Qorshaha Dowladdu waa mid danta Shacabku ku dhan tahay

Xuseen Sheikhnuur Xuseen - Dowladda Soomaaliya waxay dejisay Qorshe (Strategy plan) ay ugu tala gashay in ay dalka oo dhan ku maamusho, qorshahaas wuxuu leeyahay dhor waji (Phases) oo kala horeeya.
Maqaallo Keydmedia Online
Qorshaha Dowladdu waa mid danta Shacabku ku dhan tahay

Qorshuhu wuxuu leeyahay mid gaaban iyo mid dheer (Short term plan and long term plan).

Qorshaha Koowaad oo ah mid gaaban (Short term plan) waa in Dalka Amnigiisa la sugo ayadoo Ciidamada Dowladdu kaashanayaan Ciidamada walaalaha Africa ee Amisom. Degmo iyo Gobolkasta oo laga xoreeyo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaa loo dhisayaa maamul ku meel gaar ah oo Dowladdu u magacaabayso, ayadoo dowlaadu la tashi la samaynaysa dadka deegaanka waxgaradkooda. 

Inta qorshahaas lagu jiro dowladdu waxay xilweyn iska saareysaa in ay dib u habayn ku samayso kaabayaasha maamulku u baahan yahay sida kuwa Amniga, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka. Tusaale Amniga waxaa la dhisayaa xarumihii Booliiska, Maxkamaddii Gobolka ama Degmada, Nabadsugiddii, iyo qaybaha kale ee aan looga maarmin Amniga.  

Isla qorshahaas Koowaad inta lagu jiro, waxaa la hubinayaa in la ciidameeyo Maleeshiyaadka aan ka tirsanayn Ciidamada Dowladda ee hubaysan, sida Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo Raaskabooni oo kale. Kuwaasoo markay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay ka mid noqonaya Ciidanka Qaranka.  

Marka la hubiyo in qorshahaan lagu guulaystay, waxaa bilaabanaya qorshihii dheeraa (long term plan-kii). Waxaa degmo kasta loo diyaarinayaa faasiilatigii u suura galin lahaa in ay si xor ah shacabka deegaanku ku soo doortaan goloyaashii deegaanka u matali lahaa. Goloyaasha deegaanka markii la soo doorto, waxay dooranayaan Duqii (Mayor) kii degmada, iyo waxyaabihii kale ee sharcigu u ogol yahay. Sidaas ayaa Goloyaasha deegaanku u soo dhismayaan min Degmo ilaa heer Gobol.

Xeerka Samaysanka Dowlad Goboleedyada

Markii min degmo ilaa heer gobol ay si xoriyad iyo caddaalad ku jirto u samaysmaan gobolka kasta wuxuu xor u leeyahay in uu ku biiro Dowlad goboleed horey u jiray ama la midoobo gobol kale oo markaas wada noqdaan dowlad goboleed ka mid ah Qaranka Soomaaliyeed. Siyaabaha ay u midoobayaan waxaa lagu xadiday shuruucda dalka u degsan.

Sharciyadda Maamulka Jubbaland

Markaad eegto qorshayaha Dowladdu u dejisay dalka in ay ku maamusho, iyo xeerka dastuurka ee samaysanka Dowlad goboleedyada waxaa kuu soo baxaya in maamulka jubbaland yahay mid aan sharciga waafaqsanayn, isla markaasna ku salaysan caadifad iyo sad bursi kooxeed. Tusaale waxaa kuugu filan, gobolada la sheegay in maamulkaan ka kooban yahay waxaa xor ka ah oo gacanta Dowladda ama kooxaha taageersan ku jira in ka yar 40% (boqolkiiba afartan). 

Kala bar gobolka Jubada hoose gacanta Al-shabaab ayuu ku jiraa, dhammaan gobolka jubada dhexe gacanta Al-shabaab ayuu ku jiraa, kala bar ama ka badan gobolka Gaddo gacanta Al-shabaab ayuu ku jiraa.

Gabagabo

Intaas oo dhan markaad isku soo xeeriso, caqliga saliimkaa wuxuu kuu muujinayaa in mowqifka Dowladdu 100% yahay midka saxdaa. Laguna kala bad baadi karo. Markaad dhan walba ka eegto, xag sharci, xag caqli, iyo xag bulshada soomaaliyeed ee dhibaatada qabiilku soo daashaday. 

Maxaa dhici kara haddaan Dowladda mowqifkeeda la raacin?

Haddii laga soo hor jeesto mowqifka Dowladda, oo koox walba tiraah, sida Raaska-booni oo kale, waxaan jecel nahay hanaloo yeelo haddii kale jug iyo jac ma leh, Waxaa soomaaliya ku laabanaysaa bur burkii ay ka soo kabsanaysay.

Waxaa soo noolaanaya caadifaddii qabiil ee rafaadkii, foolxumadii, sharaf daradii soomaali meeshaan dhigtay shalay in dib boorka looga jafo, oo halkaasna aan ku hanan weyno Qarannimaddii iyo sharafkii Soomaali caalamka ku lahayd kuna yeelan doonto.

Talo soo jeedin

Waxaan u soo jeedinayaa ummaadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Dalka gudihiisa  iyo dabadiisa in la taageero Dowladda Soomaaliya u dhalatay. In qof walba dadaal cilmiyeysan oo horumarineed galiyo sidii aan ku ilaashan lahayn qarannimadeena.  In xumaanta qabiilka meel la iska dhigo, in qof walba ogaado, haddii qaranka soomaaliyeed xoogeysto in uu helayo sharaf iyo karaamo uusan hadda haysan. In ninkii hanti ka maqan tahay ay u fududaandoonto in uu xaqiisa u dacwoodo oo si sharci ah ku heli doono.  In sharafka ummaddeed, diimeed iyo midka dhuleedba soo laabandoono.

Soomaaliya hanoolaato, Soomaaliya ha midowdo, Soomaaliya ha guulaysato.

Xuseen Sheikhnuur Xuseen - Minnesota, USA
husseinsheikhnur@gmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.