Qosolka Dhurwaaga Ragba Run U Qaatay

Dr. Saciid Ciise Maxamud - Soomaaliya waxey gashay Xaalad halis badan. Isbedelkii la rumeysnaa inuu dalka u horseedayo Mustaqbal wanaagsan wuxuu noqday mid dhicisoobey. Waxaa abuurantay Koox yar oo kelitalisa oo Madaxtooyada taladeeda ay la rogmatey.
Maqaallo Keydmedia Online
Qosolka Dhurwaaga Ragba Run U Qaatay

Waxaa dalka doonaya inuu awood ku dirqiyo wasiirka arrimaha gudaha oo xaruuntii dembi baarista booliska u rogey xabsi siyaasadeed oo lagu caburiyo siyaasiyiinta iyo suxufiyiinta, isaga oo amar ku bixinaya in la soo xiro cidii ka hortimaada tala xumida kooxdaas. Waxaa halis xoogan ay la soo deristey haweenka Soomaaliyeed oo kufsi qarsoon ay kula kacayaan dad u muuqda iney taageersan yihiin kooxdaas.

Wadanka taladiisa waxaa soo dhexgalay qalalaase saameeyey dhaqaalaha, siyaasada, iyo dareenka bulshada. Waxaa dumey awoodi dowlada, ku dhaqanka sharciga, iyo xoriyada ay dadku u leeyihiin iney aragtidooda wadaninimo ay ka dhiibtaan talada dalkooda. Waxaa soo muuqata saansaankii dalku soo maray 1969, taas oo ka dhalatay awoodi dalka oo uu si dadban u marooqsaday wasiirkii arrimaha gudaha, baarlamaankuna uu awoodi waayey inuu talaabo sharciya ka qaado.

Xaaladaas khatarta ahayd waxaa ka dhashay shirqoolkii lagu diley madaxweynaha dalka. Waxaa dalka ka jira xaaladaas mid la mida oo kicineysa halis dhalisa masiibooyin ay waxyeelo raagta ka dhaxleyso shacabka Soomaaliyeed. Dadkii rumeystay kooxda isku koobtay talada dalka ayaa ku hungoobey hayiin raaci quruxda badnaa ee farxada loogu gacan haatiyey, maantana si xanuun badan ku garwaaqsaday sida loogu been guurey.

Khilaafka madaxda dowlada waa mid ku soo biyo shubanaya in codka baarlamaanka lagu shubto, taasna waxey na xasuusineysaa 1969 in ay ahayd midii horseeday in wadanka uu ka dhaco afgembi militari kadib markii madaxda dalka ay ku shubteen doorasho ku sheegi la qabtay Agoosto 1969.

Wadanku ma laha maanta ciidan xoogan oo dalka ka badbaadin kara qas siyaasadeed, waxeyna u muuqataa in qalalaasaha ay wadaan kooxda madaxtooyada ay dalka gelin doonto dhiig badan oo daata, hanti iyo naf badan oo lagu waayo. Dhagartii ay maleegeen xildhibaanadii 1969, midkoodna kama badbaadin, waana sidan sida ay ku socoto kooxdaas qaab dulmiyeedka u abaabulan.

Haddii ciidanka sharci fulinta iyo awoodaha maxkamadaha loo adeegsado ujeedooyinka siyaasadeed ee kooxdaas oo ay dhacdo in madaxtooyada laga soo gooyo xariga iyo maxkamadeynta shaqsiyaadka ay halista u arkaan inuu khatar gelinayo damacooda siyaasadeed, waxaan la hureyn in adeegsiga xeeladaas ay muujineyso in adeegyada ciidanka booliska iyo maxkamadaha uusan noqon doonin mid la isku haleyn karo madaxbanaanidooda, kuna tilmaameysnayaan kuwo loo soo diyaariyey fulinta awaamiirta loo soo qorsheeyey.

Khatarta Maanta ay leeyihiin Maleeshiyaadka Ciidanka Dowlada waa mid abuuri karta iney u kala qeybsamaan qaab Beeleed iyaga oo ka turjumaya dareenka kacsan oo ay tabenayaan bulshooyinka kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa madaxdeeda lagu soo xulaa si qarsoodiya oo aan waafaqsaneyn sharciga lagu maamuuso shaqaleynta howlwadeenada dowlada, taas waxey dhalisay hilaac beena in loo bidhaamiyo masuuliyiin si qaldan loo soo gacan geliyey, kadib marka ay arkaan hadaanta loo qoday iyo qiyaanada lagu gelinayo dembiyo culus ayey go




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.