Wikileaks Oo Shaacisay Warbixino Sir Ah

London (Keydmedia) - Shabakadda Wikileaks ayaa daaha ka rogtay warbixino sir ah oo siyaasi Jabuutiyaan ah (Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Mr. Maxamuud Cali Yuusuf) u gudbiyay Sareeye ka tirsan Ciidanka Cirka ee Mareykanka laguna magacaabo Gen. Das Wycoff sanadkii 2009 oo booqasho ku tagay dalkaasi, kuna aadan sida uu u arko Siyaasada Beelaha ee Somaliya.
Maqaallo Keydmedia Online
Wikileaks Oo Shaacisay Warbixino Sir Ah

 


Taliye ku xigeenka ciidanka Cirka ee Mareykanka Wycoff ayaa weydiiyey Maxamuud Cali Yuusuf bal inuu faahfaahin iyo xog ka siiyo khilaafaadka hareeyey beesha Hawiye iyo colaada ka jirta deegaanada koonfureed ee Soomaaliya.

DAS Wycoff ayaa u muuqda inuu doonayey inuu wax badan ka fahmo khilaafaadka beelaha ah ee Soomaalida gaar ahaan beesha Hawiye oo 20 sano ee la soo dhaafay ku jirtay isqabqabsi iyo colaado sokeeye.

Hase yeeshee muxuu ku jawaabay Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arimaha dibadda Djibouti?

HAWIYE waa Saddex qeybood oo madaxa iskula jira

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yusuf oo sharaxaya xogta ay saraakiisha Mareykanku ka weydiiyeen colaadaha hareeyay Beesha Hawiye taas oo jawaabteeda uu u dhigay sidan;-

Questioned about internal dynamics of the Hawiye clan, FM Youssouf observed that whereas in the past the Hawiye had engaged in a power struggle with other major Somali clans (like Abdullahi Yusuf’s Darod), following their ouster from Mogadishu after Siad Barre’s regime, there was now conflict within the Hawiye clan itself. The major factions within the Hawiye comprised three groups:

“Hawiye kolkii hore loolan siyaasadeed ayuu kula jiray beesha Daarood oo uu ka soo jeedo Col.C/laahi Yuusuf,balse kadib markii beeshaas laga saaray Muqdisho oo la riday xukunkii Siyaad Bare ka dib Hawiyuhu hoos ayuu isugu noqday dhexdiisa, waxayna bilaabeen loolan siyaasadeed oo markii dambe colaad isu bedelay”, ayuu yiri wasiirka.

Sariikiisha Mareykanku waxa ay qoreen in wasiirka arrimaha dibadda Djibouti uu Hawiye u kala qaaday saddex kooxood si uu saraakiisha Mareykanka ugu sahlo fahamka colaada ka dhex aloosan beesha Hawiye.

1- Qeybta koowaad waa qeyb aan nidaamka iyo kala dambeynta  laheyn, waxayna aaminsan yihiin boob iyo bililiqo, dil ama ha lagu dilo oo qura. Waana kuwa ay iminka Muqdisho gacanta u gashay.

2- Qeybta labaad waa ganacsato   gacanta ay u galeen maamulkii dekedaha Soomaaliya, waxayna leeyihiin shirkado kaluumeysi, waxay qorteen maleeshiyaad ay hantidooda ku ilaashadaan, kulana dagaalamaan hogaamiye kooxeedyada.

3- Qeybta saddexaad wuxuu ku sheegay, waa beeraleey ka hawlgeli jirtay beeraha dawlada ka hor burburkii dawladii Soomaaliya 1990-kii, markii dawladii burburtay kadib waxay sii wateen ganacsiga muuska, iyagoo dunida u iibgeeya dalagga beeraha oo ay ka mid yihiin muuska.

Mar Wasiirku ka waramaya wada noolashaha saddexdan qeybood wuxuu sheegay in mar walba ay jirtay isu  dheelitir dhanka awooda beelaha ah, balse wuxuu yiri waxay taasi meesha ay ka baxday markii dawlada Mareykanku qaadatay go’aankii ay gacanta ku siisay dagaal oogeyaashii Muqdisho sanadkii 2005 markaasoo hogaamiye kooxeedyadii qabiilada ay ku dhawaaqeen ururkii la dagaalanka argagixisada, taasoo fursad u siisay Midawgii Maxaakiimta Muqdisho in ay ka faa’iideysataan xaaladaas, kadibna dawlada Ethiopia ay soo faragelisay Soomaaliya.

Yaa iska leh deegaanka Xamar iyo Banaadir ?

Wasiirka arimaha dibadda Djibouti Maxamud Cali Yuusuf  waxaa kaloo la weydiiyey cidda iska leh DEEGAANKA MUQDISHO oo ah caasimada Soomaaliya oo Soomaali badan ku nooshahay?

Wuxuu wasiirku yiri:-

“Generally, Hawiye/Abgal hailed from Mogadishu, while Hawiye/Habr-Gedir came from Mogadishu’s outskirts”

Wuxuu sheegay in degaanka Muqdisho in Abgaal uu leeyahay isaguna uu dego, halka beesha Habargidir ay ka yimaadeen duleedka Muqdisho.

