Nina Hooskiisa Ma Harsado

Dr. Saciid Ciise Maxamud (KON) - Dadka halabuurka curiya intooda badan waxtarkooda ma helaan, waxaana suurtowda iyagoo ka saboolsan iney ka Geeriyoodaan, dad kalena ay ka hodontoobaan fikirkooda.
Nina Hooskiisa Ma Harsado

Halabuurayaasha curiya fikradaha Siyaasada waxtar la,aanta waxaa u wehlisa eedeymo loo soo jeediyo iyo dhaliilo shaqsiyadiisa lagu dhaawacayo amaba naftiisa ay ka soo gaarto waxyeelo.

Waxaa sida badan adag in fikir lagu sameynayo isbedel bulsho aysan si dhaqso ah uga hirgelin bulshada dhexdeeda waayo xaqiiqda jirta oo shaqeyneysa lama dhexgeliyo aragtida cusub, waxaana ka dhasha in dadku ay iska caabiyaan aragtida cusub oo soo geleysa, si mitidana ay ugu adkeystaan ku dheganaanta wixii ay hore ugu dhaqmayeen in kasta oo ay arkaan wax badan oo gaboobey iney ku dhex jiraan. Bulshooyinka qaarna waa isbedel-diid, qaarna waa isbdel-doon. Isbedelka la baadi-goobayo waa inuu ka gadmo dadweynaha, ayna ka dhex arkaan mid u muuqda in uu soo kordhinayo nuxur leh mirodhal.

Soomaalida waxey ku jirtaa bulshooyinka jecel isbedelka iyo iney dhexdeeda ka hirgasho wax kasta oo caalamka ku cusub laakiin aysan lahayn aqoontii iyo farsamadii ay kula jaan-qaadi lahayd afkaarta cusub. Ma jirto fikir siyaasadeed oo ay Soomaalidu qaadatay haddana ay ku liibaantey. Mabda




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.