Saameynta ey Kuleedahday Sarifka Lacagta Qalaad Dhaqaalaha Soomaliya? - Qeybtii 2aad

By Liban Mohamed Mursal - Maalgalinta Shisheeye (foreign direct investments) - Guud ahaan markii ay noqoto in laqeexo “foreign direct investment” ayaa waxaa lagu qeexaa in ay tahay Shirikado maalgashi lataaban karo ku sameysta wadan aan wadankoodii aheyn sida ayagoo dhisaaya Shirikad ama Warshad, ayagoo kafaa’ideysanaay Kheyraadka iyo Canshuurta jaban markii loo bar bardhigo Wadamada ay kayimaadeen Shirikadahaas.
Maqaallo Keydmedia Online
Saameynta ey Kuleedahday Sarifka Lacagta Qalaad Dhaqaalaha Soomaliya? - Qeybtii 2aad

Wadamada dib u dhacay dhaqaale ahaan sida Soomaliya oo kale ayaa waxey caan ku yihiin shaqaale jaban, canshuur jaban iyo waliba ilaha wax soo saarka oo aad u jaban markii loo barbar dhigo wadama soo koraayo iyo kuwa horumaray, sidaa darteeda shirikadaha caalamka aad ayey ugu tartamaan in wadamadaan oo kale maal gashi ay ku sameeyaan iyagoo ka faa’ideysanaya inta aan kor kuxusnay.

Waqtigan casriga ah ayaa wadan waliba wuxuu xooga saaraa siduu u heli lahaa tirada ugu badan ee maalgashatada caalamka si uu sare ugu qaado dakhliga wadanka, shaqa abuuris iyo horumar dhaqaale. China ayaa lasheegaa malgalinta shisheeye ugu badan inuu heysto taas oo gaareysa 59 Billion (june, 2012) iyadoo sanadkii hore uu ahaa 61 Billion (june, 2011), halka maalgashiga lamaalgashanaayo Mareekanka ay gaareyso 57.4 Billion, iyadoo hoos udhaca kuyimid uu yahay 39.2% boqolkiiba sida ay sheegtay Global Investment Trends Monitor.

Laakin maanta Soomaaliya ayaandarada heysata ayaa waxeytahay dadkeedii ganacsatada ahaa ayaa kasii cararaaya oo dhaqaalaha wadamada kale sare uqaada sida Kenaya, Uganda, South Africa, Muzambique, Tanzania iyo wadama kale. intaana waxaa ugu wacan kalsooni darada uu dareemo qofka ganacsadaha ah waayo qofkii muwaadinka ahaa haduu wadankii aamini waayo maxaad umaleysaa qof ajinabi ah, dabcan sidaa iyo silamid ah.

Dhanka kale, Mareykan ka ayaa ahaa wadnak ugu badan ee lamaalgashto caalamka dhaqaalihiisuna uu adkaa iyo waliba lacagta dollar ka oo qiimaheedu aad u sareeyay, laakin maanta markuu Mareykan ka dhaqaalihiisu sidii hore kahoos maray lacagtiisuna wey qiima dhacday, dadkii maalgashatadiina kalsoonida ayey kala noqdeen waayo qof raba majiro in hantidiisa uu halis galiyo sidaas ayuuna hoos ugu soconayaa illaa uu dhaqaalihiisu isasoo kabo.

Hadii dadka maalgashatada ay arkaan in lacagta Shilin Soomaaliga ay qiima leedahay wadankuna nabadyahay  waxey helayaan kalsooni ay ku maalgashadaaan dalkeena intaas ayaana dan inoogu jirtaa u dhaqaalaheena kusoo kabmi karaa.

Faa’idooyinka Maalgeshiga shisheeye (Foreign Direct Investment (FDI))

Shirikadaha ajinabiga ah ayaa inta badan aad  looga faa’idaa, gaar ahaan wadanka martigaliya faa’idooyin badan ayuu ku qabaa waxaana ka mid ah sidan:

1)      Shaqo Abuuris (Creating New Jobs / Employment)

Wadanka martigaliya shirikadaha ajinabiga ah waxey u sameeyaan shaqa abuuris taasoo usuuragalisa qof waliba xoogsato ah mise xirfad leh in labaduba ka shaqeeyaan oo nolo maalmeedkooda kasoo saartaan iyagoo waliba ku shaqeynaaaya mushaar macquul ah si ay sare ugu qaadaan qaab nololeedkooda.

