QM: Ka Qaada Xayiraada Axmed N. Jimcaale!

Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Golaha Salaaddiinta, gudiga dib-u-heshiisiinta iyo wacyigalinta Soomaaliyeed, ayaa QM ka Codsaday in ay Tix geliyaan Baaqii Golaha Wasiirrada.
Maqaallo Keydmedia Online
QM: Ka Qaada Xayiraada Axmed N. Jimcaale!

Baaqaas oo ahaa in laga qaado xayiraada la dul saaray Ninka Aas-aasay Shirkada Hormuud Telekom Mudane Axmed Nuur Jimcaale.

Waxgarad Fara badan oo Wakiil ka ah Bulshada Soomaaliyeed oo kulan isugu yimid Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku Nuux nuuxsadeen in horaantiiba Q/Midoobay Xayiraada ay ku soo rogtay Mudane Axmed Nuur Cali Jimcaale ay u qaaday Wada qaldan oo aan aad looga fiirsan.

Salaadiinta iyo Indheer garadka Kulanka iskugu yimid ayaa si qoto dheer waxay uga hadleen qaabka ay Beesha Caalamku (UN-ka) ula dhaqanto Beelaha Reer Koofureed.

Indheer garadku waxay Xuseen in hada ka hor Mareykanku ( M/weyne Bush) u xayiraad ku soo rogay Hantidii Shirkadii lagu magacaabi jiray AL BARAKAAT oo u Asaaskeeda lahaa Mudane Axmed N. C. Jimcaale.

Dacwad mudo dheer socotay ka dib waxaa la xaqiijiyey in dhamaan Edeymahii ay noqdeen XUMBO ay soo maleegeen kuwo aan xag ogaal aheen oo Warka iyo Warbixinada ka Qaatay kuwo Caadifeysan.

Waxgaradkii Shirka ka soo qeyb galay ayaa waxay Bulshadii Faraha badneyd ee madasha Fadhiyey waxay xasuusiyeen in Xayiraadaan ay tahay tii labaad oo Markaan lo adegsaday Q/Midoobay ee lagu soo rogay Mudane Shiikh Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Ujeedadu waa in la Dhaameeyaa Malqabenada oo Buraash Dhiiga ah ayaa lala dabajoogaa, waxaana loola danleeyahay in la faquuqo, madaama ay Canacsiga ku Fir fircoonyahiin oo u Hal Abuurkoodu yahay Miro dhal ay Bulshada Soomaaliyeed ku diirsatay, sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Cuqaashii Shirka ka hadashay.

Sidoo kale waxgarad ka hadlay Shirka ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Muwaadin Sumcad iyo Sharaf ku leh Bulshadda Soomaaliyeed ay NU-ku ku Shabadeyso ama la xariiriso Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale Argagixisada Dadka Bireysa, Barakicisa oo Hameyn iyo maalin Jidadka ku Aasaya Minoyinka. Halka Mudane Axmed Nuur Cali Jimcaale u Badbaadshay Bulsho kor u dhaaftay 3 Malyan oo Soomaali ah.

UN-ka iyo Guud ahaan Beesha Caalamku uma qaban Soomaaliya Intuu Mudane Axmed Nuur Cali Jimcaale u qabtay Bulashadda Soomaaliyeed.

Waxaa dhab ah in ay Bulshadda Soomaaliyeed Fahamsantahay Qaabkaan ay in badan oo wax garad ah ku tilmaameen: Reer Koofur Kii Dhaqdhaqaaqa ha la saaro miiska kawaanka.

Gunaanad

Q/Midoobay, waagii hore waxaan u heysanay: Gole Cadaaladeed, Waxaan u haysanay Gole Marjac oo markii Muran Aduunka ka dhaco loo noqdo oo lagu kala baxo, Waxaan u heysanay Gole dhex dhexaad ah oo miisan leh, Nasiib darase waxuu noqday saan horay u soo sheegnay mid Diirada saara Ganacsatada Reer Koofureed si aysan u Hanaqaadin xag Dhaqaale, xag Siyaaadeed, isla markaasna Dulka lagu jiido Magacooda, Sharaftooda, Hantidooda.

Keydmedia Online - www.keydmedia.net


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - Ayuub.a.aden@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.