Ruux hadduu Dad Dilay oo lagu darajeeyo, waa inuu Dad kale sii dilaa suu u sii dallaco!

Keydmedia Online - Waxa Muuqata in Taariikhdu ay isa soo cel-celineyso, Waxana Nasiibdarro Shacabka Soomaaliyeed ay usoo joogeen Dhacdooyin badan oo Murugo iyo Xanuun badan Welina sida muuqata aanan laga gudbin Dhacdooyinkaas Murugada iyo xanuunkaba leh.
Maqaallo Keydmedia Online
Ruux hadduu Dad Dilay oo lagu darajeeyo, waa inuu Dad kale sii dilaa suu u sii dallaco!

Waxan usoo joognay Nin sheegtay inuu isagu ugu horreeyay Qori qof qaata ee Dad dila Soomaalida dhexdeeda, Kuna faanay in Haddii uu Madax u noqdo Soomaalida uu Badda ku shubayo Ciddii kahortimaada, Dabadeedna intii Madaxweyne Soomaaliyeed laga dhigay soo kaxeystay 50 kun oo Ciidamo Itoobiyaan ah oo Magaalada Muqdisho ku xasuuqay Tobannaan kun oo shacab ah Hantidii Shacabkana maalin cad bililiqeystay.

Intaasoo dhan ninkii sameeyay waxan usoo joogay in iskadaa intuu noolaaye markuu dhintay xitaa loogu yeeray Halyey Qaran oo loo sameeyay Aas qaran, Calankii Soomaaliyeed naxashkiisa korka laga soo saaray oo weliba lagu magacaabay mid kamid ah Airaboorrada ku yaalla Magaalooyinka Soomaaliyeed.

Ninkaasi Waxaas oo darajo ah wuxuu ku helay Shacabkii Soomaaliyeed ee uu xasuuqay Dad badan oo uu Axmed Madoobe ka mid yahay buuna u yahay mid ay ku daydaan (Role- Model).

Waxan kaloo usoo joognay Hoggaamiye-Kooxeedyo dhowr ah oo illaa iyo 15 gaaraya oo ku dhawaad 20 sano xakaariyey Shacabka Soomaaliyeed Dowladnimadana u diiday, Shacabkii Soomaaliyeednaka dhigay wax ay dilaan, Kuwo ay curyaamiyaan (Dhaawac) Kuwo Badaha ku baaba’a, Kuwo Waddamo shisheeye u qaxa oo qaarna lagu laayo laguna kufsado kuwo kalena Addoon (Slave) ahaan loogu haysto Waddamo ay kamid yihiin Carabta iyo Afrika iyagoo lugaha ka xiran.

Waxaas oo Rafaad iyo dhibaato ah Hoggaamiye-Kooxeedyadii u geystay Shacabka Soomaaliyeed, waxan usoo joognay in ay Wasiirro iyo Xildhibaanno u noqdeen Shacabkii ay intaasoo dhib ah marsiiyeen kuna dallaceen Qaxarkii iyo kadeedkii ay marsiiyeen Ummaddooda, Illaa Hoggaamiye-Kooxeedyadaas qaarkood ay weli gunuunacayaan oo ayba Wasiirnimada ama Xildhibaannimada in ay ka dallacaan doonayaan oo Madaxweynenimo ay rajeynayaan.

Waxa sida muuqata socda Imtixaan Bulshada Soomaaliyeed la Imtixaanayo, Imtixaankaasina dhammaan maayo illaa inta Bulshada Soomaaliyeed ay weli sharfayaan Heybad uusan lahaynna u yeelayaan kan Dambiilaha ah ee Ummadda Gumaada, Maxaayeelay Dambiile walboo Dambiguii uu Ummadda ka galay lagu sharfo kuna dallaca oo jago ku hela, lagama yaabo in uu Dambigii uu galay ka joogsado, Bal wuu sii kordhinayaa Dambigii uu Ummadda ka galayey si markaa uu uga sii dallaco Jagada uu ku helay Dambigii uu galay.

Waxaa kaloo intaa dheer waxa jira Dambiilayaal kale oo eeganaya Dambiilaha ku dallacay Dambigiisa, waxana ay iyaguna kordhinayaan qaskii iyo Dhibaatadii ay ku hayeen Ummadda si ay u gaaraan jagada uu Saaxiibkood ku gaaray Xumaantii uu caadeystay.

Haddaba Hadal iyo Dhammantiis Dowladda Soomaaliyeed waxan aaminsanahay in Axmed Madoobe ay ku sharfeen kuna aqoonsadeen Gumaadkii uu ugeystay Bulshada Jubbooyinka, waxana aan u sheegeynaa Dowladda Soomaaliyeed haddii ay iyagu aqoonsadeen Axmed Madoobe kuna sharfeen Dambigii uu ka galay Ummadda Soomaaliyeed, in Annaga Shacabka Jubbooyinka haddaanu nahay xaggeenna uusan na matelin Guddoomiyena uusan inoo ahayn, Xaggeenana uu ka yahay Dilaa Dambiile ah, Dagaalkii aan Kenya iyo Axmed Madoobe kula jirnayna Haddii aanu nahay Bulshada Jubbooyinka sidiisii buu u soconayaa.

Ugu dambeyntii waxan madaxda Dowladda Soomaaliyeed kuwargelinayaa in ay Bilaha soo socda gudahood u diyaar garoobaan in Hoggaamiye-Kooxeedka kale ee kasoo bixi doona Jubbooyinka ee Dadka Xasuuqi doona ay isna u diyaariyaan Jagadii ay kusiin lahaayeen Gumaadka Shacabka.

W/Q:- "Soomaali Soomaali Dhalay oo Soomaalinnimo Lagu habay" - Hilaac.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.