Qeylodhaan: Xafiiska R/wasaaraha oo ka socdo boob Macaawinadii Masaakiinta…!!

Muqdisho waxaa ka dhisan saddex dawladood oo mid walba midda kale majaxaabiso. Saddexdu waxay heshiis ku yihiin inay dadka iyo dalka god dheer ku ridaan, aayaha ummaddana ku danaystaan. Waxay heshiis ku yihiin inay abuuraan xasarad colaadeed si aan loola xisaabtamin.
Maqaallo Keydmedia Online
Qeylodhaan: Xafiiska R/wasaaraha oo ka socdo boob Macaawinadii Masaakiinta…!!

Waxay heshiis ku yihiin in la leexsado gargaarka loogu tabarucay ummadda macaluusha la tabaalaysan. Waxay heshiis ku yihiin inay boobaan hantida qaranka. Waxay heshiis ku yihiin inay leexsaadaan cuntada nafaqada leh oo lagu naaxin lahaa dhallaanka macaluusha la daadsan. Jeebkooda iyo calooshooda oo keliya ay ku hawlgalaan.

Nimcada gargaarka soo burqanaysa ma gaarto barakacayaasha macaluusha la yoxooba barxadaha tribuunka Muqdisho ee waxay jeebka u gashaa madaxda iyo ehelada saddexda dawladood oo Muqdisho ku hardama.

Ummaddii waxay ka dhigeen mid ay xabbad ku dilaan. Mid ay macaluul ku dilaan, mid ay barakiiciyaan, dabadeedna lunsadaan deeqda raashin iyo hantidii qaranka loogu soo dhiibay. Hambo uma reebin jiilka dambe kan hadda naftu ku jirtana macaluul bay ku dilaan.

Dawladda 1ad waxaa Madaxwyne ka ah "Shariif" Sheikh Axmad wuxuuna taariikhda ku galay inuu yahay madaxweynihii ugu maamulka liitey intii madax hore dalka usoo martay, wuxuuna ku caan baxay: Lunsashada hantida Qaranka.

Leexsashada deeqa gargaarka, iyo baalgelinta qandaraasleyaasha leexsaada raashinka deeqda ah oo WFP ay dalka keento.

Sida habka dawladnimo farayso, raashin kasta oo dalka yimaada waa inuu hoos yimaadaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Iyada ayaa iska leh bakhaar-gelinta, qorshaynta iyo qaybinta raashinka. Ayadoo u madaxbannaan maaraynta raashinka, Wasaaraddu waxay qaybinta gargaarka la kaashan kartaa maamulka Duqa Magaalada Muqdisho si deg deg loo quudiyo barakaceyaasha tabaalaysan.

Marka xaaladda macaluushu gaarto heer khatar ah, sida tan hadda taagan, Wasaaraddu waxay qaybinta araashinka la kaashan kartaa culumaa’udinka si raashinkaas lagu dajiyo masaajidyada oo halkaas loogu teeleeyo dadka macaluushan. Nadaamkaas oo kale ayaa la marsiinaya marka  daawo gargaar ah dalka la keeno oo waxaa xilka kaydinta iyo maaraynta daawada iska leh Wasaaradda Caafimaadka.

Inta kor ku xusan midna ma dhicin oo raashinkii gargaarka ahaa waxaa la wareegay maamulka madaxtooyada. Waxaa Gacanta loo geliyey xigtada madaxtooyada.

Raashinka waxaa lagu dajiyaa bakhaarro ay leeyihiin ganacsadeyaal madaxtooyada dullaal u ah oo raashinka dib looga sii gato, kiishkii 50ka doolar suuqa ka joogana waxaa iyaga laga siiyaa 10 doolar. Sidaas waxaa VOA u qiray Maxamuud Daahir Qoolley maalintii Jamcaha ahayd ee 26da bisha Agoosto, 2011.

Lacagta raashinka la leexsaday waxay dib ugu soo xerootaa Madaxtooyada, halkaas oo la filayo in lagu sii qaybsado. Marka raashinka sidaas loo bililiqaysto, barakaceyaashii deeqda sugayey waxay baahi iyo macaluu la yoxoobaan aagga Tribuunka Muqdisho.

Waxay sugayaan deeq aan u iman doonin. In badan baa goobtaas ku dhimanaysa iyagoo rajo ka qaba in loo gargaari doono. Yaa geeridaas ka mas’uul ah?

