RAJO SOO CELIN MISE RAJA BEEL!! - Hees Cusub Keydmedia Exclusive (DAAWO VIDEO)

Burburinta, baabi’inta iyo xasuuqa ummadda Soomaaliyeed waa mid ay isu baheysteen dowlado, ururo iyo kooxo kale duwan, waxaana koox walba oo qandaraaska burburinta soo qaadata ay ummadda jahwareerisaa muda kooban, iyadoona ku sii wareejisa koox kale oo ka dhib badan tii hore kana qasaara badan.
Maqaallo Keydmedia Online
RAJO SOO CELIN MISE RAJA BEEL!! - Hees Cusub Keydmedia Exclusive (DAAWO VIDEO)

Dec. 1992 dii waxaa Soomaaliya soo gaaray ciidamo Shisheeye oo maraykanku hogaaminayay, kuwaasoo loogu magac daray Restore Hope "Rajo soo celin", waxaana ka dhacay Dalka xasuuq ba’an oo ummadda Soomaaliyeed lagu baabi’iyay, waxaana howlgalkii loogu magac daray Rajo soo celinta natiijadiisu ay noqotay Rajo beel iyo xasuuq umadeed.

Heestan aad daawaneysaa waxaa la hal abuuray xiligii ciidamada Maraykanka ee UNISOM loogu magac daray ay joogeen gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana heestan hal abuuray Dr Asad iyo agaasimaha keydmedia Cali Saciid Xasan, waxaana ku luuqeyneysa fanaanada lagu magacaabo Shankaroon Axmed Sagal.

Erayada heestan ayaa waxaa ka mid ah “Dadka nabadda jecel iyo dunidoo dhaneey maqal, afrikaay Bal daawada horashiimo dabadeed dilkii ugu qaraaraa rajaa loogu magac daray”.

Sanad walba dhibaatadu waxa aheyd mid ka sii dareysa, qabqablayaashii dagaalka iyaga oo sheegaya in danta shacabka ay ka shaqeynayaan ayeey dhigeen dhibaato Baaxad leh oo ay dad badani ku xasuuqeen, waxaana awoodii hogaamiyaasha xili danbe wiiqay maxkamadaha oo sheegay in ay dadka u daneynayaa, laakiin waxaa caqabad ku noqday dowladaha reer galbeedka oo adeegsanaya Itoobiya.

Soo galitaankii ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya waxaa laga dhaxlay dhibaato xoog leh, waxaana Itoobiyanka ay u muuqdeen kuwa wada fal aar gudasho iyo uur xumo dagaal, waayo Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo xili fog waxaa u dhaxeeyay Dagaal iyo Qilaaf soojireyn ah, kaasoo taariikhda gala, waxaana ciidamada Itoobiya mudadii ay joogeen Muqdisho iyo gobalada Dalka ay burburiyeen magaalooyinka, waxaana Muqdisho wali ka sii qoyan raadadka burburkii ay Itoobiyaanka geesteen.

Uma turin umadda kooxaha huwan magaca diimeed, balse aan fasirka ficiladooda uu yahay mid diinta aad uga fog, waxaana kooxahaas ay umadda u geesteen xasuuq, dil, barakicin iyo dhibaatooyin baahsan oo aan la koobi Karin.

Ciidamada loogu waqlalay Nabad ilaalinta ee ka socda midowga Africa heystana magaca Amisom, howl aan aheyn tan magacooda ka muuqata ayeey ka qabteen Soomaaliya, waxaana ay ku fuliyeen Muqdisho xasuuq maalinla ah iyo dilal bareer ah oo daliilkoodu uu yahay shaki, waxaana sanadkaan oo kaliya duqeynta Amisom ku geeriyooday dad ka badan 4-kun oo ruux iyadoona ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 20-kun, waxaana intaasi sii dheer Dadka Barakacay oo buux dhaafiyay xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Heestan ka hadleysa dhibaatada ka jirta Soomaaliya ee todobaadkan aan idinku badalnay Sarnaamijka Soomaalida Maanta ayaan ku beegnay sanad guuradii 4-aad ee ka soo wareegtay kolkii ciidamada cadawga Itoobiya ay gudaha u soo galeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ay aheyd 29 Dec 2006 kolkii ciidamada Itoobiya ay soo galeen magaalada Muqdisho iyagoo dhinacyada Sh.hoose iyo Sh.dhexe ka kala yimid.

Hadaba maxaad is leedahay Amisom iyo Itoobiya way ku kala duwanyihiin marka laga hadlo dhibaatada shacabka iyo burburinta Dalka, sidoo kale ma kuu muuqdaa farqi u dhaxeeya kooxaha ku dagaalamaya Soomaaliya? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.