Roobow, Qaroole iyo Koofi maxay ku kala duwan yihiin?

Maqaallo Keydmedia Online

Taliyaha ciidamada lagu boobo doorashooyinka ee Haramcad Farxaan Qaroole, Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Koofi iyo Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab ahna Musharax madaxweyne KGS Mukhtaar Roobow maxay ku kala duwan yihiin?

Roobow, Qaroole iyo Koofi maxay ku kala duwan yihiin?

Warbixntan ayaan doonaynaa in aan ku faah-faahino saddex qof oo kamida kuwa ugu saameynta badan ee la sheegay in ay kasoo goosteen Kooxda Al-Shabaab, dowladdana ay ula dhaqatay siyaabo kala duwan, waxaan mid-mid u eegi doonaa taariikhdiisa oo kooban iyo shaqooyinkii kala duwanaa ee uu soo qabtay.

Farxaan Qaroole

Taliyaha ciidamada loogu yeero Haramcad Farxaan Maxamuud Aadan oo loogu yeero Farxaan Qaroole waxa uu kamid yahay shakhsiyaadka uu Madaxweyne Farmaajo aaminsan yahay in uusan kasoo jeesan shaqadii loo diro, waxa uuna kusoo tijaabiyay dhismihii dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, dhammaantood wuxuu dhagta ciidda u daray cid kasta ee isku dayday in ay ka hor imaato ama bannaan-bax sameyso.

Farxaan Qaroole, waa wiil dhallinyaro ah, waxa uu horay uga tirsanaa kana soo garab dagaalay rag waa weyn oo ka tirsan Argagaxisada Al-Shabaab, waxa uu kasoo muuqday dhowr jeer oo hore inta uusan soo goosan shaashadaha Al-Kataa’ib oo ah mareeg lagu faafiyo muuqaalada kooxda Al-Shabaab ee caadeysatay khaarajinta iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu dilay tiro dad shacab ah oo bannaan-bax ku dhigayay waddooyinka magaalada Baydhabo xilligii Lafta-gareen loo dooranayay madaxweynaha KGS, waxa uu dhagta ciidda u daray koox daacad u ahayd ururkii ASWJ ee ku sugnaa Dhuusamareeb, waxa uu ku burburiyay xeradii loo yaqiinay Xeri Inji hoggaankii sare ee ururka ASWJ, waxa uu hadda u jiheystay Baladweyne halkaasoo uu doonayo inuu cirib tiro Jabhad la magac baxday Xaq-u-dirir oo kasoo hor jeedda maamulkii lagu dho-dhoobay Jowhar, waxa uuna u faruuryo-qaniinsanayaa Gen. Xuud inuu nafta dhaafiyo.

Ma ahan wax qarsoodi ah in Madaxweyne Farmaajo mudadii uu xukunka dalka haystay dalacsiiyay Saraakiil badan oo Al-Shabaab ah uu kusoo daray qeybaha kala duwan ee Ciidanka iyo Nabadsugidda dalka.

Waa dhaqankii adeerkiisa Maxamed Siyaad Barre in Jeneraallo ka dhigi jiray Geel-jire, aan aqoon Ciidan iyo mid waxbarasho lahayn, waxaana qaraabo-kiilkaas iyo nin-jaclaysigaas horseeday dagaalkii sokeeye.

Bishii lasoo dhaafay ee December, Ciidamada uu hogaamiyo Farxaan Qaroole ee Turkiga uu tababaray ayaa rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ku furay shacab isagu soo baxay wadooyinka Muqdisho oo dhigayay dibadbaxyo iyo Kacdoon xukunka Farmaajo lagu diidan yahay.

Ciidanka waxaa sidoo kale la duldhigay guryaha ay degan yihiin Musharixiinta Mucaaradka, oo Farmaajo ka baqayo inay abaabulaan qorsho isaga xilka looga tuurayo, maadaama uu qaban waayay doorashadda.

Col. Mohamed Adam Kofi

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Mohamed Adam Kofi waxa uu garabkiisa fadhin jiray Mukhtaar Roobow Abuu mansuur, inta uusan kasoo goosan kooxda ayuu in badan kasoo muuqday Koofi Adan shaashadaha kooxda Argagaxisada, waxa uu qaabilsanaa faafinta kooxdii Xisbul Islaam ee mataanka la ahayd kooxda Al-Shabaab, fagaara yaal badan ayuu kasoo muuqday Koofi, ugu dambeyntiina wuxuu kamid noqday shakhsiyaadka isaga soo cararay kooxda ee naftooda uga baqay in la dhaafiyo!

Agaasime Koofi Aadan hadda waxa uu maamulaa hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, maadaama uu soo goostayna waxaa lagu abaal mariyay xilkan uu hadda ku fadhiyo! 

Mukhtaar Roobow "Abuu Mansuur"

Afhayeenkii hore ee Kooxda Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu mansuur, sidoo kalena ahaana musharax madaxweyne dowlad goboleedka KGS waxaa laga soo qabtay magaalada Baydhabo isagoo isku diyaarinaya inuu u tartamo madaxweynaha KGS,  13 December 2018 ayaa Mukhtaar Roobow laga soo qabtay magaalada Baydhabo waxa uuna ku jiraa Xabsi ay shaki galisay sharciyad ahaantiisa hay’adda Qaramada Midoobay.

Roobow ayey dowladdu u aqoonsatay shakhsi kasoo go’ay Al-Shabaab, waxayna dowladdu kusoo dhaweysay magaalada Muqdisho, waxa uu kamid ahaa dadkii dhiigga u shubay ee dhinac fadhiyay madaxda qaranka ee xilligaas dhiigga u shubayay dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 -kii OCT 2017.

Roobow marka lala bar-bar dhigo saaxiibadii garab fadhin jiray, isaga ayaa aad loo takooray, halka kuwa kalena lagu sharfay xilal iyo darajooyin sar-sare, Farxaan Qaroole isagoo ah ma-naxe ayuu dhimbilaha rasaasta kala hor tagaa shacabka Bannaan-baxyada dhiga ee Farmaajo kasoo hor jeeda.

Koofi isna waxa uu u fududeeyaa ragga kala tirsan saaxiibadiisa hore siinta Baasaboor aan shardi lahayn, waxayna maalin walba ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde raggii ay saaxiibada ku ahaayeen bur-burinta iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dowladdu iyadaa laga rabaa in ay noo sheegto farqiga u dhaxeeya raggaas dhammaantood kasoo wada tirsanaa Kooxdii Al-Shabaab ee qaarna darajo sare lagu abaal mariyay, qaarna xabsi la isaga hayo iyadoo aan maxkamad lasoo taagin, lana caddeyn dambiga lagu soo xiray.

Dowladda sidoo kale, waxey u baahantahay in ay shacabka Soomaaliyeed u sharaxdo sababta ay dhiigyacabta Al-Shabaab ugu soo dartay Hay'addaha Dowladda sida Nabad Sugidda iyo Ciidamadda Xoogga Qaranka. 

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.