Qeyb kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada oo ku eedeysan xatooyo Decumintiyo & Visaha Turkiga

By C/fataax Maxamuud - Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa ka socoda Boob xooggan oo lagu haayo Hantida Qaranka gaar ahaana Dikumintiyo muhiim ah, ayadoona ay arrintaasi ku lug leeyihiin qaar kamid ah shaqaalihii Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Halkaan ka Aqriso Faahfaahinta.
Maqaallo Keydmedia Online
Qeyb kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada oo ku eedeysan xatooyo Decumintiyo & Visaha Turkiga

Mursal Saneey waa Madaxa Paratakoolka Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, waa Ninka fashiliyay in munaasabad weyn oo caleema saar ah loo sameeyo Madaxweynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud , taasoo si lama filaan ah oo aan ka fiirsasho laheyn ugu dhowaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari isagoo aan kala tashan hey’adda sida rasmiga ah howshaasi ugu xilsaaran dowladda , misana ku sii xaftay markii uu yiri Guddi laba dhinac ah ayaa munaasabada agaasimeysa, taasoo muujisay in loo meeriyay hadalada uu ku dhawaaqayay.

Mursal Saneey oo muddo laba xilli oo is xiga Shariif Sheekh Axmed ka ceeyriyay Madaxtooyada, hayeeshee dib u shaqa geliyay , ayaa hadda ku eedeysan inuu ku lug yeeshay ka ganacsiga Viisaha Wadanka Turkiga.

Markii laga helay xafiiska Safiirka Turkiga ee Muqdisho qoraalo isdaba joog ah oo codsi viso ku saleysan, kuwaa oo ay ku safreen dad u badan dhalinyaro rag iyo dumar iskugu jiray .

Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho Dr. C. Kani Torun ayaa igu xog waramay inuu in muddo ah ku wareeray la shaqeynta Xafiiska Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ay ka howlgalayeen shaqsiyaad ka ganacsada visaha wadanka Turkiga, tiiyoo aaney waxba kala socon Mas’uuliyiinta dowladda ugu xilsaaran howshaasi.

Mursal Saneey oo lagu tilmaamo inuu ahaa kansar ay ka shaqeyn waayeen wasaaradaha kala duwan ee dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa howshaasi ku wehliya nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Wehliye oo ah Sawirqaade Madaxweynihii hore ku Qabiil ah.

Ninkaas ayaa hadda lagu helay inuu ku dhaqaaqay fal xatooya ah oo lagu waayay Decumintiyo sir ah , tobaneeyo xabo oo Laptop ah, Kaamirooyin HD oo Madaxtooyada loogu deeqay, lacago ku dhow $ 200,000 USD, waxaana muddooyinkii dambe ku howlanaa sidii uu u iibin lahaa gaari yar oo nooca raaxada ah oo Madaxtooyadu ugu amaaneysay inuu ku socdaalo , waxaana uu todobaadyada soo aadan ku howlan yahay inuu ka huleelo Muqdisho isagoo horey u sii raacaya Madaxweynihii hore ee ku guul dareystay in dib loo doorto.

Hanti boobka qarsoon ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dhex socda ayaanu waxba kala socon Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud , iyadoo la ogsoon yahay in Madaxweynihii hore uu ka shaqaaleysiiyay Madaxtooyada rag iyo dumar ku qabiil ah, taasoo madaxtooyada qaranka ka dhigtay guri qabiil oo hal reer ay leeyihiin.

Taa waxaa ka sii daran iyadoo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Xasan Jimcaalle iyo Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiin Ciise Cadow ay yihiin shaqsiyaad ku jufo ah Madaxweynihii hore , waxna aan ka aqoon shaqada ay ku magacaaban yihiin , taasoo ay ku buun –buunin jireen hogaankii hore ee KMG ahaa , kagana careysiin jireen musharixiintii Soomaaliyeed ee u loolamayay in isbadal uu ka hanaqaado wadanka , lagana gudbo qabiilka iyo nin jecleysiga, taasoo guusha u keentay Madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud .

By C/fataax Maxamuud  - madaale114@gmail.com - Muqdisho




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.