Qabyo Qoraalka oo isku bedelay Qayaano Qaran -  By Dr. Ali. A. Hirabe

Dr. Ali. A. Hirabe - Qorshaha qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya loo diyaariyay ayaa waxaa soo wajahaday muran cusub kaddib markii guddiga madaxa banaan ee diyaarinta dastuurku uu sheegay in nuqulka cusub ee dastuurka aay saxiixeen madaxda Soomaalida uu ka duwan yahay kii ay horey u diyaariyeen.
Maqaallo Keydmedia Online
Qabyo Qoraalka oo isku bedelay Qayaano Qaran -  By Dr. Ali. A. Hirabe

 

Nuqulka cusubi waxaa jeebka kala soo baxay C/weli iyo Cabdiraxmaan Xoosh, hadaba maxaa bedelay nuqulkii hore?

Waxaa xaqiiq ah in Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil uu yahay nin marka laga hadlayo 4,5 ka aay isku jufo yihiin  C/weli iyo Faroole waa maskaxdii curisay nuqulka been abuurka  ah balse koox reer Puntland ahi aay soo qoreen si aayaha dalka aay ugu helaan xuquuq dheeri ah oo uu sharciga u ogolaanaayo, Cabdiraxmaan Xoosh waa ayo?? xagee ka yimid ?? maxuu qaban jiray ??

Haddii aad ka jawaabo su´aalaha Cabdiraxmaan Xoosh waxuu ku dhashay Jawhar wallow uu ka soo jeedo degmada  Goldogob hadana wax dhaqan ah lama wadaago reer Goldogob balse dagaalkii sokeeye ayuu noqday aqoon yahan reer Goldogob ah,inkastoo dib loogala noqday aqoonsiga  xirfadii Advokat sabbabo laaluush uu qaatay darteed  ayaa hadana waxuu ahaa nin aanan shaqo ka haynin dalka Kanada xiliyadii ugu danbeeyay,waxaase diirada ku hayay Cabdiraxmaan  koox siyaasada ku dhex jiray aaminsanaane in lagu shaqeeysan karo shaqsiga noocan oo kale ah.

Kooxdaasi waxaa ka mid ahaa  C/weli ujeedkiisana aheeyd  in uu ku shaqeeyo rabitaanka C/weli waxii loo dirana qabta balwadiisana la siiyo,sida lagu arkay dhawaan waxaa Cabdiraxmaan Xoosh & C/weli la soo baxeen nuqul cusub ee dastuurka qabyo qoraalka waxaana arinkaa fashiliyay gudiga madaxabanaan  ee qaranka sheegayne in nuqulka  Xoosh wadaa uu yahay mid been abuur ah,aadna u kala fogeeynaayo midnimada iyo wadajirka umada Somali. Cabdiraxmaan Xoosh awood ma u leeyahay in uu kala diro guddiga dastuurka ee madaxa bannaan ???

Waa dhacdo muruga leh ee uu ku kacay Xoosh inta uusan nuqulka cusubi la soo bixin,waxaa ka danbeeysay wareegto uu sheekh shariif uu u  diray C/raxmaan xoosh Jabiir wareegtadaas  uu Shariif ku diidaayo dhacdadaa waxaana uu ka muujiyay in Xoosh uusan laheeyn awooda kala dirka gudiga dastuurka ee madaxbanaan, arimahaas oo dhan waa xadgudub iyo kala fogaanshaha Somali.

Runtii waxa socdaa oo dhan ayaa been abuur ah akhristow miyaadan ogeeyn in 6 nin ee saxiixayaasha ahi  aayan ku fadhin sharciyad lagu heshiiyay,dastuurkeey  ku shaqeeyaan 6da nin , Shekh Shariif waxaad moodaa in uusan aqoon u laheeyn awooda sharciga ah ee uu ku lahaa axdigii qaranka ee Impagaati, marba haddii la tuuray axdigii qaranka maxaa lagu shaqeeyaa xiligaan oo rules and regulations ah??

Ujeedka iyo hadafka  Cabdiraxmaan Xoosh & C/weli aay ka leeyihiin nuqulka dastuurka cusubi waxaa uu yahay in Puntland dastuurkii aay qoratay lagu mataaneeyo si dalka marka uu nabad helaa loo muujiyo xaqa dheeriga ah ee uu dastuurka siinaayo Faroole,waxaa iyana ka mid ah in Caasimada dalka Somalia ee Muqdisho noqoto mid cod loo qaado caasimad ahaan dalka Somalia iyo in loo sameeyo gobolka Banaadir xeer u gooni ah, intaba waa qayaano qaran.

 



Qoraa Kenyaan ah oo la yaaban sida wax u socdaan ayaa waxuu qoray:

Kanini Evans Kariuki Wednesday, June 13, 2012
SIX SIGNATORIES

The six signatories mentioned in this document are not having the legal functional binding to sign Somali




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.