Sh. C/raxmaan “Dagaaladda Boosaaso Muqdisho ha loo Wareejiyo” (Xog Muhiim ah)

Waxaa la yiri si kastoo qofku isku qariyo mar unbuu la soo ifbaxaa wuxuu qarsanayay, maanta dhibka Soomaaliya haysta waxaa u weyn cudurka qabyaalada la yiraahdo oo runtii saamayn weyn ku yeeshay reerkii Soomaali la oran jiray, waxaase ka sii daran in qabyaaladii loo xiray shaati diimeed oo Masaajidii iyo dadka hortiisa ninwalbaa ka cadaystay.
Maqaallo Keydmedia Online
Sh. C/raxmaan “Dagaaladda Boosaaso Muqdisho ha loo Wareejiyo” (Xog Muhiim ah)

Gudaha dalkeena iyo dibadiisaba waxaa ka soo ifbaxay dad dabar-goynaya dadkii iyo dalkii, dadkaas ayaa ah kuwa diin sheeganaya islamar ahaantaana ku dhaqmaya qabyaaladii oo qaawan ama xoogaa la casriyeeyay, loona ekeysiiyay Diin iyo Jihaad, oo dagaalada ay kooxaha islaamiyiintu hormuudka ka yihiin iyo guud ahaan afkaarta sumeysan ee aan arkeyno ayaa intuba ku qotomaan qabyaalad iyo kooxeysi iyo masaalix ciriiri ah oo aan ka tarjumeyn danta guud.

Dadka aysan ishoodu furneyn ayaa u maleyn kara in qabyaaladii dhamaatay oo gabi ahaanba khilaafka iyo dagaalada iyo isradinta socotaa ay ku saleysantahay diin iyo afkaar saliim ah.

Dhibaatadan aan sheegnay ee ah qabyaalada la diimeeyay ayaa lagu barakeeyay Muxaadaraad xiriir ahaa ee uu qabtay Sh Cabdiraxmaan Abyad oo kamid ah wadaadada sheekhnimada ku xoogsaday wadamada gaalada gaar ahaan wadanka Denmark.

Wadaadkan ayaa kamid aheyn Culumada Soomaaliyeed ee lagu bartay fagaaraha cilmiga iyo faafinta Diinta islaamka, balse waxaa la xaqiijiyay in uu kamid yahay ragga qurbaha isku caleemo saaray ee isku soo shaac bixiya Bogaga internetka, mana ay jirto waxbarasho jaamacadeed ama ogolaansho uu ka qaatay culumo waaweyn oo uu ku faafin karo Diinta islaamka.

Sh Cabdiraxmaan Abyad ayaa mid kamid ah Muxaadaraadkaas hoosta kaga xariiqay in Colaada iyo Dagaalada ka socda Puntland loo wareejiyo Magaalada Muqdiso.

Sh Cabdiraxmaan Abyad oo ka soo jeeda Deegaanada Puntland ayaa sidaas ay caradu ku dheehan tahay ku diiday dagaaladaas uu Maxamed Saciid Atam ka wado Buuraha Boosaaso, waxaana uu Maleeshiyaadkaas ugu baaqay in ay iska xaadiriyaan Magaalada Muqdisho ee ay gaaladu joogto, waa hadii hadafkoodu yahay kheyr iyo jihaad, markaas ka dibna la qiimeyn karo Maslaxada iyo Dhibka uu la yimaado dagaalka ay Muqdisho ka galaan.

Taas ayaa la macna ah in marka ay Muqdisho tagaan oo ay ka qeyb qaataan dhiiga iyo Barakicinta shacabkaas, dabadeed loo eegi karo waji maslaxo ah ama mid kale!

Miyeysan Cadowtinimo iyo Qabyaalad aheyn in Wadaadku sidaas ku baaqo! oo maxey tahay maslaxada ku jiri kartaa in Maleeshiyaadka Atam ay ku soo biiraan dagaalada macna darrada ah ee shacabku sida joogtada ah ugu halaagsamayo! Mise maslaxad ay Shabaabku ka keeni kari waayeen ayey ka soo dhalin karaan!

Baaqa munaasabka ah ee ay islaamnimo iyo walaaltinimo ku jirto ayaa ah in Maleeshiyaadka Atam ay colaada ka joojiyaan deegaanada Puntland islamar ahaantaana aysan dhibkooda usoo wareejin Gobolo kale.

Hadii hadafku gaalo yahay waa marag madoonto in Puntland gaalo joogto, Xamarna ay joogaan Gaalo Madaafiic waaweyn sita oo hadii hal madfac lagu tuuro ku soo jawaabaya boqol madfac.

Hadaba keebaa dhibka ugu badan ku jiraa in la ugaarsado Gaalada Itoobiyaanka ah ee jooga Puntland sida wakiilada isha ku haya Maamulka Faroole iyo Mukhaabaraadka kale ee Gaalada ah, iyo in lala dagaalamo Gaalada Amisom ee Muqdisho ku sugan! Jawaabtu waa iska cadahay, hadana sidaas oo ay tahay looma baahna in Amisom iyo Gaalada Puntland joogta lala dagaalamo oo labada gaalaba waxey ogolaansho ka heystaan Maamulka Puntland iyo Dowlada KMG, dagaal gaaladaas lala galaa ayaa ka dhigan dagaal lagu qaaday Maamulka Puntland iyo Dowlada KMG maadaama labada gaalba ay ka soo horeeyaan Ciidamo Soomaaliyeed oo muslimiin ah, dhibka ugu badana uu ku dhacayo shacabka.

Sh Abyad marka uu leeyahay Maleeshiyaadka Atam Muqdisho haka soo dagaalamaan ayey ka dhigan tahay in ay dagaal toosa la soo galaan Dowlada Sh Shariif saa Amisom Dowladaas ayey u joogtaaye, iyagoo dagaalka ka joojinaya Maamulka Faroole ee Itoobiyaanku meesha ku hayaan.

Mid waa sax waana arrin muqadas ah in la adkeeyo Nabada Puntland oo aan lagu xadgudbin dhiiga shacabkaas iyo Maamulka halkaas ka jira, sidaas oo kale ayey muqadas u tahay Nabada Muqdisho iyo dhiiga shacabka ku nool, loomana dulqaadan karo baaqyada noocaan ah ee ay ka muuqato qabyaalad qaawan iyo xaasidnimo gaamurtay.

Sidoo kale looma dulqaadan karo hadii ay dhacdo in Wadaad Reer Koonfureed ah uu ku baaqo caksiga Sh Abyad oo ah in Maleeshiyaadka Shabaabka laga wareejiyo Muqdisho si ay ula dagaalamaan Gaalada Puntland joogta.

Baaqa Sh Abyad ayaa ah mid sumeysan oo fitno iyo cadaawad xambaarsan islamar ahaantaana saameyn ku yeelan kara da




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.