Dowlad rasmi ah in loo dhiso Soomaaliya, Reer Galbeed Heshiis ma ku yihiin?

Keydmedia Online - Bulshada Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujinayay isbadalka uu hadda sii galayo Dalka.
Maqaallo Keydmedia Online
Dowlad rasmi ah in loo dhiso Soomaaliya, Reer Galbeed Heshiis ma ku yihiin?

Cabdulaahi Bare Aadan waa 70 jir u soo waayo joogay isbadaladii iyo dagaaladii sokeeye ee ka jiray Soomaaliya waxaana uu Keydmedia Online u sheegay in hadda sida ay wax u socdaan ay ka badalan yihiin sidii hore, isagoona xusay in mustaqbalka Soomaaliya uu sii galayo jawi wanaagsan.

“Anniga in badan ayaan Soomaliya u soo joogay, dadka Soomaaliyeed dagaallo Sokeeye waa ay ka daaleen, waxyar oo wali Dadka Marinhabaabinayo waa iska jiraan sida kuwa Kooxo Diineedka lakiin hadda waxaa muuqato iftiin dowladnimo iyo rajo wanaagsan” ayuu yiri Cabdulaahi Bare Aadan.

Koronel Maxamuud Rasto oo kamid ahaa Dalka Soomaaliyeed ayaa yiri "Waxaan Rajeynayaa inaan dib loogu noqon qaladaakii Jabuuti iyo Nairobi, waxaana rajeynayaa in laga fiirsado Shaqsiga loo caleemad saari doono Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana haboon in lagu soo xusho Xilkasnimo iyo Aqoon oo uu noqdo mid ka xishooda Xatooyada Hantida Dadweynaha"

Dagaaladii Maxamad Siyaad Barre, kuwii Hogaamiye Kooxeedyada, soo gelitaankii Amxaarada, Kooxo Dimeedyada iyo Ciidamadaan Amisom ayaa dalka ka dhigay inay gabi ahaanba bur-buraan adeegyadii bulshada iyo ilihii Dhaqaalaha sida, Caafimaadka, Waxbarashada, Warshadihii, Wadooyinkii.

Dr. Buurane waa Dhakhtar xarun Caafimaad ku leh Isgoyska Sope ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in hadii isbadal Dalka ka dhaco ay suuragal tahay inay dib u soo laabtaan adeegyadii dalka uu lahaa ee bur-buray.

“Soomaaliya hadda malahan kaabayaal dhaqaale, kuwo caafimaad, kuwo waxbarasho, dal aan intaas lahayna waa dal bur bursan, marka hadda hadii sida ay wax u socdaan lagu guuletso oo Siyasiinta Dalka ay heshiiyaan waa suuragal in kaabayaalkii Dhaqaalaha iyo Adeega Bulshada ay dib u soo laabtaan,” ayuu Dr. Maxamed Buurane.

Waxaa jira Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo aan waligood arkin Dowlad Soomaaliyeed, waxaana dhalinyaradaasi muujiyeen iney aad ugu baahanyihiin inay mar un arkaan dowladd Soomaaliya u dhalatay oo Cadaalad ah.

"Aniga Dowlad wax la yiraahdo mana arag mana Aqaan..." "Fowdadaan baan Arkay oo kaliyah" Ayuu yiri Cabdi oo ah 17 Jir oo Hada dhigta Dugsiga Sare.

Sidoo kale Idil Maxamed Yuusuf oo aan Wareysanay ayaa Keydmedia Online waxey u sheegtay in ey Riyo ula muuqato Dowlad soo celin karta nidaamkii iyo Heybadii Dowladnimo lagu yiqiinay.

"Allaheyse waxba kuma ahan iney taasi suuragal noqoto oo Soomaaliya laga daayo faragelinta Shisheeye iyo Adeegsiga Hogaamiye Kooxeedyada hadba qandaraas cusub kusoo qaata iney Dib u celiyaan Taranka Bulshada Soomaaliyeed iyo Hormarkeeda"

"Allahey waxaan ka rajeyneynaa iney noo dhalato Dowlad Cadaalad ah" ayee tiri Idil oo ka howlgasha Isbitaalka Madina.

“22 jir ayaan ahay Muqdisho ayaan ku dhashay kuna bar baaray, waligey Dowladda iyo kala dambeyn ma arkin, waligey waxbo ma akhrinin, waxna ma qorin, xaqiiqdii waa taas dhibaatooyinka ugu horeeya ee ay leedahay dowladd la’aanta, hadda aad ayaan rajo uga qabaa inaan arko dowladd Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maxmed Yuusuf.

Idil ishaaradeedu waa mid ey Dad badan la wadaagaan waxaana had iyo jeer la is weydiiyaa: Ma la gaaray Waqtigii Dowladaha Shisheeye ey ku heshiin lahaayeen iney danahooda ka fushadaan Soomaaliya? Taasnah mid maantay Muuqata uma eka.

Aqristoow nala arag 4-taan Tusaale:

1. Xeebta Soomaaliya oo baaxadeedu la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.