R/wasaare Cabdiweli oo xiray webka Rajodoon sabbabta waa maxay ??

Dr.Ali.A.Hirabe (Keydmedia) - Webka Rajadoon.com oo ahaa web aad iyo aad uga faalooda arimaha Somalia ayaa dhawaan la xiray sabbabta loo xiray waa maxaay ???
Maqaallo Keydmedia Online
R/wasaare Cabdiweli oo xiray webka Rajodoon sabbabta waa maxay ??

Akhristow webka waxuu ahaa web aad iyo aad u wareeysan jiray aqoon yahaynada ama qalinleeyda siyaasada Somali ka faalooda ee daafaha aduunka ku kala firirsan,xiligii C/aahi Yusuf uu qabsaday talada dalka head of state kuna xadgudbay violations of nation as Somali kadib markii uu dalka ku soo hogaamiyay cadow soo jireen haa ee ciidamada Ethiopia kuna xasuuqay shacabkii degenaa caasimadii dalka Somalia ee  Muqdisho balse hadafka ahaa in uu ka iibiyo Ethiopia dalka Somali si uu u helo sharaf iyo karaamo.

Xiligaa waxaa C/aahi u ahaa la taliye xaga siyaasada aadna ugu hadli jiray siyaasada dalka hadba meesha eey mareeyso Cabdiweli Gaas,sida aad hore u aragteen qormadii aheeyd Prof.Cabdiweli maxaa u wehliya aqoontii a 1 2 3 ??

Webka Rajadoon xiligaan albaabada ayaa leeyskugu dhiftay sabbabta oo ah wareesigii uu hore u siiyay ayeey sabbabsadeen iyada oo malkiilaha webka uu yahay nin xagjir ah una ololaheeyn jiray siyaasada C/aahi Yusuf aadna ulla dhacsanaa ayaa hadana ka soo jeedin Puntland balse waxaa uu ka mid yahay reer Wardheer siyaasada Somalia ku naxay.

Cabdiweli Gass waxuu xiligaa bixiyay wareeysiyo faro badan oo ku wajahnaa loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeyay maxkamadihii iyo dowladii Impigati  ee uu madax u ahaa C/aahi Yusuf,Cabdiweli Gaas waxaa wareeysan jiray joornaal xagjir ah oo aad uga hadla dagaalada ka socda Afganistan iyo Ciraaq magaciisana ahaa: (The Long War Journal).

Wareeysiyadii uu hore u baxshay oo ahaa kuwa xasaasi ah marka hada loo fiiriyo xilika uu dalka Somali uu u hayo manta,Cabdiweli  Gaas xiligaasi waxaa uu ahaa xagjir diidanaa in C/aahi Yusuf iyo huwantiisa Ethiopia dalka laga saaro balse waxuu aad uga soo horjeeday heshiiskii Jabuuti ee xilka madaxweeyene ku noqday Sh.Shariif Ethiopia dalka lagaga saaray,waxuu aad u dhaliili jiray wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay arrimaha Somalia Ahmed Walad Abdala uu yahay nin u hiilinaya Hawiye sida C/aahi Yusuf iyo reer Puntland qabeen.

Akhristow bal booqo [url=http://www.rajadoon.com]http://www.rajadoon.com[/url] dhamaan wareeysigii cabdiweli lama maqli karo ??

Hadaba C/wali xagjirnamadiisii ma waxbaa iska badalay haatan mise xagjirnimada qabiilka uu ka dhashay weli waa uu aaminsanyahay,sidee nin noocaas ahi loogu magacaabi karaa xilka r/waasre Somali ??

Sabbabta oo ah ma noqon karo nin u dhaxeeya Somali balse waa nin aay ku qufulan tahay in isir-naceeyb iyo u hiilinta danaha qabiilka lagula soo heshiiyay Amxaaro in dalka lagu qabsado, C/wali weli lama hayo meel uu ku cadeeyay in uusan fikirkaasi aaminsaneyn. waxaan ku soo gaba gabeeynayaa: Somali cid dan u haysaa ma jirto balse cid-walbaa waxaa aay jeceshay in dhiiga reer koonfur uu sii socdo weligiisna uu joogsan,inta danaha Somaliland iyo Puntland laga shaqeeynayo ilma aha in aay soo dhawdahay Qaranimo Somali,waxaan leeyahay gabagabdii in R/Wasaarah cusubi aqoontiisa aay u wehliso dano qabiil oo gaar ah

 




And do not exchange the covenant of Allah for a small price. Indeed, what is with Allah is best for you, if only you could know.

An-naxl aayada 94 aad:ha ku gadanina balanka ama cahdiga ilaah qiimo yar Ilaah waxaa agtiisa ah ayaa idiin kaga qeeyr roon haddii dadow aad wax ogtihiin.xilka looma qabto xoola badsi waana mida aayada tilmaameeyso in dhaartii Kitaabka aanan la siisan xogaa aduunka ku ek,waxa leeysku haystaa malaayiin alow sahal umuuraha.

Aragtida Qoraalkaan: Dr.Ali.A.Hirabe -  HIrabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.