogaato dhacdooyinkii dhacay Waqtiyadii la soo dhaafay, waxa ayna sidoo kale ku bartaa Taariikhda Wadankaaga, Diintaada Dhaqankaaga iyo waliba Luuqaddaada.

Muxuu Ku Salaysnaa Dagaalkii Dhexmaray Soomaaliya Iyo Ethiopia?

Waxaa waayadan soo badanayey Rag iyo Dumar Soomaaliyeed oo qaarkood ka hayo Wadanka Xilal muhiim ah, kuwaas oo ka been sheegayo Taariikhda Soomaaliya iyo Ethiopia, Iygaoo si aan gabasho lahayn u sheegayo in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyey Soomaaliweyn iyo Ethiopia Labada Wadanna ay yihiin Labo Wadan oo Walaalo ah!

Waxa ay sidoo kale ku doodaan in Ethiopia-da Maanta jirtaa aysan ahayn Ethiopia-yadii hore, iyagoo u ekeysiinayo in dagaalkii dhexmaray Labada Dal uu ahaa dagaal u dhaxeeyey labo Talis, Labadii Talisna dhaceen, haatanna aysan jirin wax dhib ah. Aaway dhulkii la isku haystay yaa turaa!!

Bal si aan loo khaldin Jiilasha soo koroyo Taariikhdana aan looga been sheegin ayaa waxa aan go'aansaday inaan ka hadlo arinkan maxaa yeelay waxa lagu cayaarayo waa Taariikhda Wadankeyga,Waxaa sidoo kale laga abaaldhacayaa Kumanaankii kun ee naftoodii ku waayey xureynta dhulka ay Maanta Xabashidu haysato ee Somaligalbeed.

Si aan u ceebeyno kuwa ka been sheegayo Taariikda Su'aasha meesha taalaa waxaa weeye muxuu ku salaysnaa Dagaalkii dhex maray Soomaaliweyn iyo Ethiopia? Maxayse isku hayaan Labada Wadan oo kale?

Markaan baaray Taariikdii hore iyo middii danbe waxaa ii soo baxay ilaa Sedex Qodob oo aasaas u ah Colaada u dhaxayse Soomaaliwey iyo Xabashi.

  1. Dhul uu sheeganayo dhinac kasta
  2. Kheyraad
  3. Hogaaminta Geeska Africa

Dhul

Khilaafka u dhexeeyo Soomaaliweyn iyo Xabashida waxa uu soo bilowday Qarniyaal ka hor waxa uuna soo koogeystay ka dib qeybsashadii Africa halkaasoo Gumeystayashii reer Yurub ay siiyeen Xabashida dhul ay lahayd Soomaalida,Waana dhulka loo yaqaano SoomaaliGalbeed ee ay Ethiopia Maanta gumeysato waana sababtii ugu weyneyd ee loo galay dagaalkii barakeysnaa ee 77

Dhulkan waxaa iyagana dhinacooda ka sheegto Xabshida oo ku doodeyso in ay Soomaalidu ka haysato dhul ballaaran oo ay xoog ku qabsatay ilaa xitta waxa ay sheegtaan Magaalada Balcad oo ay u yaqaanaan Tey- Teyleey hadaanan qaldaneyn,Waana sababta ay Ethiopia-yaanku markasta u diidaan in ay ka baxaan dhulka ay ka haystaan Soomaaliweyn.

Kheyraad

Dagaalka u dhaxeeyo Soomaaliweyn iyo Xabashida waxa qeyb ka ah dagaal xagga kheyraadka ah maxaa yeelay Soomaalidu oo ah  dad xoolo dhaqato ah waxa ay u baahan yihiin dhul ballaaran ay daajiyaan xoolohooda halka Xabashiduna dooneyso in ay helaan dhulalka ku fiican beerashada iyo waliba dhulalka xiga Xagga Badda.

Sida ay Aqoonyahanadu sheegaan dagaalada ka dhici doonaa Dunida intooda badan waxa ay ku saabsanaan doonaan Kheyraadka gaar ahaan Biyaha, waxaan ka daawaday Telefishin kamid ah kuwa Soomaalida Barnaamij oo Aqoonyahan Soomaaliyeed ka sheegay in Ethiopia damacsan tahay in ay Biyoxireeno saarto Labada Wabi ee Jubo iyo Shabelle taas oo haday dhacdo keeneyso qatar weyn soo wajahado Wadankeena.

