Suxufi Waa Ilaaliyaha Haybada Saxaafadda!

Keydmedia Online - Ma sahlana oo waa Mas’uuliyad Adag in la balan qaado Bulshada in loo fuliyo Adeeg Warbaahineed, waxaana haboon in Warbaahinta ay noqotaa mid heysata Dariiqa suuban ee Saxa ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Suxufi Waa Ilaaliyaha Haybada Saxaafadda!

Aas-aasiyaadka howsha Warfaafinta marka la baranayo Saxaafadda waxaa ka mid ah: Cadaalada, Sugnaanta, Eex la’aanta, Runsheegida, ka fogaanshaha Caadifadda (Qabiil, nin tooxsi IWM) laakiin Maanta waxaad mooda in arinkaasi leyskaba hilmaamay.

Mudo hadda laga joogo ku dhawaad 10 Sano waxaa Warbaahinta Soomaalida ku soo kordhay Aalad cusub oo aan kol hore la adeegsan jirin taasoo ah Warbaahinta “Internet-ka” waxaana aad u batay Warbaahinta ku shaqeysa Online-ka ee Afka Soomaaliga ku hadasha ama wax ku Qorta.

Marka aad fariisato Computer leh Internet oo aad u kuurgasho qaab dhaqanka Webseedyada Soomaalida waxaa judhiiba dareemeysaa haddii aad tahay ruux leh dareen wadaniyad iyo mid Aqooneed intuba in qaabka ay wax u socdaan aanay aheyn sax.

Waa mide Magacyada qaarkood ayaa kolka aad eegtaba waxaa kaaga dhadhamaya beelo sida “Reerqansax.com" "Reergudbane.net" "Reerganbade.org" iwm waxaana tani ay muujineysa in Ujeedada loo Aas-aasay barahaasi Internetka ay tahay fulinta Barabagaan-himilo Beeleed iyo fogeynta ama Xaqiraada Beelo kale oo isla Soomaali ah.

Aadamigu waa kii wax is warsan jiriye,ee soo ma aheyn in Saxaafadda ay iska hilmaanto danaha Beesha isla markaana ay sare u qaado danaha guud ee Bulshada? soo lama dhihi jirin Suxufigu beel  malahan ee waa Nin Qaran isla markaana Umadda u dhaxeeya war hal ku dhigyadaasi mala hilmaamay mise Horjoogayaasha baraha Internet-ka ayaa masaxay oo sheekada u dhalan rogay NIN IYO QABIILKIISA, QARAN WARKII DAAYA.

Dad badan oo Cilmiga saxaafadda aqoon u leh oo aan sheekeysanay waxay ii sheegeen in Wariyaha Wanaagsan uu yahay kan mar walba hormariyo danaha Bulshada isla markaana qalinkiisa ugu shaqeeya Dadka aan codka laheyn, sida dhibanayaalka guud ahaan, gaar haan Waayeelka, Dumarka, Caruurka IWM.

Laakiin Maanta waxaa loo yaqaan Suxufiga Wanaagsan kan ka shaqeeya danaha gaarka ah ee ku dhisan Qabiileysiga, Urureysiga iyo Cayda Qabaa’ilka kale (Propoganda), waayo waxaan aragnay Dad badan oo Qaliinkood qiiro Qabiil xanbaarsanyahay.

Bal Akhriste Adigaba soo arag soona sahmi qaab Howleedka Warbaahinta Soomaalida ha ahaato Idaacad, TV, Wargeyska iyo Website intuba. Waxaad Arkeysaa 8-eed Website oo Maalinwalba, oo Maalinwalba Hal Qabiil buumbuu-minaya

Hadii aan Keydmedia Online nahay Ma ahan in aan diidanahay Jiritaanka Warbaahin Kooxeed, laakiin waxaa haboon in Shacabka loo sheego Siyaasada lagu howl galayo nooca ay tahay si haddii uu Qofka ku qanco uu u rukunto Adeegeeda hadii kalana uu kaaga meel daydo waayo Qofka isaga ayaa Waqtigiisa leh ee Adiga lama lihid.

Laakiin dhanka kale waxaa xusid mudan in ay faraha ka bateen tirada Warbaahin ee Qoratay Profile lagu xusay Madax banaani iyo dhex dhexaad laakiin markii toosh dheer lagu eego gunta hoose ay ka soo bidhaameyso Muuqaalo iyo Aragtiyo Waydaarsan waxa Profile-ka lagu Qoray.

Baahinta Hadal qaloocan oo Qiyaano ku jirto waxaa laga dhaxlaa Ciqaab Aduun iyo mid Aakhiro intuba waxaana taasi lagu cadeeyay kitaabka iyo Sunnada Rasuulka Muxamad NNKH. Waxaana kaloo jirta, Suxufigu in lagu dhaariyo Xushmeynta Haybada Saxaafadda (Ethics of journalism).

Shacabka in badan ayay ku kadsoomaan baraha Internet ee qaab beeleedka ku shaqeeya, laakiin waxaa haboon in ay kala gartaan kuwa Qaladka ah iyo kuwa Asluubaysan si aanay ugu jahawareerin hadalka dhabta ah iyo kan dhiilada Qabiil huwan.

Ma ahan in dhamaan Website-yada Soomaalida ay yihiin kuwa wada hilmaamay Anshixii isla markaana ay hudeyso Qadiyada Qabiilka laakiin waxaa jira kuwa aan tira badaneyn oo huwan Sumacadii, karaamadii iyo Sharafkii Saxaafadda isla markaana mar walba u darban difaaca Xuquuqada Dadka dulman iyo daryeelkooda.

Waa hubaal in ay wax badan hagaagi doonaan haddii Qalinka laga joojiyay Qalooca iyo Qabiileysiga isla markaana loo jiheeyo tubta toosan ee ku dhisan Wadaniyada iyo Daryeelka Shacabka.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.