Qoraxda Miyaa Sacabka Lagu Qarin Karaa…?

DAAWO VIDEO (Keydmedia) - Xilligu waa July, 1991-dii, waqtiguna waa kulul yahay. Dadka soo Bannaan baxay waxaa ka muuqda arrad weyn, wax yar mooyee inta kale waa kaba la’aan. Gaadiidku isagama socdo dhulka ay ka yimaadeen oo kasoo rogan Jubbooyinka Hoose, Bo’aale, Saakow iyo Shabeelaha Hoose.
Maqaallo Keydmedia Online
Qoraxda Miyaa Sacabka Lagu Qarin Karaa…?

Dadkaasu waxay isugu jiraan rag waayeel ah, dumar waayeel iyo da’ dhexaad ah oo aan ubad wadan, Madax-dhaqameedyo bulso, siyaasiin ka socota Ururka SAMO iyo Culumaa’uddiin.

Dhammaan dadkaasu waxay ku dhawaaqayaan "Caydiidow cadowga naga qabo..." Caydiidow cadawga naga qabo…

Siyaasiinta xafiiska Caydiid hor safan waxaa kamid ah Gudoomiyaha Ururka SAMO. Culumaa’uddiinka waxaa kamid ah Macallin Nuur M. Siyaad iyo Shariif Shiikh Muxiyadiin Ceeli, Col. Faarax Gubadley, Mudane Xabeeb iyo Wariyayaal farabadan.

Warbixinta hormoodyada dadkaasu waa mid Dhacdo cusub ah oo hore loo arag horana loo maqal marka dib loo eego dhaqanka Soomaaliyeed.

Mustacmarkii ma samayn dhacdooyin kuwaas u dhow ama lamid ah. Dadkan qaylodhaanta keenay way cabanayaan. Falkaan argagaxa leh waxaa fulinaya ciidankii Dhafoor-qiiq Jen. Moorgan u horkacayey.

Arrintaan gobolladaas ka dhacday Sanooyinkii 1991 ilaa 2004 oo uu hoggaamiyaha ka ahaa General Maxamad Siciid Moorgan waxay noqotay mid wiiqday nolosha iyo aayaha Bulshada ku nool Jubbooyinka Hoose.

Waxaa laga dhigay: Wax la dhacay oo la barakiciyey. Dambiga ay galeen oo la ogsoon yahay waa nacaybka loo qabo gobollada ay ka soo jeedaan. Ma ahan wax la inkiri karo dhacdooyinka kor ku xusan. Qorrax soo baxday sacabka laguma qarin karo.

Bal Daawada Maqal iyo Muuqaal ahaanba dadkaas la rafaadiyey iyo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan. Kuwa Kalenah Fillo dhawaan.

Keydmedia.net





Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.