Qaabka ugu Sahlan ee lagu Asaaso Maamul Goboleed, Maamul Goboleedkaaga!

Keydmedia Online - Reerkaaga maamul la’aan ma yahay? Beeshiini ma ballaarantahay? Bad iyo webi ama leedahay? Balag iyo bandiiro la’aani ma jirtaa? Haddii ay Jawaabta Su’aalaha kore ama mid ka mid ah ay “Haa” tahay waxaan kuugu bishaaraynayaa in Qoraalkan aad si wacan ugu liibaani doontid.
Maqaallo Keydmedia Online
Qaabka ugu Sahlan ee lagu Asaaso Maamul Goboleed, Maamul Goboleedkaaga!

Haddaba si aad toosido mudanaha dahsoom ee gudahaaga ku jiro si taxadar leh u aqri qoraalkan.

Yaa ka faa’iidaya qoraalkan?

Qoraalkan waxaa loogu tala galay in uu ka faa’iideesto qof walba oo doonaya in uu Madaxweyne Maamul-Goboleed noqdo.

Qof kasta oo doonaya in uu dhiggiisa xubinta Maandeeq la goosto.

Qof kasta oo doonaya in uu haattan sii ootto goofkii awowgiis, si uu gorgortamo amaba birito markii ay dowlad loo dhanyahay timaado duq-magaalo tuuladii isu soo taago.

Maxaad u baahantahay si aad Maamul-Goboleed u sameysato?

Waxba!. Adigoon is dhibin, duullaan anan qaadin, cidi dhaawicin, cudud ciidan iyo caddeyn lahaasho midna aan u baahan, waxaa suuro gal ah in aad Maamul-Goboleed kuu gaar ah aad yeeltid.

Haddaba si aad ugu guuleysato qorshaha madaxtinimo ee askunka Maamul-Goboleedkan waxaa muhiim ah in aad si taxadar leh u fulisos tallabooyinkan soo socda.

1- Magacaabsita Maamulkaaga

Run ahaantii magac u helista Maamul-Goboleedyada maanta arin adag ma ahan, waxaaba ay dadka qaar ay ku doodayaan in ay ka sahlantahay magac u helista ilmaha dhallaanka ah, waayo berigii hore curad wuxuu ahaa Maxamed(labood)  ama faadumo(Dhidig). Maantase waa laga tagay dhaqankaas, sidaas daraadeed way adkaatay in boqolaalka magac ee Carabiga, Turkiga iyo kuwa aan asal la aqoon meesha ay ka soo jeedaan aad uga dooratid dhallaankaaga mid ku habboon.

 Hayeeshee magac u helista Maamul-Goboleeyada ayaa ah arin aad uga sahlan arinka kore(Magac u helista dhallaanka). Waliba waney aad qashaa iyo wadaad aad u yeertaa midna uma baahnid.

Haddaba si aad magac ku habboon maamulkaada aad u heshid waxaa muhiim ah in aad raacdid hannaanka magacaabista ugu habboon baahidaada. Hannaanada magaacbistu waxay u kala baxaan sidan:-

B- Hanaan Ingiriisiga ah oo ku dhisan magaca gobolka ama tuulada oo lagu lamaano Ereyga “Land”.

Waxaa la ogaaday in uu hannaankan  ka fudud yahay kuwa kale ee aan hoos ku sheegi doonno, waayo wuxuu hannaankan uga duwanyahay kuwa kale iyadoo la adeegsanayo luqad caalami ah(Cantaranashnaal). Hannaankan ah kii ugu horeeyay ee la adeegsado tan iyo goortii uu gooni-isu-taagga ka dillaacay geyigeenu. Si aad aad hanaankaan u adeegsatid waxaad marka hore u baahantahay magaca ka tarjumaya deegaanka/gobolka/tuulada+land. Tusaale :-

Buurland, Barwaaqolanad, Samoland.

T- Hannaanka labaad ee magacaabista ayaa ah mid  ku saleysan carabeynta, inkasto oo uu midkani yahay mid ugub ah oo aan sidaas u shaac bixin haddana waa hannaan aad u sahlan, waxa kaliya ee aad u baahantahayna waa  magaca Tuulada/Gobolka+Islaamiya. Ha moogaan in aad magaca tuulada/gobolka ka hormarisid ereyga “Wilaaya” Tusaale :-

“Wilaayatu Garamgaram Al Islaamiya”

Dhibaatada kaliya ee laga yaabo in ay ku soo wajahdo kolkaad adeegsatid hannaankan ayaa ah adigoo ku qasabnaa doono in aad magaca baddalatid. Inta badan madaxda maamuladda(wilaayooyinka) waxay naftooa ku magacaabaan “Abuu Hebel” sababta oo ah inta badan madaxda Wilaayooyinka waa “Amiiro” ee ma aha madaxwyneyaal. Sidaa daraadeed waxaa suuro gal ah in ay kuu cuntami weydo Amiirnimo qalalan.

J- Hannaanka sadexaad wuxuu ku dhisanyahay afka Soomaaliga, waxaa la dhihi karaa waa kan kaliya ee Afsoomaaliga ku dhisan. Si aad hannaankan u adeegsatid waxaad u baahantahay in aad leedahay male-awaal ballaaran, awood curin iyo adigoo adeegsada wax allaale iyo wixii deegaankaaga ama cimiladiisa ku saabsan sida roobab xilliyeedka, hawo, buuro, keyman, wabiyo iwm. Tusaale :-

Bad iyo Webi, Buur iyo Biyo galeyn, Dadi yo Duunyo.

X- Hannaanka ugu dambeeyo oo ah mid casri ah ayaa ah mid ku dhisan afka laatiinka ama Giriigii hore, Magacyada Giriigga ah uma baahna in ay micno sameeyaan ama arin gaar ah ka tarjumaan, waxa kaliya ee aad u baahantahay erey ama magac silloon oo aan macno gaar ah lahayn. Tusaale:-

Santaaniya, Millionia, Badronia.IWM.

2- Caleemo Saarka (Doorashada)

Xusuusnow, waxaan ka hadlayana waa Maamul adiga kuu gaar ah, sidaa daraadeed doorasho uma bahntid. Kaliya waxaad u baahantahay caleemo saaris. Si uu ugu ekaado mid loo dhanyahay waxaad u baahantahay dhowr qofood oo reeraha ah oo u jadbeysan hor




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.