Qorshaha Trump oo walwal ku abuuray xulufadda dagaalka Al-Shabaab

Maqaallo Keydmedia Online

Qorshaha uu Trump ku doonayo in uu Ciidamadda Mareykanka ugala baxo Soomaaliya ayaa walwal ku abuuray xulufadda ku lugta leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga codsaday Washington in ay dib uga fiirsato go'aankeeda.

Qorshaha Trump oo walwal ku abuuray xulufadda dagaalka Al-Shabaab

Waxaa jiray warbixino sheegaya in Trump uu ka codsaday la taliyayaashiisa sare ee amniga inay dejiyaan qorshaha bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya si loo fuliyo balanqaadkii ololahiisa doorashadda 2016 ee ahaa in askarta kasoo saarayo dalal ay ku jiraan Afghanistan, Syria, iyo Germany.

In kastoo qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya uusan wali aheyn mid la taaban karo, hadana wuxuu uga tagi karaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) mid aan waxtar badan laheyn, iyadoo la ogsoon yahay in Ciidamada Mareykanka ay si weyn u wiiqeen awooddii Al Shabaab ayna ka caawin jireen duqeymaha xagga cirka ah, iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn [drones].

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dowladdiisu ay dooneyso in Ciidamada Mareykanka ay sii joogaan. “Taageerada militari ee Mareykanku siiyo Soomaaliya waxay noo suuro galisay inaan si hufan ula dagaalano Al Shabab una sugno amaanka, iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa lagu gaari karaa oo keliya iskaashi joogto ah iyo taageerid dib u dhiska Ciidanka qaranka”.

Mareykanka waxaa ka joogaa dalka inta udhaxeysa 600 ilaa 800 oo askari, kuwaasoo si dhow ula shaqeeya Amisom iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) ee la dagaalamaya Kooxda Al Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu gacan ka geystey aas-aasidda unug ka-hortagga argagixisada, ee 'Danab', oo aad uga muuqda howlgallada gaarka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka waxay sidoo kale la shaqeynayeen AMISOM sanado badan, iyagoo ka caawiya duqeymaha cirka ee diyaaradaha drones-ka, kuwaasoo hogaamiyeyaal looga dilay Al-Shabaab.

Afhayeenka AMISOM Col Charles Okongo Ambiakha ayaa u sheegay wargayska The EastAfrican in ay u taalo Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Gollaha Nabada iyo Amaanka ee Midawga Afrika si ay u siiyaan hagitaan ku wajahan qaabkii lagu buuxin lahaa booska Ciidamada Mareykanka ee baxaya.

“Si kastaba ha noqotee, anaga AMISOM ahaan waxaa naga go’an inaan fulino waajibaadkeena sida ku xusan Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2520 ee la ansixiyay 2020, annaga oo isku diyaarinayna inaan mas’uuliyadda amniga ku wareejinno Ciidamada Amniga ee Soomaaliya ugu dambeyn December 2021,” ayuu yiri Col Ambiakha.

Qaraarka UN-ka

Qaraarka 2520 ee la soo saaray bishii March ee sanadkan, ayaa lagu xusayo in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar tahay, iyadoo la faray AMISOM inay tababarto 19,626 askari oo Soomaali ah ilaa February, 2021, markaasoo ay tahay in Ciidanku ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan AMISOM oo dalka joogtay tan iyo 2007.

AMISOM mudo 13 sano ah waxay ahayd bartilmaameedka Al-Shabaab, oo sidoo kale January 2020 weerar ku qaadey saldhig Mareykanka u uku leeyahay Lamu, Kenya oo lagu magacaabo Manda Bay Airfield, halkaasi oo lagu dilay saddex askari oo Ameerikaan ah.

Agaasimaha Sirdoonka AFRICOM Heidi Berg, ayaa sheegay in khatarta Al-Shabaab ay sii kordhayso, islamarkaana ay Kooxda ku dhiiran tahay inay weerar ku qaado Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ajnabiga.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.