Maxamuud Cali Yuusuf oo sababeeyey colaada guud ee Soomaalida wuxuu sheegay inay ugu wacan tahay farqiga qabiilka iyo sadbursi beelo ku saleysan.

“Dabeecada colaada Soomaalida waxaa laf dhabar u ah Qabyaaladda waayo markaad eegto dagaalada u dhexeeya qabaa’ilka Hawiyaha ee uu ku hoobtay dhexdiisa”, ayuu yiri wasiirka Djibouti.

TUSAALE MUHIM AH

Waxa kale oo uu wasiirka arrimaha dibadda Djibouti tusaale u soo qaatey in ciidamada dawlada KMG Soomaaliya ee dalkiisa lagu tababarayay oo qabiilka Hawiye u badnaa in inta ay xerada tababarka ku wada jiraan ay u kala fadhiistaan qaab qabiil iyo Jufooyin hoose, iyadoo ay askartu sheegtay ayuu yiri wasiirku “in ay ka baqanayaan in qolada kale weerarto inta ay xerada ku wada jiraan”.

Soomaalida mala heshiisiin karaa?

Wasiirka arimaha dibadda Djibouti waxay weydiiyeen saraakiisha Mareykanku in garnaqsi Soomaalida loo sameyn karo oo gaar ahaan wadamada Africa ay arinka geli karaan, wuxuuna ku jawaabay in taasi ay suurto gal tahay, dalka Djibouti-na uu diyaar u yahay wada heshiisiinta Soomaalida, balse wuxuu sheegay in taasi kaga haboon tahay in Soomaalidu gudaha wadankooda ku garnaqsadaan oo ruuxa Soomaaliga ahi uu si iskiis ah u garto in nabaddu tahay sheyga ugu muhimsan nolosha ayna noqoto go’aankiisa kiisa ah ee aan dibadda laga keenin.

Wuxuuna intaa ku daray in markaasi ay reer walba oo Soomaalida ka mid ah uu  soo bandhigo waxa uu  tabanayo, taasoo ah nooca dib u heshiisiinta keliya ee shaqeyn karta.

DKMG Way la macaamili kartaa Puntland iyo Ahlu Sunna Laakiin  Al-Shabaab ‘MAYA’

Maadaama Mareykanku taageero qorshaha Djibouti ay ku tababarto ciidamada DKMG Soomaaliya wuxuu sarkaalka Mareykanka weydiiyey wasiirka Djiboutian-ka ah waxa uu yahay xiriirka DKMG, Puntland iyo Al Shabaab?.

Wuxuuna sheegay in dawlada Sheekh Shariif ay la macaamili karto Puntland oo ah maamul deegaanada Waqooyi bari ka arimiya isla markaana nabad ay ka hirgashay. Iyo Ahlu Sunna Waljameecah oo ah urur diimeed ka taliya gobolada dhexe ee Soomaaliya dagaalna kula jira Al Shabaab.

“TFG way ka faa’ideysan kartaa awooda Ahlu Sunna, marka dambena waxay ku biirayaan ciidamada dawlada Soomaaliya”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaa sii raaciyey in Madaxweyne Sheekh Shariif aanu awoodin in mushahar siiyo maleeshiyaadka tirade badan ee Ahlu Sunna taasina ay ku adkaan doonto Dawladiisa.

Laakiin wuxuu wasiirku meesha ka saaray in marna xiriir dhexmari karo DKMG iyo Shabaab, waayo ayuu yiri “ka dib dhimashadii Saleh Cali Nabhan iyo joogitaanka Harun Fazul oo ah nin ka soo jeeda jaziirada Comoros oo ku sugan gudaha Soomaaliya iridka wada hadal wuu xiran yahay”.

DKMG iyo xiriirkeeda Puntland iyo Somaliland

Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu saraakiisha Mareykanka u sheegay in dhinaca Puntland ay dooneyso ka qeybgalka nidaam Soomaaliyeed oo federal ku dhisan. Laakiin wuxuu ka digay in DKMG ku degdegto arinta Somaliland oo sameysatay doorashooyin u gaar ah kuna dadaashay xasilooni inay ka hirgaliso deegaankeeda.

Carabta iyo Xasan Daahir Aweys

Intii uu socday wada sheekeysiga u dhexeeya saraakiisha Mareykanka iyo Wasiirka Djiboutian-ka ah waxaa uu shaaca ka qaaday in dawlado Carbeed ay martiqaad u idiyeen Xasan Daahir Aweys ka hor intii uusan dhisan ururkii Xisbul Islaam si lool wada hadashiiyo isaga iyo Sheekh Shariif balse uu diiday taasi.

Diblomaasiyiinta Mareykanka oo ka yaabay sharraxaada la siiyey

Sida ku cad WARQAD naqdin ah oo ay qoreen diblomaasiyiinta Mareykanka, waxay ku sheegeen siday uga yaabeen Maxamud Cali Yuusuf iyo sida uu uga dhuundaloolo arimaha qabiilada Soomaalida, weliba waxey yiraahdeen isagoo ka soo jeeda qowmiyada Canfarta ee Djibouti, sidaasi darted waxaa la yaab noqotay in ninka Canfareed uu si faahsaahsan uga hadlo mushkiladaha qabiilka ee Soomaaliya, taasoo xitaa madaxda kale ee Djibouti aysan u Aqoonin.

Keydmedia.net

  




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.