Rajada Somalia Waxey ku jirtaa Ragaan oo aan la kala reebin!

Salah Jama - Shacabka Somaliyed wuxuu so marey dhibaatoyin aan lagu soo koobi karin qoraalkani oo lxanuun jireed iyo mid maskaxeedba ku abuurey, lana tacaalayaan muddo dhowr iyo labaatan sano ah haba ugu darnaadeen dagaallo sokeeye.
Maqaallo Keydmedia Online
Rajada Somalia Waxey ku jirtaa Ragaan oo aan la kala reebin!

Musiiboyin dabiici ah iyo kuwo ay sameeyeen kuwa sheegtey iney hogaan u yihiin shacabkii ay ka soomiyeen nabadda iyo noloshaba, kuna soo haysteen qori caaradiisa ilaa iyo maantana doonaaya iney sii haystaan.

 

Wa arrin qof kasta ogsoon yahay in Shacabka Somaliyed uu doonaayo nabad iyo naxariis Rabbi, kana soo daaleen iney ka warsugaan Hogaamiye Beeleedyada iyo qab qableyaashooda oo haba yaraatee aan u haynin wax xal ah, kuna sii wadaan fowdadii iyo awoodii qori ay ku qabsadeen mansabka siyaasadda iyagoo gacan ka helaayo cadowga Somalia iyo Ururo dano gaar ah ka leh dhibaatada Somalia, wuxuuna shacabka doonayaa is-beddel dhab ah oo leh qorshe dawladnimo oo cad, kaasoo aan laga filan karin Laba Shariif iyo Cabdi Weli Gaas haba yaraatee.

Mar haddii Afhayeenkii hore Shariif Sakiin Ilaaheey Ummadda ka qabtey ka dib markii Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku guuleystey Prof. Jawaari, halkaasna Hamigiisa iyo Rajadiisa Siyaasadda Somalia afka ciidda loo darey, waa Allah mahadiisa maxaa yeeley waa boog ay ummada somaliyed ka buksootey kana reysatey.

Waxaa iyana xusid mudan in Shariif Sheikh Axmed iyo Cabdi Weli Gaas ay yihiin nabar halis ah oo weli ku taagan Shacabka Somaliyed Ilaaheyna laga baryaayo inuu ummadda ka qabto oo uu marsiiyo wadadii uu marey saaxiibkooda Xariif Xassan illeen waa isku Jiil waxeyna wadaagaan dhaqan xumidda ku saleysan Dhagarta, aamin darrada, xatooyada hantida qaranka iyo tan masaakiintaba, cadaalad darada iyo daneystenimada gaar ahaaneed iyago haba yaraatee aan dan ka lahayn qaranka Somaliyed iyo shacabkiisaba.

Ummadda Somaliyed oo ah shacab 100% Islaam ah waxaan xasuusinayaa Xadiith Shariif ah oo Nabigeyna Suubanaa SWCWS oo laga soo wariyey , kuna yiri “ RUUXA MU’MINKA AH, LABA JEER HAL GOD LAGAMA QANIINI KARO” taasoo hadda shacabka somaiyed ay ku dhici karto haddii ay kala reebaan Laba Shariif iyo Cabdi Weli  oo sinnaba aan u kala roonaan karin haddii si fiican loo darso dhaqankooda iyagoo weliba si wada jir ah ay Beesha Caalamka ugu soo wada eedeysey Xatooyo Hanti Qaran, Musuq Maasuq, Wax is-daba marin iyo ku takrifalid Awoodda Dawladeed.

Inkastoo Xubnaha Baarlamaanka ay iyagaba yihiin kuwo ay keensadeen Seddaxdaan Madax oo ay ku talo galeen iney dib u soo doortaan ka dib markii ay si bareer ah ugu tunteen Qodobadii ay saxiixeen ee ku qornaa Road Mapka ayaa haddana Xildhibaanada waxaa hor yaala laba arrin iney kala doortaan oo kala ah iney u gar gaaraan Qaranka Somaliyed iyo Shacabkiisa una soo doortaan Muwaadin ka Nadiif ah Eedeymaha loo haysto Laba Shariif iyo Cabdi Weli ama ay raacaan dantooda iyo dulmiga ay iyagaba ku yimaadeen soona celiyaan Shariif Axmed iyo Cabdi Weli illeen Xariifka hore ayaa seeftii Xaqqa u qaadey, haddii ay Ilaaheey ka cabsanayaan.

Wax yarna ay ku harsan tahay Wadaninimo waxaan ka codsanayaa Xildhibaan kasta marka uu qaato Warqadda Doorashada , tagana Sanduuqa Codka lagu ridaayo inuu ogaado inaan marnaba ku jirin danta Somalia in la kala reebo Ragaan Seddaxda ah ee dalka ka galey dembiyo Qaran.

Waxaa Qorey Salah Jama email:salahjama16@yahoo.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.