Roobab Lixaad leh oo Qasaaro u geystay dadka tabarta daran! (Daawo)

Muqdisho (Keydmedia) - Roobkii Shalay da’ay waxa ay guryahoodii cooshadaha kasmeesnaa ee nafta ay kusabeyn in ay guri kunoolyihiin ugu galeen dad u badan barakacayaal oo ku nool meela kala duwan oo kamid ah magaalada Muqdisho.
Roobab Lixaad leh oo Qasaaro u geystay dadka tabarta daran! (Daawo)

Keydmedia ayaa waxa ay booqatay Shalay qaar kamid ah xerya ay ku noolyihiin barakacayaal uu saameeyay roobkii ka da’ay Muqdisho waxaana ay lakulantay dad dhibaateysan oo caruur, dad da’ ah iyo haweenba isugu jira, kuwaas oo sheegay in roobka iyo rafadka kale ee dalka kajiraahiba dhamaan ay iyaga dhibaata ku reebeen.

Dadka danta yare ee Muqdisho ku nool, gaar ahaan kuwa ku hoos nool baakadaha iyo bacaha, marna meel ma arkaan wax u roon naftooda, mar waa dhadi, mar waa  abaar daba dheeraata, habeenkii waa dhedo iyo dhaxan lafaha ka gasha, marna waa roob cooshada kadumiya.

Waxaa jira hey’ado sheega in ay yihiin samafal oo magaca kuwa liita ee Soomaalida ah uga soo tuugsada dunida, hasa yeeshee innnaba hala ekaatee kuwa ay madaxooda qansdaraaska ku qaataan aan afka saliid u marin.

Roobabku marka ay da’aan waxaa kadhasha cudurro halis ah oo wasakhdaasi iyo biyo fariisiga kadhasha, kuwaas oo noolaha iyo kuwa liita oo dhan ay ungulyihiin, iyada oo aysan jirin wasaarad caafimaad oo si toos ah ula socota xaalada caafimaad ee dalka, gaar ahaan kuwa liita ee lagu tumanayo.

Daawo Masawirro Cusub:




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.