NAATO iyo Qashinka Nuklear-ka ee Xeebta Soomaaliya (Daawo Masawirro Exclusive ah)

Hobyo (Keydmedia) - Isbaheysiga NAATO oo ay ku mideysanyihiin qaar kamid ah wadamada ugu awooda roon dunida ayaa waxa ay balan qaadeen in ay xeebaha Soomaaliya ka ilaalinayaan kooxaha burcad badeedda ah ee maraakiibta shisheeye qafaasha...
NAATO iyo Qashinka Nuklear-ka ee Xeebta Soomaaliya (Daawo Masawirro Exclusive ah)

Hasa yeeshee balan qaadkoodii waxa uu hormuud u noqday in xeebaha Soomaaliya si ula kac ah loogu soo daadiyo haaman ay kabuuxaan haraadiga Nukleerka oo ah mid sababi kara dhibaatooyin deegaanka iyo dadkaba aan u wanaagsaneyn.

Xulufada NATO ayaa wixii kadanbeeyay 2007-dii oo aheyd waqtigii ay hana qaaday burcad badeedda Soomaalida, waxa ay balan qaadeen in xeebaha Soomaliya ay iyagu lawaregayaan ilaalinteeda maadaama aysan jirin dowlad dhexe oo awood buuran leh.

Waxa ayna u soo direen maraakiib dagaal oo gaaraya 40 markab, kuwaas oo ay ku sheegeen kuwa latacaalaya burcad badeedda, hasayeeshee la ogaaday in ay xanbaarsanaayeen dana kale oo ay kow ka aheyn bililiqeysiga kheyraadka badda Soomaaliya, sidaas waxaa Keydmedia ugu waramay mid ka mid ah guurtaha degaan Hobyo Mudane Xussein Maxamuud Barre.

Xeebta Magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa waxaa xilligaan yaalla haamanka suntu ay ku jirto kuwa ugu badan ee sida ula kaca ah wadamada warshadaha ku hormaray ay ugu soo daadiyen. Keydmedia ayaa Arintaas u kuur gashay oo Masawirro ka soo qaaday.

Ku daadinta Sunta haradiga Nukleerka ee lagu daadinayo dalkaan dagaaladu ragaadiyeen ayaa waxa ay caadi aheyd tan iyo 1991-dii, xilligaas oo dalku uu lugta lagalay qaska jahawareeriyay, hasa yeeshee waxa ay arintu faraha kasii baxday 2007-dii oo NAATO ay xabadka u garacday ilaalinta xeebha Soomaaliya.

Haamankaan suntu ku jirto ee daadsan xeebaha Hobyo ee gobalka Mudug ayaa waxa ay dhaliyeen dhibaatooyin soo gaaray dadka deegaanka, xayawaan badeedka iyo kan berriga intaba, waxaana cabsida ugu xooggan laqabaa in ay dhacdo marka haamankaasi ay wax gaaraan oo qashanka gudahooda ku jiraahi uu neefsado.

QM wali kama hadlin dhibaatada Maraakiibta Boobka iyo xaalufinta ku haya Xeebaha Soomaaliya.

Banki Muur had iyo jeeraale waxuu afka ku hayaa la dagaalanka Burcada Shabaab iyo Burcad Badeeda hase yeeshee waxuu ka gaabsaday in u wax ka yiraado guud ahaan Sumeynta Beya




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.