Ethiopia-yada Maanta jirtaa wey ka qatar badan tahay Ethiopia-yadii hore sababtoo ah waa Ethiopia aan Shuuci ahayn, Taasna waxa ay siineysaa taageera badan oo uga timaadda dowladaha reer Galbeedka,Waana qabaa in ay Xabashidu  ku dhiiran doonto in ay Wabiyadaasi saarto Biyoxireeno maxaa yeelay Masar oo dowlad xoogan ah ayey kaga qeylisiisay marka ma waxa ay u daahaysaa Soomaaliya oo burbursan.

Waxaaba laga yaabaa in la arko kuwa Soomaali ah oo ku doodayo maxaa dhib ah oo ku jira haddii la saaro Wabiyaddaasi Biyoxireen waxaaba laga yaabaa inaan helno Koronto raqiis ah Iyaga oo iska indhotirayo qatarta ka imaaneyso arinkaasi

Hogaaminta Geeska Africa

Dadka Soomaaliyed oo ah dad Muslim dhaqan ahaana ah dad isla weyn waxa ay ku hamiyaan in ay Iyagu xaq u leeyihiin hogaaminta Geeska Africa,Halka Ethiopian-kuna isku arkaan Qowmiyad fac weyn oo soo jirtay Boqolaal Sano sidaa daraaddeena ay iyagu xaq u leeyihiin hogaaminta Afrikada Madow iskaba daaye Geeska Africa,Waana sababta aysan marna isu fahmeynin Soomaaliweyn iyo Xabasho.

Burburka Soomaaliya waxa uu fursad fiican u yahay dowladda Ethiopia iyo Kenya maxaa yeelay waxa ay u arkaan in ay Soomaalidu qatar ku yihiin jiritaankooda inta ay ka haystaan dhul waana sababta aysan u ogoleyn Soomaaliyoo leh dowlad xoogan.

Siyisaasiyiinta ku doodeyso in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyey Soomaaliweyn iyo Ethiopa iyada oo aan la xalin wixii ay isku haysteen Labada Nation waxa ay duudsinayaa kana abaaldhacaayaan Kumanaankii kun ee naftooda ku waayey xureyntii SoomaaliGalbeed,waxa aana rajaynayaan in Labada Wadan ay si nabadgalyo ah ku dhamaysan doonaan khilaafka dhulkaasi marka la gaaro watigeeda.

Gaba gabadii waxaa Talooyin u soo jeedinayaa Dowladda Federaalka

  1. In aysan ogolaanin in ciidamada Ethiopia ay ka mid noqdaan howlgalka Amisom sababtoo ah Iyaga oo aan hadda ka mid ahayn Amisom ayey dadka dhib ku hayaan waxa ay ku dileen Magaalada Baladweyne oo kaliya in ka badan 120 qof oo Shacab hadii Amisom lagu darana waligood ka biximaayaan Wadanka.
  2. In ay Dowladdu la furto wadahadal rasmi ah Xarakada Alshabab sida Dowladda Afganistaanba ula furtay wadahadal Dhaalibaan si meesha looga saaro joogitaanka Ciidamada Kenya iyo Ethiopia.
  3. In ay Dowladdu ku dhawaaqdo xabad joojin muddo Lix Bilood ah si ay billow fiican ugu noqoto in la wadahadlo,sidoo kalena la sameeyo Guddi dib-uheshiisiin ah Qaran kaasoo ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada.
  4. In ay Dowladdu isha ku hayso qorshaha la sheegay ee ay Ethiopia ku damacsan tahay in ay Biyoxireeno saarto Wabiyada Jubba iyo Shabelle.
  5. In laga  gaabsado Waqti xaadirkan ka hadalka arimaha quseeyo xuduudyada aan la leenahay dowladaha Dariska sida Ethiopia iyo Kenya.
  6. In ay Dowladdu dadajiso qorshihii lagu dhisi lahaa ciidan Qaran oo tayo iyo tiraba leh si meesha looga saaro Ciidaman African-ka ee noo soo shaqo tagay

Cabdullahi B. Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Qoraalkaan waxaa markii ugu horeysay lagu soo daabacay bogga hore ee Keydmedia Online 20/11/2013




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.