Nabad Mise Colaad…? Qeybta 3-aad

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Aqriso Qeybta Labaad - Sidaan soo sheegnay Nabadu waa qiimaha nolosha, waxayna kabilaabataa inuu qofku daneeyo/ jeclaado siduu naba ugu noolaan lahaa. Qofwalba iyo Bulsho walba waxay nabada ka heshaa intay iyadu geysato, oo nolshaadu inta badan waxay jawaab celin katahay waxaad adigu geysato ama hormarsato.
Nabad Mise Colaad…? Qeybta 3-aad

Hadaad xumaan iyo dhib geysatay abuuratay waxaad helaysaa iyadii oo kale, hadaad wanaag iyo khayr geysatayna waxaad goosanaysaa mid kasii wanaag badan aduun iyo Aakhiro labadaba. Taasina waa qaanuun uu Rabbi (swt) qoray inuu qof waliba helayo jawaabta camalkiisa oo sax ah, Ilaahayna qofna madulmiyo oo uma ciqaabo xumaan uuna isagu abuuranin.

Ilaahay wuxuu Qur´ankiisa inoogu sheegay qiso laba wiil oo abeheen Adam uu dhalay, oo sharad dhigtay oo mid Alle ka aqbalay midna aan laga aqbalin. Walaalkiina kuyiri waan kudili, kii kalana ugu jawaabay, maxaad ii dili Ilaahay wuxuu ka aqbalaa kuwa isaga kacabsada.

Hadaad Gacanta iisoo taagto adoo idili rabtid, anu gacmahayga waan ceshan, oo waxaan kacabsanayaa Alihii aduunyada abuuray. Waxaadna xanbaari doontaa danbigaygii iyo kaagii labadaba, waxaadna kamid noqon doontaa (hadaad idisho) kuwa naarta gala, taasina waa abaal gudka kuwa danbi iyo dulmi qaba yaasha ah.

Kadibna naftiisii waxay uqurxisay dilka walaalkii, wuuna dilay wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray/Halaag-samay. Kadibna waxaa ku adkaatay siduu walaalkii uduugi lahaa, u asturi lahaa Meydkiisa, Ilaahayna wuxuu usoo diray tuke bara siduu walaalkii uduugi lahaa, tukihii baana tusay siduu walaakii uduugi lahaa, aadbuuna uga qoomameeyay/Xumaaday dilka uu dilay walaalkii!!

Sidaa darteed buu Ilaahay qoray "Qofkii xaq darro kudila qofkale inuu lamid yahay qof laayay dadkii oo dhan, qofkii naf dhiman lahayd nooleeya/ badbaadiyana uu lamid yahay qof dadkii oo dhan nooleeyay/ badbaadiyay!" Taasina waxay noo cadaynasaa inta ay la egtahay xumaanta colaada, oo Qofku markuu ku dhiirado inuu Gooyo/Dilo Naf uu Ilaahay abuuray, wuxuu jabiyay/ kabooday xadkii Rabbi jeexay iyo sharaftii ama xishmadii ay lahayd nafta qofka bani aadamka ahi.

Rasuulkeenii suubanaa isagoo arintaana sii cadaynaya wuxuu yiri "Noqo Adoonka Ilaahay ee ladilay, marnana hanoqonin Adoonkii wax dilay". Maxayeelay haday gacan kaa xaqdarani kudisho, waxaad leedahay Janno, waxaadna hor tagaysaa Rabbi raali kaa ha, ilmahaagii iyo ehelkaagiina Rabbi, Malaa´igtiisa iyo muslimiinta suuban oo dhanbaa kuu ilaalinaya, unaxarii-sanaya.

Markaad Qof dishana waxaad hortagaysaa Rabbi aad kuugu caraysan, ilmahaagii iyo ehelkaagiina waxaad uga tagaysaa dulmi, eed iyo magac xumo aad ufoolxun. Sidaa darteed waxaa haboon qofka muslimka ahi inuu ku ducaysto Rabiyaw gacantayda ii ilaali, dhiig muslim iga fogee.

Waa run Qofka Muslimka ah way u banaan tahay inuu isdifaaco hadii lasoo weeraro, lakiin waxaa kasii haboon kasii mudan inuu Ilaahay magan galo, dhibka ka cararo, nabadgalyo raadiyo.

Waxaana wada ognahay umada somliyeed in sanadahan danbe lagu ibtileeyay colaad, dagaal, isnac iyo isdil, waana shar iyo cadaab aad ufool xun una dhib badan, oo dadkeenii, dalkeeniiba, jiritaankeenii iyo sumacadeeniiba meel aad uxun gaarsiiyay. Waana cudur aan iswada qaadsiinay, isku wada talaalay, kor iyo hoosna inaga buuxiyay, midig iyo bidixna inoogu faafay, Si




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.