So’aalaha taagan oo lays warsanayo waxay yihiin: Maxaa madaxtooyadu ula wareegtay maamulkii ay lahayd Wasaaaradda Arrimaha Gudaha? Maxaa xigaalada Madaxweynaha Gacanta u geliyey gargaarkii barakaceyaasha loogu deeqay? Maxaa Madaxtooyadu usii iibisaa deeqdii dunidu noogu gargaartay?  Maxaa maxkamad loo soo taagi waayey inta xadda raashinka gargaarka ah?

75% waa la leexsadaa raashinka gargaarka waxaana laga heli karaa suuqa furan iyo guri walba, haddana qof keliya weli Maxkamad lama hor keenin. Maxay taasu ku dhacday? Maxaa maxkamad loo horkeeni waayey qandaraasleyaasha dhaca cuntada WFP ay dalka keento? “Geel ninki dhini lahaa uu dhacayo, lama dhacshaan baa la yiraahdaa,” waa maah-maah facweyn oo ka turjumaysa xaaladda burcadnimada deeqda gargaarka ah lagu hayo.

Dawladda 2aad waxaa madaxweyne ka ah Mudane "Sharif" Sheikh Aaden. Ma ahan Af-hayeen Baarlamaan oo keliya, sida uu farayo nadaamka, ee wuxuu yeeshay awood Madaxweyne oo kale. Marka Madaxweynaha 1aad wax saameeyo isaguna wuxuu la yimaadaa mid lid ku ah, maslaxaddii bulshadu ka sugaysana halkaas bay ku baaba’daa. Maamulkii dawladnimo waxay u rogeen xukun qarqoosh la mid ah gacansiga suuqa af-layrshe.

Dawladda 3aad waxaa madax ka ah Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmad, waxaana Wasiir 1aad ka ah Cabdiweli Cali Gaas, oo Cabdullaahi uu gacantiisa kusoo naqaystay, mudane Meles Zenaawina uu barikiintaaray.

Dawladda Cabdullaahi Yuusuf qorshaheedu waa cad yahay. Inta 2da Shariif ay nacfi iyo maamul isku haystaan, isagu wuxuu salka ka jaraa geedka ay harsanayaan. Xildhibaannadiisa, wasiirrada iyo ku xigeennada ugu jirta Golaha Wasaaradda ee TFG-da waxay ku hawlan yihiin abuuridda xasaradaha colaadeed oo la joogteeyey.

Waxay naas nuujiyaan jiritaanka Al-Shabaab, marka rasaastu ka go’dana Wasiirrada iyo xildhibaannadiisa ayaa rasaas gurmad ah gaarsiiya al-Shabaab taasoo laga soo qaaday kaydka rasaasta dawladda. Aaggii dawladdu qabsatay gelinkii hore, Al-Shabaab baa gelinka dambe la wareegta.

In xaaladda Muqdishu intaas kusoo aruurto rag baa u faradhuuban oo fulinta  xilkaas saaran yahay. Gudbinta sirta qaranka waa joogto oo rag gaar ah baa u qaabilsan. Yoolka Dawladda Cabdullaahi Yuusuf Axmad waa cad yahay- Inaan nabadu ka curan Gobollada Koofureed, nolosha bulshadana la wiiqo.

In la fashaliyo Madaxnimada Dawladda Shariif Axmad. In la joogteeyo xasaradaha colaadeed. In la taageero Dawladda Shariif Skeikh Aaden si uu qarka ugu dhago tan Shariif Sheikh Axmad uu Madaxweynaha ka yahay. In maamulka Puntland uu yeesho haybad dawladnimo, si ay usoo jiidato kalsoonida Caalimka. In Madaxtooyada loo raro Garoowe maadaama ay tahay gole nabadeed.

Dawladda Madaxweyne Shariif Sheikh Aaden waxay ku shaqaysaa xeer-qarqoosh. Shariif Sheikh Aaden wuuxuu ku guulaystey inuu leexsado hanti qaran. Wuxuu ku guulaystay inuu yeesho haybad madaxweynenimo oo aan sharci ku taagnayn. Wuxuu ku guulaystey inaan marna la gaarin horumar bulso iyo midnimo siyaasadeed.

Mar haddii ay jiraan 2dawladood oo kale, tiisu waa yaan laga badin, wuxuuna god dheer ku riday nabad, dawladnimo iyo horumar ummadeed.

Madaxda saddexda Dawladood oo isku hoos-dhisan, mid walba waa gaaray dantii gaarka u ahayd: Shariif Sheikh Axmad wuxuu ku guulaystay boobka hantida lacageed iyo midda deeqda raashinka. Wuxuu kaloo u cadgooyey xigtadiisa leexsata raashinka macaawinada ah oo WFP ay Muqdisho keento. Wuxuu kale oo uu ku caanbaxay in la bililiqaystey awooddii madaxweyne lahaa.

Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.