Qaab Nolaleedka Max’ed Aadan Suleymaan & Qaxootiga Zanzibar Ee Ku Nool Xamar - Video

Abudlkarim Haji Seeko (Keydmedia) - Soomaaliya inkastoo dagaalo, abaar, macluul iyo dhibaatooyin kala duwan oo amniga la xiriira ay ka jiraan hadana waxaa kaloo jira in maalin nolaleedkooda ay ka dhacsadaan Qaxooti ajnabi ah oo soo maciinsaday magaalada kuwaasoo Dalkooda uga soo cararay qalalaase Siyaasadeed.
Maqaallo Keydmedia Online
Qaab Nolaleedka Max’ed Aadan Suleymaan & Qaxootiga Zanzibar Ee Ku Nool Xamar - Video

Zanzibar waxaa ka jooga Muqdisho 65 Qoys kuwaasoo Dalka ku sugnaa muda ka badan 10 sanadood, xaaladoodana ay marba meel soo tiigsaneysay, waxaana iminka muuqaneysa in Qaxootiga reer Zanzibaar ay si fiican u fahmeen qaabka looga noolaado magaalada Muqdisho.

Zanzibaar waa Jaziirado yar oo ka kooban Jaziirada Unguja, Pemba iyo kuwa yar yar oo la dhaho Latham Island waxeyna kamid tahay Dalka loo yaqaano Tanzania.

Zanzibaar waxey ka mid tahay biyaha badweynta Badweynta Hindiya (Indian Ocean) waxeyna u jirtaa Xeebta Tanzania 25 miles.

Dhaqan ahaan reer Zanzibaar aad ayee u shabahaan Soomaalida Koofureed. Waxaa jiray Xili Zanzibaar Muqdisho laga xukumi jiray waxaana xukumka hayay waqtigaas Boqorkii Zanzibaar oo la oran jiray Saciid Barqash.

Max’ed Aadan Suleymaan, waa nin u dhashay Dalka Zanzibaar waxaa uu ku noolaa Muqdisho 10-kii sano ee la soo dhaafay, mudadii dheer ee uu muqdisho ku nool ayaa waxa ay sababtay inuu faham xoog leh ka qaato qaabka looga noolaan karo Muqdisho iyada oo aan gacanta la hoorsan.

Maanta waxa uu nolashiisa ka dabiraa Musqul ku taala wakaaladii hore ee biyaha oo ku taala agagaarka isgoyska Banaadir, waxaana uu u sheegay Keydmedia oo waqti lasocotay Nolashiisa in Musqulahaasi uu dayactir ku sameestay kadib markii uu lacag ka soo amaahday rag Soomaali ah oo ay qaraaba yihiin xaaskiisa.

“Waxaan ka qaadaa qofka raba inuu Musqul galo 2-kun oo Shilin Soomaali ah, hadii uu Qubeys rabo qofka waxaan ka qaadaa 3-kun goobtana waa meel wanaagsan oo Suuq ah, waayo waxaa isugu yimaada dad kala duwan oo u soo ganacsi taga” sidaa waxaa yiri Mohamed isagoona intaas ku sii daray in shaqadiisa uu ku qanacsanyahay.

“Aabe laba Caruur ah leh baan ahay, waxaa isoo gala Maalintii dakhli gaaraya $6, waxaan u kala maareeyaa $3 waxaan ku dabiraa nolasha qoyskeyga $3 kalana meel ayaan dhigtaa waayo qof walba waa inuu lahaadaa Keyd” ayuu yiri Max’ed asagoo Lacagta gacanta ku haya.

Waxa uu intaasi ku daray in iyaga oo 23 qof ay diiwaan galisay UNHCR isla markaana la qaban qaabinayo in dib loogu celiyo Dalkooda maadaama khilaafaadkii sababay soo cararkooda iminka ay dhamaadeen.

“Qof walba gurigiisa waa uu jecel yahay, marka waa muhiim inaan guryaheena u laabanaa hadiiba aan heleyno cid naga saacida” ayuu yiri Max’ed oo wakaaladii hore ee biyaha isagoo ku sugan la hadlay Keydmedia.

Zanzibaariyiinta ayaa iminka waxa ay xiriir wanaagsan la yeesheen umada Soomaaliyeed, iyagoona guursaday Gabdho Soomaali ah, taasina ay fududeysa in wax badan oo ay Soomaalida uga baahnaayeen ay u sahlanaato.

Qaar ka mid ah Dumarka Soomaaliyeed ee u dhaxay Zanzibaarka ayaa iyana dhankooda waxa ay u sheegeen Keydmedia in ay ku faraxsan yihiin nolasha ay ku jiraan, isla markaana ay ku qanacsan yihiin nolasha ay ku jiraan.


-> Daawo Qaab Nolaleedka Zanzibarta Ku Nool Xamar (Video)


Hadaba Akhriste sidee kuula muuqataa talaabada ay Muwaadiniinta reer Zanzibaar ee Muqdisho ku sugan ay ku dabariyaan nolashooda, ma Is leedahay waa kuwa si deg deg ah u saameeyay Soomaalida isla markaana  xiriirka ay Soomaalida la leeyihiin uu yahay mid is soo taraya, adiguse maxaad kula talin laheyd si ay nolashooda u dabiraan? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

Abudlkarim Haji Seeko – Keydmedia Correspondent
Abudlkarim.haji.seeko@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.