QAWDA MAQALSII, WAXNA HA U QABANIN!

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Arrinta foosha xun oo CID da loogu geysta inta la hubo lix dhallinyaro oo baaris ugu xirnaa xarunta dhexe ee Hay'adda sirdoonka Somaaliya laguna tilmaamay in Ciidanka Alshabaab ay ka mid ahaayeen ayaa Umadda waxaa fajac ku noqotay in meedkooda oo xabbado Madaxa uga yaallaan laga helay Labo xaafadood ka mid ah magaala Madaxda.
Maqaallo Keydmedia Online
QAWDA MAQALSII, WAXNA HA U QABANIN!

Dhacdadaas waxay dad badan soo xasuusiday Xasuuqii 17 July 1989 Xeebta Jaziira loogu geystay rag reer Somaliland ah keddib markii dad gaaraayo 47 Qof oo wax ay galab sadeyn jirin in habeen barkii guryaha lagala soo baxay dabadeedna Subixii meedkooda bannaanka Jaziira lagu arkay, dhacdadaas waaxay ahayd arrin aad u muruga badan oo qaraabadii iyo inta xaqa jecel ilaa manta ay ka calool xun yihiin kuna noqotay uur ku taallo xanuun badan.

Balse middaan Wiilasha yar-yar lagula kaxay waxay uga duwan tahay ayagoo xabsi dowladeed lagu ogaa in haddana meedkooda lagu soo tuuro waddooyinka.

Murugada iyo fadeexada CID da ku kaceen laguma soo koobi karo War iyo Qoraal, umaddana waxay sugeysaa in dhibka iyo geerida meeshaas ka dhacday deg- deg xal waafi ah oo dadka ku qanci karaan laga gaaro.

Macquul ma aha in Dowladda u dhaqanto sida Al-Shabaab ama Kooxda Booko Xaraamta Nijeriya oo dadkii xabsiyada ku jiray la jir dilo keddibna meedkooda jidadka la soo bilqo, dowladda waxay awood u leedahay in ciddii ay dembi ku tuhunto Maxkamad la tiigsato si looga abaal mariyo fal-fal xumada ay ku kaceen, balse marna dadka ma oggolaan karaan in xabsiyada Habeen barkii Dhallinyarada lagala baxo keddibna si aar goosi ama aano Qabiil u muuqdo looga taqalluso meedadkoodana sida xaabada jidka laga helo.

Markii Warkaan foosha xun ay Keydmedia soo daabacday, Dowladda waxay Labo Toddobaad ka hor Seddex wasiir u xil saartay in ay si Deg-Deg iyo Daacad uga soo baaraan degaan sida wax yihiin keddibna Go’aanka barista dib ugu soo naqaan kal fadhiga Golaha Wasiirada si Go’aan looga gaaro.

Ilaa Maanta oo mar Seddexaad barista dib u dhac ku yimid waxa dad badan ay ula ekaatay in Daacad maqan tahay ujeedadana ay tahay qawda maqalsii waxna ha u qabanin.

Dhegaha Soomaalida kuma cusbo Qiyaanada ah (Baaris ayaa socoto) keddibna shanqar dambe la waayo, haddii Arrinta sidaas lagu daayo oo ciddii fal dembiyeedkaas gashay wax laga qaban waayo Dowladda ha ogaato in dhibatadii la isu geysto ay Masuuliyaddeda ayada qaadeyso.

Waddanka fowdada weli kama dhamaanin, waxaa maalin waliba la maqlayaa in Dagaal dhex maro Ciidan Dowladda ka wada tirsan, markii dib loo raacana in dagaalkaas u salka ku hayo hab Qabiil, fiiri midka ugu dambeeyay kana dhacay magaalada Marka.

Ayadoo laga duulaayo in Dowladda tahay mid dib u heshiisiin, ayaa waxaa lagu talinayaa in Deg Deg xal waafi ah uga gaarto sidii looga abaal marin lahaa qalatada iyo qowleystada gowraca kula kacay Dhallinyaradii gacantooda lagu ogaa.

Haddii sidaas la yeeli waayo o dowladda xal keeni weydo faraheeda na kala baxdo ha ogaato in Wiilasha ay reer ka dhasheen wixii dhibaato ah oo dhacana in fadeexadaas ay Madaxda dusha ka saran tahay.

Shaki kuma jiro in arrintaan laga hari doonin ilaa xaqa la gaaro, mana suurtowi doonto in gil-gilisho iyo Siyaasad been huwan sida haatanba ka soo yeertay Rag Darajo Jeneraal lebisan oo ku hantaaqay in wiilasha ay xabsiga ka fakadeen.

Jeneraalka waxaa Jawaab ugu filan nin fakad ah xabadaha lagu rido melal badan ayeey ka haleesha ee ma aha kaliya in dhowr xabadood Madaxa uga dhacaan korka intiisa kale jir dil ma ahee xabado uga yaalin, yaa la isku jaha wareerin dadka na yaa lagu Mashquulin been abuur raad lahayn sabab jiri na yaa raadin si umadda loo qaldo.

Arrinta ha laga abbaro runta ayadoo cidna looga baqin, haddi sidaas wax ka duwan ama arrinta lagu gooyo qawda maqalsii waxna ha u qabinin in ugu dambeyntii mar xeero iyo fandhaal kala dhecen in si xun looga qooma meyn doono.

Ugu dambeyntii Umaddadda waxay u ooman tahay in caddalad lagu dhaqo, intaas ayaa Deeqdo, Musuq Maasuq iyo dibindaabyo hore ayeey uga soo daashay, Dowladda haatan jirto ididillo fiican ayaa ka muuqdo, falka CID da ku kaceen dad badan wuxuu uugu muuqdaa in ujeeddo xun xambaarsan yahay oo la doonaayo in la iska hor keeno shacabka iyo dowladda curdunka ah oo la daala dheceyso sidii nidaamka iyo kala dambeynta dib loogu hanan lahaa.

Ayadoo intaas laga duulaayo yaa Nin jaceelsi xaqa looga leexanin, arrinta taagan na halaga ilaaliyo oraahdii can noqotay qawda maqalsii waxna ha u qabanin intaas ka gadaal waxa ay dadka dhoorayaan in xalka Dilka Wiilashaas la marsiiyo Cadaalada iyo Waddada ugu habboon.

Avv.Xussein Diiriye Afrax - Edmonton London

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.