? Shalay Gen. Caydiid u Sacabtume, Maantay Raaskambooni-Kablalax-Kenya // Daawo

Daawo Video Cusub - Waxaan idiin soo bandhigaynaa Filimkaan aan idiin soo xulnay oo run ahaan Waayo-aragnimadaada kobcinaaya. Waa Muhim in aad ogaataan Cudurka Qabyaaladda in uu Bulshada Soomaaliyeed Qayb kamid yahay, Dhuuxa ka galay.
? Shalay Gen. Caydiid u Sacabtume, Maantay Raaskambooni-Kablalax-Kenya // Daawo

Abwaan Gandaal iyo Abwaan Makayte (AUN), Shalay waxey isku xulufo ahaayeen oo ay u Sacabtumayeen Generaal Maxamad Faarax Caydiid, waxeyna kamid ahaayeen Ururkii SNA (Somali National Alliance). Abwaan Gandaal, Abwaan Makayte waxay kasoo horjeedeen Jabhadii SSDF ee uu Gen. Morgan Hogaaminayay, Axmed Madoobe-nah kamid ahaa.

Abwaan Gandaal, Abwaan Makayte, waxay kasoo Horjeedeen Kooxdii Morgan, Axmed Madoobe, Adan Gabyow iyo Maxamad Siyaad Barre oo isku bahaystay in ay Xukunka Soomaaliya iyo Muqdisho dib u qabsadaan.

Abwaan Gandaal, Abwaan Makayte, waxay curiyeen Suugaan-Dagaal oo ay ugu factirinayaan haraadigii Siyaad Barre iyo Beesha uu ku abtirsado Generaal Morgan.

Waqtigaas waxaa kasoo wareegay 18 Sano, Makayte waa dhintay (Allahu u naxariistee), hase ahaatee Abwaan Gandaal waa noolyahay wuxuuna Maantay garab taaganyahay oo uu Gaashaanka u hayaa Axmed Madoobe.

Filimkaan waxaa dhagihiina ku maqli doontaan oo aad ka dheehanaysaan in Soomaalida qaarkeed aysan lahayn Dun Mabda




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.