Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Sanada ka hor ayaa u danbeysay maqalka erayadii ad-adkaa ee hogaamii kooxeedyada waxaana shibtooda ay ka danbeysay kadib markii ay 2006-dii gabi ahaanba la wiiqay awoodoodii oo ay soo shaac baxeen awoodo cusub oo ay maxkamadaha ugu horeyeen kuwaasoo mudo kadib sii kala qeybsamay oo kooxo iyo firqooyin kala maan ah noqday.
Kooxaha iyo firqooyinka ay ukala burbureen maxkamadihii ayaa waxaa ka faa’ideestay shaqsiyaad laabta ay uga abuurneed siyaasad ku saleysan neceybka qoys iyo qolo gaar ah, waxaana si hamigooda ay u gaaran ay gashadeen shaati diimeed oo waxa ay sheegteen in ay yihiin Diin u dirir dulmi diid ah.
Muddo hadda ku siman in ka yar laba bilood waxaa aad u soo badanayay fahamka bulshada degta koonfurta Soomaaliya oo inta badan dhibaatada dagaalada ay saameeyeen waxaana taasi sida dad badan ay rumeysan yihiin ay timid kadib markii la abuuray gole loogu magac daray Guurtida Siyaasadda beelaha Hawiye.
Shiikh Ciise Axmed Dalbeey waa gudoomiyaha Guurtida Siyaasadda Hawiye waxaana uu wareysiyo uu siiyay Warbaahinta si cad daboolka uga qaaday dhibaatada jirta “Waxa halkan ka socda waa dabar goyn qabiil waxaana la doonayaa in gabi ahaanba la cirib tiro beelaha reer koonfureedka gaar ahaan beesha Hawiye” sidaa waxaa yiri Shiikh Ciise dalabeey.
Max’ed cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ka talin jiray beri gobalo ka mid ah Dalka gaar ahaan Gobalka Sh.dhexe, inkastoo Masrax siyaasadeedka aanu dhawaan hadalkiisa ka soo muuqan ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in ay wadaan abaabul dagaal iyaga uu huwan shaar qabiil.
“Waxaan qaadeynaa dagaal aan ku xoreyneyno gobalada ka maqan gacantya dowladda annaga oo ka bilaabi doono kuwa aan ka soo jeedno intaas kadibna waxaan tagi doonaa meel walba oo ay ku sugan yihiin kooxaha gumeysiga wada ee xooga ku heysta gobalada” sidaa waxaa yiri Max’ed Dheere.
Max’ed dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dadka halkan dagaalada ka wada qaarkood waxa ay ka soo jeedaan gobalo gumeysi dhab ah ku jira (Somali galbeed) waxaana mudan hadiiba ay dagaal doonayaan in ay la dagaalaan gumeysiga dhibaya shacabka ku nool deegaanada ay ka soo jeedaan, xaqiiqan waa wax layaab mudan hanka kooxahan sida uu yahay.
Waxa uu xusay Max’ed Dheere in aanay dagaalkan wax taageera ah uga heleyn dowladda isagoona sheegay in ay yihiin qabiil is xilqaamay garawsadayna in gobaladooda ay ka saaraan kooxaha mucaaradka ee dowladda ka soo horjeeda.
Inkastoo dhawaqan uu yahay mid dhadhan siyaasadeed uu ka muuqdo haddii uu hirgalo waxaa suurta gal ah in waxyaaba badan ay isbadalaan, laakiin haddii uu noqdo hadaladii iska owr-kacsiga ahaa ee Siyaasiyiinta Soomaalida ay ku caan baxeen iyagoo iska hadlaya hadal aan ujeedo siyaasi ah oo dhab ah aanay ka danbeyn wax qiima ah ma yeelan doono.
Hadaan u soo laabto hal-ku dhigga qormada “Qiiro mise qaraw” aan kala qaadno labada eray annaga oo ku horeyneyna erayga “Qiiro”.
Qiiro oo afka qalaad lagu yiraah “Emotion” waa wax ku abuuran guud ahaan bani’aadamka wallow lagu kala badan yahay, laakiin hadba waxaa si gaar ah loo eegaa istaraatiijiyadda ka danbeysay Qiiradaasi, tani waa Qiiro siyaasadeed qotankeeduna uu yahay isbadal doon, haddii afka, adinka iyo uurka ay is waafaqaan waxaa suurta gal ah in ay ka soo baxaan waxyaabo muhiim ah oo loo aayo, laakiin haddii ay noqoto iska dheh iyo iska hadal wax macna buuran ah ma sameyneyso
Qaraw oo afka qalaad lagu yiraahdo “nightmare” marka la sarifo waxa ay noqoneysaa humaag beenaad uu sawirto ruux ama koox isla markaana aanay ka danbeyn talaabo qaad rasmi ah oo macna buuran sameyn kara.
Hadaan mar kale dib u xasuusano Erayadii Max’ed Dheere waxaa ka mid ahaa deegaan walba oo aan howl-galkeena ku qabano waxaan u gacan galin doonaa dowlada oo aan ayidsanhay, waxaana hadalkan uu yahay mid ka duwan qaababka ay maagan yihiin Shaqsiyaad kale oo iyaga dhankooda haminaya la wareegida gobalo ka mid ah Dalka iyaga oo huwan magac qabiil taasoo ujeedada ka danbeysa ay tahay in ay dhistaan waxa loogu yeero maamul gobaleed, bal eeg waxa ka socda Hiiraan, iyo Hamiga Prof Gaandi ee Jubooyinka la xiriira.
Marka aan isu soo aruurino oo aan isku keeno abaarta sheekada waxa muuqanaya in beelaha daga koonfurta iminka ay ku baraarugeen hagardaamada lala maagan yahay, isla markaana ay ku fekareen in ay isbadal abuurtaan iyaga oo huwan magaca beesha, maadaama dowladda ay ka badan la’dahay degmooyin kooban oo ka tirsan gobalka Banaadir.
By: Seeko keydmedia.net Correspondent
Add comment
Comments