? QIIMAHA CAYAARAHA OLIMPIC-KADA

Avv. Xussein Diiriye Afrax - Cayaaraha la xiriira Olimpic-kada Adduunka waxay ku fadhiyaan xididdo qoto dheer oo ilaa muddooyin hore soo jiray, Cayaaraas waxaa la qabtaa Affartii Sano-ba hal jeer waxaana mar waliba loogu magac daraa magaalada ay ka dhacayaan sida haatanba lagu magacaabay London Olimpic 2012.
Maqaallo Keydmedia Online
? QIIMAHA CAYAARAHA OLIMPIC-KADA
Waa munaasabad aad loo xiiseeyo,umado badan Soomaaliya ka mid tahay ay sugayaan una soo dirsadaan tartamayaal uga qeyb galo noocyada kala duwan lagu tartamaayo, sidaas ayaa waxaad arkeysaa ciyaartooy garayo kumanaan oo ballan u yahay in ay ku kala hor maraan billadaha affartii sano loo qondeeyo ciddii ku guuleysto.

Mowsin waliba oo la qabanayo tartamada olimpic kada waxaa ku soo saaido nooc cayaaro hor leh, baratan nidaamsan oo casriyeysan waxaa ugu horeysay 1896 warkii lagu qabtay mgaalada Atene ee Grigga,isku dubaridka iyo nidaam u sameynta hagaagsan ee Olimpic kada waxaa iska leh nin fransiis ah Pierre De Couberin.

Haatan wejiga Olimpic kada waxaa ku soo kordhay in lacag badan laga kasbo ayadoo shirkadaha xayeeysiis ka u kala xushaan cayaar yahanno ay u qoondeeyeen kharaj gareeyo maalaayiin dolar si ay ku muujiyaan wartarka ay leeyihiin alaabta ama cabitaan badan ay soo saaraan ( show busines ) balse ayadoo arrinta sidaas tahay ayaa weli madaxda olimpic kada (International Olimpic Committee) waxay awood u yeesheen in ay si taxadar leh u ilaaliyaan  sharciyada tartanka sida ixtiraamka,aadaabta, kala dambeynta iyo in si caddalad ku dheehan tahay loo maamulo looguna kheybiyo billadaha kala duwan oo lagu tala galay tartamada.



Soomaaliya 1972 ayeey si rasmi ah uga mid noqotay olimpic kada adduunka,guddoomiye haatan waxaa u ah mudane Duraan Faarax, xoghayana mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi, waxay ka qeyb gashay dhowr tartamo oo ka mid yahay kan London goobtaas oo ay u soo dirsadeen labada orod yahan Zamzam Maxamed Faarax 20 jir ah oo ka qeyb gashay orodka 400 m.

Orod yahanka labaad waa Maxamed Xassan Maxamed 21 jir ah waxa uu ka qeyb galay orodka 1500 m;Zamzam iyo maxamed waxay muujiyeen geesi nimo heer sare ah ayagoo ka dhinic barata may cartooy kumaana dolar tababar kooda lagu kharaj gareeyay.

Waxaa la wada og yahay oo si gaar ah looga wada dheregsan yahay meesha ay zamzam iyo maxamed tababar ku qaataan iyo in xabba, isdil, qax iyo balaayo ku dhex barbaareen muddo kor u dhaafsan da’da ay jiraan.

Umadda waxaa guul ugu filan in madaxda olimpc kada iyo labada cayaartooy Zamzam iyo Maxamed ay awood u yeesheen in calanka Soomaaliya ay ka ag taageen calamada dowladaha waaweyn sida mareykanka,ingiriiska, shiinaha iyo kuwa kale, intaas wixii ka badan ciddii doneyso waa in ay juhdi iyo dadaal badan u gasho soo xulidda rag iyo dumar oo loo huray laguna kharaj gareeyay maaliyad fara badan oo u dhiganta midda ay dowladaha kale ku bixiyaan tababarka dhallin yaradooda.

Soomaaliya awood badan ayeey u leedahay in ay ku guuleysato nooc waliba oo ka mid ah cayaaraha olimpic kada taas waxaa daliil ma doonta u ah dhallinyara soomaaliyeed oo u tartamaayo waddamada basaboorkooda ay sitaan sida Maxamed Faarax oo had iyo jeer ku adkaado orodada 5000 iyo midka 10.000.

Ugu dambeyntii waxaa talo lagu bixinayaa in la isu diyaariyo cayaaraha soo socdo ee affarta sano keddib lagu qaban doono Rio De Janeiro brasil, waxaa loo baahan yahay in cayaartoyda orodada dhe-dheer sida 1500,5000 iyo 10.000 laga baadi goobo meelaha ay cimiladdooda qaboob ka tahay sida Ceerigaabo, Boorame iyo inta u dhow.

 Orodada gaaban waddanka oo dhan waa laga heli karaa balse waxaa loo baahan yahay in soo xuliddooda looga dambeeyo dad qibrad,tababar iyo taqasuus ku qaatay cayaaraha fudud.

By Avv. Xussein Diiriye Afrax - Edmonton london




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.