Shirikadha ajaanibta ah ayaa waxey sare uqaadaan qeybaha kala duwan waxsoosaarka uu wadanka leeyahay walibana dhiiri galiyaan shirikadaha kale ee ajinabiga ah si ay u yimaadaan wadanka oo ay maalgashi ugu sameeyaan iyagoo waliba kusoo kordhinaaya shaqooyin ay dadka nolol fiican ka heli karaan.

2)      Teknoolojiyada Cusub (New technology)

Kaliya shaqa abuuris masameeyaane xitaa waxey kusoo kordhiyaan teknoolajid cusub si ay ugu dar dar geliyaan adeegooda iyo howlahooda, waayo dalka markaad u fiirsato teknoolajiyadiisa aadbey u liidataa uu wuxuu u bahaanyahay in sare looqaado waxaane inaga saacidi kara inagoo marti galina sharikadaan si ay uga qeyb qaataan dalka horumarkiisa.

Shirikad waliba waxa ay jeceshahay marka wax soo saar sameyneeso sida ugu dhaqsiyaha badan ugun waqti yar iney wax kusoo saaraan si ay u kordhiyaan faa’idooyinkooda sidaa darteeda wey ku qasabanyihiin iney horumariyaan miseba ay sare uqadaan teknooliyada wadamada ay ka howlgalayaan iyagoo cilmi baaris dheer ku sameynaya sida loogu dabaqi karo teknoolajida casriga ah wadanka qeybihiisa kala duwan.

3)      Kanabaadguurida  Kheyraadka Dabiiciga ah ( Abundant natural resources )

Wadamada soo koraaya iyo kuwa kahooseeyaba waxa lagu yaqaanaa in ay leeyihiin ila dhaqaale oo dabiici ah oo aysan waxba ku qabsan iyagoo aanan awoodin farsamdee iyo khibradii maamulnimo oo loo baahnaa si looga faa’ideesto ilahaas dhaqaale ay beri hore isaga tageen. Waayo maanta dalka Soomaaliya kheyraadka ku jira lama qiyaasi karo waayo inta muuqata inta qarsoon ayaa kabadan oo aan horay loo baarin ama loosoo saarin sababtoo ah maanta dalkeena shidaal, macdan iyo dahab intuba lagama baarin oo waxyaaba aan beri hore iska ilownay ayey kamid yihiin maadaama farsamadoodii iyo khibradodii aan laga heli Karin, marka sharikada dibada inooga imaanaaya ee dalka maalgashnaaya waxey inoo suura galin karaan waxyaabaha lagama maarmaan ka ah iyo farsamadii loobaahnaa si looga faa’ideesto kheyraadkaas ay  dowlada iyo bulshaduba ay ugu faa’daystaan.

4)      Kororka Dakhli (Increase of Income )

Mar waliba oo ay shirikado ajinabi ah wadanka yimaadaan waxaa kordha dhaqaalaha gaar ahaan dakhliga qoysaska ka shaqeeya sharikadahaas iyo guud ahaan dakhliga dowlada waayo waxaa laga qaadaa canshuur aad u tirabadan taasoo ay dowlada ku caawineyso howlaha guud ee bulshada sida dhismaha wadooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariic kale oo dowlada ugaaar ah. Waxeyna suura galineysaa inuu  sare u kaco wax soo saarka iyo adeega  sanadlaha ah uu wadanka soo saaro sanadkiiba taasoo macnaheedu ay tahay in shaqsi waliba dakhligiisa kor u kaco markii loo bar bardhigo tirade shacabka kunool wadanka.

NB: Hadalka nuxurkiisu waxaa uu noqonayaa, hadii aanu wadanka lahayn lacag kaliya oo ugaar ah, midaas oo mid leysku haleyn kara aan aheyn markii ay noqoto xaga sarifka oo ay qatarteedu aad u sareyso sida Soomaaliya oo kale wey aadkaaneysaa in dowlada shisheeye ay yimaadan wadanka ay maalgashi ku sameeystaan iyagoo u sababeynaya qodobo dhowr ah gaar ahaan qatarta sarifka lacagta.

Marka hadii aanu rabno in wadanka horumar dhaqaale uu gaaro, dadkeenuna ay nolol sare u helaan waa in ay dowlada  sameysaa lacag u gaar ah wadanka eyna mamnuucdaa isticmaalka dollar ka si looga hortago wax allaaale wixii khalkhal u keeni kara horumarka dhaqaalaha soomaaliya.

Lasoco Qeybta 4aad iyo todobaadka dambe.

Qore: Liban Mohamed Mursal (Moha Gaas) - Melaka, Malaysia.
Graduate of Banking & Finance - Gaas56@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.