Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Xaalada shabaab maanta waxay joogtaa halkii ugu darneed, waxaa soo shaac baxay khilaaf balaaran iyo xurguf u dhaxeysa GODANE iyo Robow oo labaduba ka tirsan horjoogayaasha Shabaab, waxaana khilaafka sabab u ah godane oo haminaya inuu khaarijiyo Roobow oo uu u arkay inuu lid ku yahay dantiisa.
Tuhunka xoogiisa wuxuu soo ifbaxay kadib khaarijintii Fazuul C.lle oo ay dad badan rumeysan yihiin in dilkiisa uu agaasimay Godane isla markaana uu amray isaga in wadadaas lagu soo habaabiyo si uu u wajaho qatarta ciidamada dowlada halkaasoo uu rumeesnaa in la dilayo ama la qaban doono.
Godane waxa uu sidaa u yeelay FAZUUL oo damacsanaa inuu isbadal ku sameeyo maamulka Shabaab ee dhinaca Soomaalida, waxaana uu waday warqad uu ku doonayo inuu ku badalo Godane isla markaana wadkiilka Alqaacida ee Soomaaliya loogu magacaabayay Muhtaar Mansuur.
Mar kale waxaa la warinayaa oo ay sheegayaan ilo ku dhex jira Shabaab oo ay keydmedia la sheekeysatay in Godane uu damaacinayo inuu dil u abaabulo Roobow si uu uga baxo walaaca uu ka qabo xukunka in laga riixdo.
Cajalad Maqal ah oo uu soo duubay Godane isla markaana aan lagu soo darin gabayadii uu ku caanbaxay ayaa todobaadkii tagay waxaa uu ku sheegay in Shabaabka ay ku jabeen dagaalada isla markaana ay jirto caqabad balaaran oo ay iminka wajahayaan, waxaana uu xusay in Mamaulada gobalada ee Shabaab lagu dhex beeray Jawaasiis ujeedadooda ay tahay in ay kala furfuran Shabaabka.
Marka aan si gaar ah u aqrino inta ku dhigan Farta Madow ee qoraalkeena sare waxaa muuqanaya in maamulada gobalada ee faraha lagu fiiqay ee jawaasiisnimadana uu ku sheegay Godane in ay yihiin kuwa ka jira BAY, BAkOOL, SHABEELOOYINKA IYO JUBOOYINKA, waayo inta badan xubanaha maamuladaasi hogaamiya waa ehelada Mukhtaar Robow oo ay iminka ku loolamayaan hogaaminta kooxda Shabaab.
Mr Roobow oo isagu ah qunyar socod aan hadal badneyn balse leh fikir dhan u jiheysan kama aanu hadlin wali arintaas, waxaana ilo ku dhaw ay sheegeen inuu ku kalsoonyahay in wakiilnimada Alqaacida ee Soomaaliya cid isaga ka xigtaa aanu jirin.
Isa heysadka u dhaxeeya labada shaqsi waxa uu saameeyay guud ahaan dhaq dhaqaaqii kooxda iyo habsimi u socodkoodii, waxaana arintaasi ay sababtay in Shabaab looga itaal roonaado dagaalo badan oo ku dhacay gobalo iyo degmooyin Dalka ka tirsan isla markaana lagala wareego deegaano MUHIIM u ahaa iyaga istaraatiijiyad ahaan.
Ma sahlana saadaal fadhisa in laga bixiyo halka uu saldhigan doono mustaqbalka iyo Aayaha Shabaab, waayo xaajadu waa mid marba dhan isu weecineysa oo gadgadoon badan, waxaana laga yaabaa in si lama filaan ah ay wax badan isu badalaan.
Laakiin marka laga waramo niyada shacabka Soomaalida ah iyo doonistooda Dal iyo dibad meel ay joogaanba waxaa leysku waafaqsan yahay in aanay jirin haba yaraatee cid damiir leh oo gacaltooyo intay doontaba hala ekaatee u heysa Shabaab, waayo Dadku waxay ku waana qaatay ficilada arxandarada ah ee ay kooxda ka caada yeelatay.
Saansaanta muuqata marka laga tusaala qaato waxaa muuqaneysa in shabaab uu gabalkoodi sii dhacayo isla markaana ay u harsan yihiin maalma kooban oo kaliya, waayo niyada shacabka kuma hayaan kalsooni intay doontaba ha ahaatee, sidaasoo kale dhalinyaradii la qadlay ee u dagaal gashay shabaabka waxa muuqaneysa in ay bilaabaan fikir iyo isbadal doonimo.
Waxaan maqli jiray AYAX TAG EELNA REEB, waxaan uga gol leeyahay Shabaab kolka ay baxaan oo waqtigooda uu idlaao, mudad badan qaadatan Sidii looga dhaqi lahaa niyada shacabka uurxumooyinkii balaarnaa ee ay shabaab umada badeen, sida Xasuuq wadareedyadii ay shabaab ka fuliyeen Muqdisho iyo meela kale oo badan.
Hadaba akhriste marka aad kaashato fikirkaaga, waaya aragnimadaada sidey kuula muuqataa Xaalada shabaab? Muda intee la eg ayeey sii jiri karaan? Maxaase la gudboon si ceebaha aan tirada yareen ee ku hareereysan ay isaga dhaqaan?.
Fadlan aragtidaada Noogu soo dir Facebook.
Naciimo Warsame - Keydmedia Investigative Journalist
Add comment
Comments