Puntland la tag beey baratay ka dhigistu waa ku ceeb - Dr. Ali. A. Hirabe

Dr. Ali. A. Hirabe - Cali Sugule Dun-carbeed waxaa uu curiyay "Dab iyo dhagax la iskuma dhuftee kala dhawraay. Wax ka dhigan gobonimada qabiil dhex gashay kala dhowraay"! Maah-maahdii Soomaliyeed ayaa dhaheeysa “Libaax La tag bartay, Ka dhig Waa ku Ceeb”
Maqaallo Keydmedia Online
Puntland la tag beey baratay ka dhigistu waa ku ceeb - Dr. Ali. A. Hirabe

Waxaa taasi daliil u ah markii dowlad rasmi ah la xaqiijiyay in aay dalka Somalia ka dhalatay  ayeey weli waxeey raadinayaan Puntland  sadbuursi  iyo siyaasad in eey  reer  Faroole  is tuseen in haddii sadbuursi aayan helin aayan ka mid noqon dowlada federaalka, hadaba Akhristow bal dib u milicso taariikhada muragada badan ee aay dowladihii ku meelgaarka la soo mareen Puntland.

Caqabadaha Somalida la istaagi weeyday ee ka hor-yimid dowladahii ku meelgaarka ahaa waxaa lagu macneeyn karaa in aay ugu weeyneed mida kaga timid Puntland dib u xusuuso may 22, 2006 Maamul Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ee Gen. Cadde Muuse ku sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen r/wasaaraha DF Somaliya.

Pof. Cali Maxamed Gedi, kadib markii r/wasaaraha ku baaqay in Puntland ay joojiso shidaalka ay doonayso inay ka soo saarto gobolada dalka Somalia, sida oo kale r/waasaarahii xigay oo ahaa Nuur Cadde wax xiriir kama dhaxeeyn dowlada dhexe iyo Puntland.

Markii Sheekh Shariif uu ku soo biiray seexada siyaasada noqdayne madaxweeynaha dowlada midnimada qaranka waxaa uu soo magacaabo Cumar c/rashiid kaas oo suura geliyay heshiis sadbuursi ahaa oo uu la galay maamulka Puntland kaas oo looga magacdaray heshiiskii Galkacayo walow mardanbe la ogaaday xaqdarada iyo sadbuursiga ka muuqda heshiiskaa.

Waxaa xigay r/wasaare Maxed C/aahi Farmaajo oo runtii ahaa nin u muuqday in uu kalsoonida ka heli karo dhamaan umada Somali,waxaa diiday Faroole kuna tilmaamay in uu yahay Farmaajo nin aanan matalin reer Puntland lana jaanqaadi Karin siyaasada Puntland.

Faroole waxaa uu u qalab qaatay sidii uu maruun wax uga bedelilahaa siyaasada keentay in r/waasaare uu noqdo Farmaajo xaqiiqdiina waa uu ku guuleeystay markii uu u maray Mahiga,Sh.Xassan iyo Caalin halkaasna waxaa Shariif uu ku cabay tahliishii Puntland mar labaadna uu u soo magacaabay C/weli oo ahaa nin reer Puntland ah siyaasadii C/aahi Yusufna ku taageeri jiray soo gelintaankii cidamada Ethiopia iyo xasuuqii aay ka geeysteen dhulka Somali gaar ahaan koonfurta Somalia sida Muqdisho,Bay,Kismayo iyo gobolada dhexe,C/weli waxaa uu suurageliyay Garowe 1 & 2 iyo heshiiskii Gaalkacayo,waxaana uu u horseeday umada Somalia sadbuursi iyo cadaalad daro xoog leh,waxaa xaqiiq ah in Sheekh Shariif uu ahaa nin aragtidiisa ku soo koobay madaxweyne mar-uun igu celiya balse waxaa uu ka qoomameeyay markii Faroole si cad idaacadaha uga dhahay C/weli waa wiilkeena anagaana keenay Farmaajana anaga ayaa erinay,C/weli waxaa uu ku soo kordhiyay seexada siyaasada Somalia in Faroole iyo C/weli ka mid noqdaan 6 da saxiixayaasha Alow sahar Umuuraha.

Gobolwalbaa waxaa uu ilaaheey ku maneeystay qeeyraad dabiici ah,waxaa la og yahay in Muqdisho aay leedahay ilo dhaqaale sida Dekeda iyo Airporka oo xaqiiqdii laga helo daqliga ugu badan ee dowlada dhexe ku shaqeeyso.

Hadaba akhristow ma ogtahay in Muqdisho dhaqaalaha ka soo baxaa Dekeda iyo Ariporka looga qoondeeyay oo kaliya 15 % in lagu horumariyo caasimadii dalka ee Muqdisho,85% dhaqaalaha ka soo baxaa kaabaha dhaqaale ee Muqdisho waxaa qaadata dowlada dhexe xiligii C/weli iyada oo la ogyahay in dhaqaalahaa badankiisa aay maamulaan kuwa aanan marna ehel u heeyn,dowlada dhaxe gobol kale oo aay wax ka soo galaan ma jiro sida la ogyahay,sow xaqdaro maaha in mushaar looga dhigo kuwa ka yimid gobolo leh qeeyraad la mid ah mida Muqdisho ??

Dekedaha iyo Airpoyada Bosaaso iyo mida Barbara daqliga ka soo gala waxaa lagu hormariyaa Puntland iyo Somaliland sow lama dhihi karo Muqdisho waxaa aay noqotay meel loo soo shaqo doonto halka dadkii u dhashay aay ka qatan yihiin qeeyraadkoodii ilaah ku maneeystay,Faroole iyo reer Puntland ma arkaan in xildhibaanada ka soo jeeda Puntland iyo kuwa wasiirada ka ah dowlada federaalka ee ka yimid Puntland xoolaha la siiyaa lagu siiyo magaca Somali iyo in Somali aay isku soo noqoto si midnimada iyo wadajirka Somali loo xaqiijiyo,waxaan talo ku soo jeedin lahaa Proff.Xassan in uu si aanan gabasho laheeyn uu ugu wargeliyo maamulka Puntland cida ka kaga jirta dowlada federaalka kana midka ah xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda Puntland in aay cadeeyaan muujiyaane in aay masuul ka yihiin shacabka Puntalnd waxa Faroole iyo kuwa kheeyrkiisa ah ee hadlayana aayan awood u laheeyn in aay qaataan goáanka masiirka Puntland iyo xiriirka dowlada federaalka,haddii kale fadlan xildhibaanada Puntland iyo kuwa wasiirada ka ah dowlada federaalka waa in aay dib ugu noqdaan goboladii aay ka yimaadeen waxaa wax laga xishooda ah in nin wasiirada ku sheega Puntland in uu afkooda bartay in aay dhahaan marwalba dowlada Muqdisho sidii oo eey tahay in dowlada Muqdisho oo kaliya laga leeyahay.

Akhlaaqda waa suurada guda shaqsiga tiisa xun ama tan wanaagsan,hadaba  Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta Puntland Axmed sheekh Jaamac akhlaaqdiisa sow ma noqon midii Faroole oo kale,xil in la qabtaa waa sahal laakiin in khuluq wanaagsan la yeeshaa ayaa xilka kula fulin kara.

Nin lagu seexdow ha seexan Xil baa sidaay Ha seexan Ha seexan. Ha seexan. Ha seexan Soo jeedo, si weeyn u foojignoow.

Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.