Ciid Wanaagsan!

Nairobi (KON) - Warbaahinta Keydmedia Online waxey Aqristayaasheeda ugu Hambalyeneysaa Munaasabada Ciida carafa. Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak.
Maqaallo Keydmedia Online
Ciid Wanaagsan!

Dhamaan Goboladda Dalka ayaa Saakay si fiican looga ciiday.

Waxeyna ayagoo Gacmaha isgalinaaya ku dhawaaqayeen Erayada Raxmadu ku dheehantahay ee Ciid Mubaarak.

Waa Sanadkii Sadexaad oo ey Keydmedia Online (KON) Aqristayaasheeda ey si kal iyo Laab leh ugu soo gudbineysay Tahniyadda Ciida Barakeysan. Waxeyna KON u rajeyneysaa Guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Muslimiinta Soomaaliyeed oo Mudo Rubuc Qarni kor u dhaaftay dareenkoodu ku noolaa Walaac ka imaanaya Colaada u jeedo badanta ah ee ka Ololeysa Dalkooda Hooyo. 

Waxaana Rajeyneynaa Ciidaan Ciideeda kale iney Carada Dalka Soomaaliyeed isku badasho Nabad iyo Barwaaqo.

Tafaftiraha Guud ee Warbaahinta KON Cali Saciid Xasan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed Sanadka kan xiga in ay Nabad, guul barwaaqo iyo horumar ay ku gaaraan.

"Anigoo ku hadlaya Magaca Maamulka Warbaahinta, kan Shaqaalaha iyo kan Taageerayaasha Qiimaha badan ee KON waxaan hanblayo ku aadan Munaasabadda Ciida hawada u marinayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan" sidaa waxaa yiri Tafaftiraha guud ee Keydmedia Online - Cali Saciid Xasan.

Dhamaan Shaqaalaha Keydmedia Online oo ku kala sugan dunida daafaheeda waxa ay Hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan Shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dunida daafaheeda gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u rajeynayaan in alle uu ka dul qaado dhibaatada, Colaada, Gaajada allaheynah noogu badalo Nabad iyo Barwaaqo.

Ciid Mubaarak, Nabad ku Ciid, Ciid Mubaarak!

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.